Dadkii ugu badnaa oo Sweden soo galay, isagana guuray!

Sanadkii tagay ee 2015 ayaa Sweden waxaa isaga guuray dadkii ugu badnaa taariikhda wadanka ilaa sanadkii 1850. Dadka isaga guuray Sweden ayaa u haajiray wadamo kala duwan, iyagoo isugu jira Swedish ku dhashay wadanka iyo dad ka soo jeeda wadamo kale oo ama ku laabtay wadankoodii ama u guuray wadan kale.

Waxaa guud ahaan wadanka isaga guuray 51,237  qof sanadkii la soo dhaafay. Dadkaas ayaa u guuray wadamo ay ku jiraan Maraykanka, UK, Talyaaniga iyo kuwo kale sida ay shaacisay hay’ada tirokoobka Sweden (SCB). Qaar kale ayaa ku laabtay wadamadoodii. Sababaha ay dadkaan uga guureen Sweden ayaan lagu sheegin warbixinta.

Si kastaba ha ahaatee, dadka Sweden soo galay sanadkii hore ayaa aad uga badan kuwa ka guuray. Guud ahaan waxaa Sweden iska dhiibay sanadkii tagay dad gaaraya 163,000 qof kuwaasoo ay ku jiraan 35 400 qof oo isku dhiibtay caruur ahaan. Guud ahaan dadkii is dhiibay iyo kuwa ku soo galay ardaynimo iyo shaqo ayaa sharciga waxaa la siiyay tiro gaaraysa 109 000 qof.

Tirada Soomaalida iska dhiibtay wadanka ayaan la shaacin balse waxaa hubaal ah in ay hoos u dhacday tirada Soomaalida, qaasatan kuwa sharciga la siiyay maadaama ay Laanta Socdaalka bilaabeen in ay ka aamusaan Soomaalida.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. Flip Sharma says:

    maxaa sababi karo ina somalida laga amuso ?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  2. Muuse biixi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 13

  3. Boqoryooyo says:

    Waxa sabay in laga aamuso soomalida Waxa yimid swedan taliyaha laanta socdaalka ee somalia oo u sheegay in somalia ay nabad tahay qaasatan muqdisho

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  4. yaasir says:

    asc ugu horey yaanan leys dhaleeceyn wabsaada waa mid dan noogu jirto dan anoo dhan jimcaale wuxuu noo sheegay wixii jiray hady ku anfacday waa ok hadii kale …….

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  5. Guuleed says:

    Waa wadan aay shaqadiisa iska adag tahay dadkiisana xer xeran marka meel ka qeer roon Allaha inoo saqiro dhul gaalo faa’ido malahan daruuf ayaa na wada keentay wadankeena Allaha inoo toosiyo insha Allah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  6. Kabtan matii says:

    Sharcigii kumeer gaarka ahaa ee 3sano cid la siiyey MA jirtaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Rafiki says:

    Jimcaale masuul sare ajir iyo xasanaad alle hasiiyo waad kumahadsantahay juhdigaada waxmagaratada warkooda ha qiimeynin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  8. cali maxamud says:

    Waa sax jimcaale dad laga aamusay weey jirtaa anigaa la iga aamusnaa sanad iyo lix bil shalay ayeeyna negativ i siiyeen sababtana ma aqaano marka dadka iska hadlaayo ayagoo waxba ogeen iska aamusa jimcaale wuu niiga xog ogaalsanyahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. ali says:

    Walal cali intan lagu didin maqa interfiyu aya martay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. ali says:

    Asw walaal ali sabir anigaa sanad ayaa la iga aamusnaa hadeey isoo direen balan ay leeyihiin waa dhameeystir kiis kaagii ah kaalay . Kombletterar qof ay usoo direen majiraa allah amuurah sahlo dhamaanteenba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. faay says:

    illaahey ha ufududeeyo walaalkey ani illaahey wuu iiga gargaaray migrationka waana lay ogolaaday ilmaheeygi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0