DEG DEG: Wiilkii maqnaa oo maydkiisa la helay

11

Wiilkii 14-sano jirka ahaa ee aan shalay soo qornay in la baafinayo ayaa maanta maydkiisa laga helay wabiga sida ay xaqiijiyeen booliska. Wiilka yar oo ku noolaa magaalada Strömsnäsbruk ee ka tirsan degmada Markaryd ee gobolka Kronoberg la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay ilaa maalintii Axada.

Markii uu maqnaa saacado ayaa la tabay kabacdi familkii ayaa banaanka u baxay oo magaalada karaadiyay. Wax yar kabacdi ayaa waxaa la helay boorso wiil ka loo sii dhiibay oo taala meel wabiga agtiisa ah reerkana waxaa u dhowaa wabiga. Ilaa hada lama garanayo waxa ku dhacay wiilka iyo sababta ka dambaysa.

Booliska ayaa sheegay in waalidkiisa lagu wargaliyay in medykiisa la helay. Ilaa hada ma cada sababta uu wabiga u galay iyo in lagu tuuray.

Inaa Illillah wa inaa Illayhi raajicun!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here