Daladda u dooda mideynta qoysaska Soomaalida oo kulan la yeelatay wasiirka Socdaalka Sweden

17

Ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden ( Somaliska riksförbundet i Sverige) iyo ururka FARR ayaa maanta la kulmay wasiirka socdaalka Tobias Billström, kulankaas oo ka dhacay guriga dowlada ee Stockholm.

Ururadaan ayaa kala hadlay wasiirka siddii loo hirgalin lahaa heshiiskii ay wada gaareen dowlada iyo xisbiga Miljö partiet kaasoo ku saabsanaa in qoysaska Soomaaliyeed ay midoobaan laga bilaabo July 2012. Ururka isbahaysiga iyo ururka FARR ayaa hordhigay wasiirka dhowr qodob oo ay ka mid yihiin

  1.  In la dadajiyo sharci badalida, qoysaskuna midoobaan sida ugu dhaqsaha badan ee aan la sugin 2012.
  2. In sharciga la badalayo uu noqdo mid cadaalad ah oo ay ka dhex muuqdaan kooxo badan sida nin iyo naagtiisa oo aan caruur isku lahayn, ilmaha la soo korsaday oo aan lahayn waalid kale IWM.
  3. In qoysaska ka helay diidmo maxkamada sare, loo tixgaliyo codsigooddii hore ee yaala laanta socdaalka, si looga hortago codsi cusub iyo daahid dheeraad ah, taasoo aysan xamilikarin qoysaska Soomaaliyeed ee hadda kala maqan in ka badan labo sano.
  4. In ilmaha gaaray 18 sano, xilliga ay sugayeen ogolaanshaha laga reebin qoysaska oo loo tixgaliyo in ay yihiin ilmo, iyadoo la tixgalinayo codsigooddi hore.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyey fikradaha iyo codsiyada ka yimid labada urur, wuxuuna sheegay in ay tahay xilli loo baahanyahay, lana tixgalin doono.

Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in ay xooga saarayaan hirgalinta heshiiska, taas oo fursad fiican u noqonaysa midowga qoysaska Soomaaliyeed.

Sidoo kale ururka isbahaysiga iyo ururka FARR waxay maanta la kulmeen afhayeenka qaxootiga xisbiga kristdemokraterna (KD) ahna xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka Emma Henriksson. Labada urur iyo xildhibaanadu waxay ka hadleen siddii, loo dhaqan galin lahaa heshiiska ay gaareen dowladda iyo xisbiga miljö party.

WD: Abdullahi Mahamed

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here