Dagaal ka socda Facebook iyo codka Soomaalida Sweden oo lagu hirdamayo, yaa isku haysta?

Maalmahaan intii lagu mashquulsanaa caradii laga qaaday dayaacadii ay Xildhaanad ka tirsan Vänstarpartiet (V) ka samaysay Soomaalida, waxaa dhinac socotay foodo iyo dagaal qarsoon oo inta badan ka socda Facebook. Arintaan ayaa salka ku haysa goobo lagu sheekayso (Facebook Group) oo ay dhalinyaro Soomaali ah abuureen sanadkii hore.

Goobtaas oo lagu magacaabo Codka Soomaalida (Somaliska Röster) ayaa waxaa ujeedadii loo abuuray ay ahayd in ay noqoto goob Facebook ah oo dhalinyarada Soomaalidu ay isku abaabulaan oo wixii quseeya arimaha Soomaalida ay uga doodaan isla markaana ay sameeyaan abaabul haddii loo baahdo. Isla markii la aasaasay goobtaas ayaa waxaa durbadiiba shaki ka qaaday maamulka  ururka Isbahaysiga Soomaalida Sweden (Somaliska Riksförbundet i Sverige (SRFS) kuwaasoo dareemay in dhalinyaradaan ay bilaabeen mashruuc bariiska ka ciideyn kara, maadaama ay iyagu ku fashilmeen shaqadii looga baahnaa ee ahayd abaabulanka Soomaalida iyo u doodista danaha Soomaalida.

Ka dib ayaa waxaa suuqo la galiyay in Somaliska Röster loo abuuray in lagu faafiyo danaha Somaliland oo ay ka dambeeyaan shaqsiyaad xiriir la leh maamulka Somaliland. Inkastoo aanan xaqiijin karin arimahaas ayay hadana jiraan shaqsiyaad ka tirsan dadkii aasaasay mashruuca oo ka soo jeeda Waqooyiga Somalia. Balse su’aashu waxay tahay ma waxaa la eegayaa halka qofku uu ka soo jeedo mise wax-qabadkiisa?

Way jiraan qaladaad ay sameeyeen dadkii abuuray Somaliska Röster oo ay ka mid yihiin in luuqada Swedishka xooga la saaray iyo in ay bilaabeen in ay caburiyaan codka dadka qaarkood, iyagoo aan ogoleyn in wax lagu qoro goobta ilaa in maamulku soo ogolaado mooyee. Arintaas ayaa la dhihi karaa waa mid ka soo horjeedo ujeedadii loo aasaasay barnaamijka, in qofkasta oo Soomaali ah uu si xor ah codkiisa u soo gudbiyo, haddii meeshu tahay goob arimaha Soomaalida looga sheekaysanayo ayay aad u muhiim u tahay. Anigu qaasatan waxaan iska dhaafay in aan halkaasi wax ku daabaco markii ay bilaabatay in afka-lays qabto, balse in suuqa la galiyo sheekooyin been abuur ah ama la abuuro goobo kale oo la tarmaya midii hore u jidhay ayaa nasiib daro ah.

Taasoo ay hadda sameeyeen xubno ka tirsan ururka Isbahaysiga. Intii maalmahaan lagu guda-jiray abaabulka iyo jawaab bixinta dayaacadii laga faafiysay Soomaalida, ayaa waxaa Facebook laga furay goob kale oo loogu magac-daray Codka Soomaalida ee Mideysan (Enade Somaliska Röster) oo si toos ah ula tartamaysa goobtii horey u jidhay oo xitaa lagu dhaleeceeyay midii hore, iyaga oo ku doodaya in aysan dadku helin xoriyada codka balse waxaa ila qosol ah in xitaa goobta cusub laga bilaabay in dadka afka-la-qabto oo aan horay laga soo daabicin waxyaabaha ay dadku qoraan. Goobtaan cusubi ayaa abuurtay cadiifad, cadaawad iyo foodo aan loo baahnayn xiligan oo ay muhiim tahay in codka Soomaalidu uu mideysan yahay.

Foodada ka socota Facebook ee lagu kala qeybinayo Soomaalida Sweden ayaa waxaa masuul ka ah ururka Somaliska Riksförbund oo halkii ay ka mideyn lahaayeen Soomaalida u soo jeestay in ay dadka u kala qeybiyaan waqooyi iyo koonfur isla markaana diyaar u ah in ay sameeyaan ficil kasta si ay u difaacaan mashruucyada magac-u-yaalka ah ee ay dowlada Sweden dhaqaalaha, iyaga oo ku adeeganaya magaca Soomaalida Sweden.

Anigu koox hore iyo koox dambe, waqooyi iyo koonfur midna ma taageersani balse waxaan aaminsanahay in aan dadka ku taageerno wax-qabadka oo keliya. Cidii bilowda in ay Soomaalida foodo ka dhex-abuuraan, iyaga oo ku qaraabanaya magaca Soomaalidana waa in aan ka soo wada-horjeesanaa. Cidii dhaliil mudan waa in la dhaliilaa, cidii amaan mudan oo shaqo wanaagsan qabatana waa in la taageeraa!!!

Sidee kula tahay adiga…ku darso fikradaada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. raxmo says:

    kkkkkkkkk waxaa wax aad loogu qoslo ah dad somaliland ka soo jeedaa ku jira qofku gobolada waqooyi kasoo jeedo somalia ma meteli karo miyaa ama kuma biiri karo walahay wa yaab waxaan is oran jiray reer waqooyigu maxay u go ayaan sow waaba wax jira sababtay u go ayaan fadlan magaca somalia ma inta koon fur ka soo jeeda ayuunbaa ladhaha ama meteli kara mida kale soomaalida swedan iyo somalida reer koon fur wa in lakala saaraa maadaama ay iyaguba iskala saarayaan somalida swedan marka la leeyahay waa dhamaan somalida shanta ah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 18 Thumb down 3

  2. Mahamid says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  3. Ahmed says:

    sxb waan ku fahanay ,adiga laf ahaantada waxaa rabtaa inaad wax ku adeegato oo meesha wax la cunto asxaabtaas hore….kkkkkkkkk

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  4. aswan says:

    waa yaab waxaa lalaayahay somalia hanabadawdo maxay nabad noqotaa iyadiibaaba iskala gurayee

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. Sheekh Musa says:

    Anaga sxb Avgå Amineh Kakabahev ayaan ku heysanaa qof isku heystana ma arkin weli waa page illaa kun qofood ku jirta.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. casir hilowle yuusuf says:

    somaliyey wax isku fala

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Abz says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 10

  8. Den modigaste kille i Hela Världen. says:

    asc suuubxanaallah tan na manoo danbayseey wllhi waa wax laga naaxo somaliyey xiishoda ooo allle kacaabsada hal diin ayaaa idinka dhaaxaysaa waaxaad tiihiin wallallo

    alle diiinta haina faahansiiyo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. somali baan ahay says:

    puntland, somaliland, juba land, khatumo balaayo land war waxaas meesha ma yaalan ee ordoo intood waxaa iska daysaan iska dhiciya gabadha sumacadiinii kabaha la dul martay teeda kale adiga websitekan leh soo ma tihid puntland oo laguma yaqaan dadka wax wax u tara u sheeg sxb adoo iga raaliya oo aan iga xumaan waxa loo bahan yahay inaan ku mashquulno inaan xaqeena dhacsano maha inaan iskala saar saarno iga talo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  10. Bile says:

    Asc wlhi wax laga xumo lkn wxn ini shega somali ayado sa isku haytato aa qiyamaha ku dhaca

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. Jaajumow says:

    Jimcaale adaa ka kow ah kuwa cuqdada dishay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  12. Quman says:

    Waa arin xun ilaahoow bogeena qurcad iskumari Oo iskeen jec laysii

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. Quman says:

    Waxaan hormar lagadhi laanahay waa sidn ookale waxaad arkaysaa dad danahoodii kuseegay qabiil iyo qurun

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  14. muraad says:

    ilaahow bogeena qamri isu mari

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Rahiima says:

    ilahoow mid naga dhig Somalideena dhan waa in aan is quran sarnaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. farobadane says:

    asc asxaabta? ani wax aan qoro ma aqaan sababtoo ah walwalka somali meshay ku danbeyn ayaa caloosha ibuuxiyay! subxannallah war heedhee xagee ka habaa ranahay? war dalkii ayaad qabiil, qurun, dhac, boob, dil, kufsi, qabyaalad, xaqirid, kala-sooc, kaga timaadeen marka idinkoo wadan ii daan lahayn kunool oo bari isaga bax lagu dhihi karo ama cunsuri kugu dilo karo ama xuquuqdada ladafiri karo kuwada nool hadaad saan👎🏻 u dhaqantaan maxaad filaysaan?? bal iisheega dalkiinii shisheeya ayaa gacanta loo gashay oo amxaar buuryo leh ayaa dalkeenii hooyo maamula>>> anaguna waa hebal-land iyo waqooyi iyo koonfur baan ka dhamaan la’nahay! war xishooda oo wax isku fala. maanta waa maalintii aan intaan fakarno oo inyar maskaxda kashaqeysiino aan gacmaha is qabsan lahayn oo iscafin lahayn, bal eeg 25 sano ayaan dagaal sokeeye ku jirnay hadana qabiiland baaba socda….. hal eray iga hanta soomaaliyeey aakhirka hadii dalkeena itoobitan lagu wareejin waayo waxaan sheegaa waa been!!!! bal #Eraygaa igu xasuusta walaalayaal. UN ayaana gacanta ugalin doonta bal ufiirsada halkaaa👆🏻👆🏻👆🏻 … kadibna qabiil waa la iska iloobi doonaa badeena baaxada weyna #Gabre ayaa ku dalxiisi doona anagana maqaayadaha ayaan isku weydiin doonaa waryaaa waagii hadaan heshiino bal kawarama?…. iga raali ah qormada waa ku dheeraaday lkn ujeedada kala bax waa mahadsan tihiin. abdihakim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0