Dowlada ayaa baaritaan ku sameyneysa sidii dagaal cusub loola gali lahaa cunsuriyada ka dib markii SD ay soo galeen baarlamaanka, iyadoo dowlada ay Iskuulada bartilmaameed ka dhigeyso. Waxaa la sheegay in aragtida ardada dhigada dugsiyada sare ee ku wajahan dadka Qaniisiinta ah ay soo wanaagsanaatay balse ay siyaaday cunsuriyada iyo aragtida xun ee loo hayo dadka Yuhuuda iyo Muslimiinta ah. Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa sheegay in tani ay cadeyneyso in hawl u taal, waxa uu sheegay in jiil kasta loo baahanyahay in la kasbado isagoo sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada laga talaalo cunsuriyada. Dowlada ayaa magacowday khabiir baaritaan ku sameynaya cunsuriyada iyo sidii xal loogu heli lahaa. Wasiirka ayaa sheegay Muslimiinta iyo Yuhuuda uu la kulmay in ay u cadeeyeen cabsida ay ka qabaan cunsuriyiinta. Waxa uu tusaale u soo qaatay haweeney Soomaaliyeed oo sanadkii la soo dhaafay lagu cunsuriyeeyay magaalada Tomelilla.  Khabiirka loo saaray arimahaan ayaa laga doonayaa in uu bisha Oktobar soo bandhigo sababaha ka dambeeya cunsuriyada iyo sidii xal loogu heli lahaa. Iskuulada ayaa la doonayaa in ay ka qeyb qaataan la dagaalanka cunsuriyada. Wasiirka ayaa si aan toos ahayn u weeraray xisbiga cunsuriga ah ee SverigeDemokraterna waxa uu sheegay in uusan iyaga toos u weerarayn balse soo galitaankoodii baarlamaanka uu muujinayo in loo baahanyahay in cunsuriyada la hor istaago. Wasiirka ayaa ka digay in Sweden ay raacdo wadada ay mareen dhowr wadan oo ka mid ah Yurub oo cunsuriyiintu ay la wareegeen isagoo tusaale u soo qaatay dalka Denmark. SD ayaa ku tilmaantay dagaalkaan cusub ee lagu baaqay mid borobogaando ah.

Dagaal cusub oo lagu qaadayo cunsuriyada

Dowlada ayaa baaritaan ku sameyneysa sidii dagaal cusub loola gali lahaa cunsuriyada ka dib markii SD ay soo galeen baarlamaanka, iyadoo dowlada ay Iskuulada bartilmaameed ka dhigeyso. Waxaa la sheegay in aragtida ardada dhigada dugsiyada sare ee ku wajahan dadka Qaniisiinta ah ay soo wanaagsanaatay balse ay siyaaday cunsuriyada iyo aragtida xun ee loo hayo dadka Yuhuuda iyo Muslimiinta ah.

Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa sheegay in tani ay cadeyneyso in hawl u taal, waxa uu sheegay in jiil kasta loo baahanyahay in la kasbado isagoo sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada laga talaalo cunsuriyada.

Dowlada ayaa magacowday khabiir baaritaan ku sameynaya cunsuriyada iyo sidii xal loogu heli lahaa. Wasiirka ayaa sheegay Muslimiinta iyo Yuhuuda uu la kulmay in ay u cadeeyeen cabsida ay ka qabaan cunsuriyiinta. Waxa uu tusaale u soo qaatay haweeney Soomaaliyeed oo sanadkii la soo dhaafay lagu cunsuriyeeyay magaalada Tomelilla.  Khabiirka loo saaray arimahaan ayaa laga doonayaa in uu bisha Oktobar soo bandhigo sababaha ka dambeeya cunsuriyada iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Iskuulada ayaa la doonayaa in ay ka qeyb qaataan la dagaalanka cunsuriyada. Wasiirka ayaa si aan toos ahayn u weeraray xisbiga cunsuriga ah ee SverigeDemokraterna waxa uu sheegay in uusan iyaga toos u weerarayn balse soo galitaankoodii baarlamaanka uu muujinayo in loo baahanyahay in cunsuriyada la hor istaago. Wasiirka ayaa ka digay in Sweden ay raacdo wadada ay mareen dhowr wadan oo ka mid ah Yurub oo cunsuriyiintu ay la wareegeen isagoo tusaale u soo qaatay dalka Denmark.

SD ayaa ku tilmaantay dagaalkaan cusub ee lagu baaqay mid borobogaando ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Ahmed says:

    **[AFLAGAADO WAA MAMNUUC]*** waxu wada af macan wakay cunsirayadu kaso xayatay afka yan ladayn macanayn galo watashaty yuhuud iyo cristanba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. hibo says:

    kkkkkkkkkkkk,gaal waa gaal kurti waa iskumid ,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Gaalo Isagoo HOG kuu Qodaa Ayuu Hej Ku Dhahayaaye !! says:

    Asc , akhyaareey ninkii Garaad leh unbaan oraahdaa aan ararta ka dhigtay garan kara !

    Wallee Gaalka wadankayga iiga bax ku leh , wax kuuma dhimin ileen runta ayuu kuu sheegay waxna kuuma qarsan e !

    Waxaase daran kan kuu aamusan HOOY Balaayo Ayuu la aamusanya !! Af Ku subagle = Af Ku Sunle !!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Jimcale says:

    Aniga waxay ila tahay inaanan gaalo uun ku jirine aan hadal waxtar leh ku hadalno. Dadkaan waa na soo dhaweeyeen haddii ay caruura iyo waalidiinta mideyntooda diideen taas macnaheeda ma ahan in ay na neceyihiin balse waa arin siyaasadi ka dambeyso.

    Marka gaalo waa sidaas iyo sidaas yaanan waqtiga isaga dhumin ee aan fariin waxtar leh u dirno, hadalka wasiirku waa mid saxa oo cunsuriyada way soo badaneysaa balse Sweden waxaa la dhihi karaa waa wadanka aysan wali suntu wada saameyn.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Daade yare says:

    A.s.c. salan kadib waxan rabaa arin aan horey ushegay in aan hadana kuceliyo? qebta kuminitiga somaliyey halheyskedu waa. waaloobahan yahayahay fikirkaga.ok marka hadi aad soqoreyso fiki kusaley moduca hana ahaado fikir cafamid lagahelayo oo faido inoleh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Daade yare says:

    A.s.c.salan kadib aqrista yasha sharafta mudan iyo inta ka murugta qarabada laisukenayo ay heysato waxn uheyna arin raja leh gudomiyaha jaliyada magalada katrineholm mr.axmed abdi cusman aya waxa shir jarid laqatay gudomiyaha barlamanka sweden lasoco q2

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Daae yare says:

    Gudomiyaha barlamanka sweden mudane, per westerberg. aya wuxu kahadlay arimobadan walow u kunux nuxsaday arinta qarabad ayu wuxu kamujiyay rajo wanaksan mardhow ayan idin sogalindona siwirada iyo shirka nuxurkisa iisha alaahu

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Xafso says:

    Waxaa moodaa cunsuriyada iney aad u soo badaneyso maalmahaan aniga maalin dhoweyd anoo maraayo bank nordea iridiisa midaa xusul kalida ii galiyey awal goboladeey u badnaayeen hada magaaladii iyo meelihii ajnabiga joogey ayeeyba kugu hajuumaayaan wey soo bateen marka waan ku faraxsanahay wasiirka hadalkiisa in laga hortago waaye cunsuriyadda shacanbka sweden ayeey tashkiiliyaan wexeey ka dhaadhiciyaan inaan dad xun nahay marka annaga ayaa nalaga rabaa inaan dadka dhex galno oo u sheegno inaanan dad xun aheyn inaan lagaa warbadin ayaa la rabaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. xussein says:

    sc runtii waan soo dhowaynayaa hadalka wasiirka, somalideena wadankaan sweden degana waxaa nalaga doonaya labo arrimood, in aan bulshada sweden ku nool ulla noollaano si wanagsan, iyo in aan wixii naga qaldan si cilmiyan ah oo wanaagsan ku raadsano. mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. axmed says:

    asc wr wb walalayal jimcaleh iyo shaqalaha kaleh baa aad iyo aad baan idin salamaya iyo si sharaftileh sida war fican noga sinaysin dowlada iyo cunsuriyinta iyo akhbarta qowsaska.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. aqbdirahman mahad omar says:

    dhaman waxan salan u diraya dadka islamka ah melskata oo aya jogan dadka ku nool sweden waxan kula talin laha inay iskaga so labtan dalka madama ayan kala fogaden waxyalo badan oo daruriya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0