Dambiyada ku saleysan nacaybka Muslimiinta oo siyaaday

11

Warbixin uu soo saaray Gudiga ka hortaga dambiyada (Brottsförebygganderådet– BRÅ) ayaa lagu soo bandhigay in dambiyada ku saleysan nacaybka diimaha iyo jinsiyada ay hoos u dheceen sanadkii la soo dhaafay balse naceybka ka dhanka ah Muslimiinta uu siyaaday.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dambiyada ku saleysan naceybka ee ka dhanka ah Yuhuuda iy Qaniisiinta ay hoos u dhacday balse kuwa Muslimiinta looga soo horjeedo ay siyaaday qaasatan gobolka Skåne ee koonfurta Sweden.

Dambiyadaan ku saleysan naceybka ayaa la sheegay in ay inta badan la xiriireen naceybka ajaanibta ama cunsuriyada. Gudiga soo saaray warbixinta ayaa sheegay in dambiyo badan oo ku saleysan nacaybka aan la soo gaarsiin booliiska.

Inta badan maxkamadaha ayaan wax ka qaban dambiyada ku saleysan nacaybka jinsiga ama diinta taasoo ay gudiga warbixinta soo saaray ku sheegeen aqoon la’aan.

Nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta ayaa walwal ku haya dad badan oo ku dhaqan Sweden iyo Yurub daafeheeda oo sanadihii ugu dambeeyay ay soo bexeen ururo barnaamijkooda ka dhigtay aflagaadeynta iyo been abuurka laga sameeyo diinta Islaamka iyo Muslimiinta. Ururadaas waxaa ka mid ah ururka SD ee ka dhisan Sweden oo caadeystay been abuurka Islaamka iyo qaasatan bulshada Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here