Degdeg: Nin seef ku hubaysan oo iskuul ku gowracay macalin

14

Maanta magaalada Trollhättan ee galbeedka Sweden waxaa ka dhacday arin foolxumo badan ka dib markii nin uu iskuul ku yaala xaafada soo galootiga ku weeraray ardadii iyo macalimiinta. Ninkaan ayaa la sheegay in afka uu duubnaa isagoo ku hubaysnaa middi dheer. Waxa uu galay mid ka mid ah fasalada isagoo gowracay macalin ka dibna ugaarsi ugu dhaqaaqay ardada.

Waxaa kale oo weerarka ku geeriyooday mid ka mid ah ardadii iyo ninkii weerarka soo qaaday oo ay boolisku toogteen. Labo arday ayaa sidoo kale ku dhaawacantahay weerarka. Ilaa hada ma cada sababta uu ninkaan u weeraray iskuulka balse waxaa loo badinayaa fal cunsuriyad ku salaysan maadaama iskuulka uu ku yaalo xaafad soo galooti isla markaana ardada inta badan ay yihiin kuwo soo galooti ah.

CUSUB: Warar qaar ayaa sheegaya in dadka weerarka wax ku noqday ay ku jiraan Soomaali. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in wiil yar oo Soomaali ah uu ku dhaawacay weerarka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here