Dadkii Sweden qaxootiga ku soo galay oo faqiirnimo ku nool

5

Baaritaan uu sameeyay wargeyska Dagens Nyheter oo shalay la soo bandhigay ayaa muujinaya in kala bar dadkii Sweden qaxootiga ku soo galay 10 sano ka hor ay wali ku noolyihiin faqiirnimo. Baaritaanka oo ku salaysan 24,567 qof oo Sweden sharci laga siiyay sanadkii 2004 iyadoo dadkaas 15,740 ay wali ku noolyihiin Sweden.

Dadka ku nool Sweden ee sanadkii 2004 soo galay ayaa wargeysku soo bandhigay in kala bar ay soo gasho lacag ka yar 13000kr/bishii, iyadoo sadex meelood hal meel ay wali cayr qaataan. Dadkii ku soo galay Sweden midaynta qoyska ayaa la sheegay in xaaladooda ay ka sii liidato oo ay bishii soo gasho 4500kr oo keliya.

Baaritaankaan ayaa muujinaya arinta aan wada ognahay ee ah in qaxootiga Sweden ku nool ay haysato jeebyari. Maadaama ay adagtahay in Sweden shaqo laga helo ayay tiro badan oo ka mid ah soo galootiga ku noolyihiin qaadashada cayrta iyo shaqooyin yaryar oo aan lacag fiican bixin. Mushaarka caadiga ah ee Sweden laga bixiyo ayaa isku celcelis ah 23,700kr/bishii.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here