Dambiilanimada iyo farqiga u dhexeeya soo galootiga iyo swedishka

2

Cilmi baaris ay sameeyeen quburo ka tirsan Jaamacada Stockholm ayaa lagu soo bandhigay baaritaan lagu sameeyay dambiilanimada iyo sida ay ugu kala duwan yihiin dadka Swedishka dhaladka ah iyo soo galootiga. Cilmi baarista ayaa lagu sheegay in dambiilanimadu aysan ku xirneyn dhalashada qofka iyo meesha uu ka soo jeedo balse ay ku xirantahay xaaladiisa dhaqaale iyo kobcintiisii.

Ayadoo la sheego in dadka soo galootiga ah ay u badanyihiin dambiilayaasha ayaa warbixinta lagu sheegay marka baaritaan lagu sameeyo dadka Swedishka ah iyo kuwa soo galootiga ah ee xaaladooda dhaqaale iyo kobcintoodu ay isku mid tahay uu meesha ka baxayo wax farqi ah oo loo simanyahay dambiilanimada.

“Farqiga kuma xirna dhaqanka soo galootiga oo dambiyada u badan balse waxa uu ku xiranyahay qofka sida loo soo kobciyay iyo xaaladiisa dhaqaale, iyo in soo galootigu ay heli karaan wax soo saar ku filan in ay nolol qiimo leh ku  noolaan karaan” ayuu yiri Jerzy Sarnecki oo ka tirsan cilmi baarayaasha warbixinta soo bandhigay.

Sarnecki ayaa sheegay soo galootiga shaqada hela marka ay Sweden yimaadaan in ay ilmahooda ka fiicnaan doonaan kuwa aan shaqo helin.

Baaritaanka ayaa lagu sameeyay 66,300 qof, ayadoo warbixinta lagu sheegay in aysan meesha ku jirin in dambiilanimadu ay ku xirantahay wadanka uu qofku ka yimid.

Dadka soo galootiga ah ayaa lagu eedeeyaa in ay u badanyihiin dambiilayaasha ayadoo taasi ay meelaha qaar xaqiiqo tahay oo koobaha ay ku badanyihiin soo galootiga ay ka dambiyo badantahay qeybaha kale ee magaalooyinka waaweyn sida Stockholm iyo Malmö.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here