Dadyowga taageeradda caadifadeed u haya kooxaha argagxisadda oo kordhay

0
STOCKHOLM 20170316 S‰pochefen Anders Thornberg presenterar s‰kerhetspolisens Ârsbok vid en presstr‰ff p torsdagen. Foto: Janerik Henriksson / TT / kod 10010

Ciidanka sirdoonka dalkaan Iswiidhan ayaa shaaca ka qaaday in ay kordheen kooxaha taageeradda caadifadeed u haya kooxaha argagaxisadda.

Taliyaha ciidamadda sirdoonka Anders Thornberg ayaa isagoo la hadlaya warbaahinta maxaliga  sheegay in ay jiraan dadyoow taageero caadifadeed u haya kooxaha argagaxisadda ah. Anders, waxaa kale oo uu tilmaamay in dhalinyaraddii u safri jirtay dalalka kooxahaasi ka taliyaan ay haatan hoos u dhac ku yimid balse ay jiraan taageero caadifadeed oo loo hayo.

“Waxaan ka war qabnaa in ay jiraan dad dalalkaas dib uga soo noqdey oo dhallinyarada xiriiro la sameeya, iyo kuwo kale oo iyagana mar walba isku dayaya in ay dalkaan ka qortaan dhallinyaro da’ yar si ay uga dhaadhiciyaan waxa ay rabaan” ayuu yiri Anders Thonrberg oo ah taliyaha ciidamadda sirdoonka Iswiidhan.

Ugu dambeyntii wuxuu Anders sheegay in ay indhaha ku hayaan shaqsiyaadka kooxahaas ka mid ah oo dalkan dibu ugu soo laabtay, kuwaas oo ku howlan siddii ay u soo xero gelin lahaayeen dad dhaqaale taageera.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here