Degmada Sigtuna oo joojisay hilibka xalaasha

5

Kamuunka Sigtuna ee ka tirsan gobolka Uppsala Stockholm ayaa go’aan ku gaaray in ay joojiyaan hilibka xalaasha ah ee la siiyo ardada iskuulada. Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay maamulka kamuunka sheegeen in ay dacwo fara badan uga timid waalidiinta caruurtooda aysan Muslimka ahayn, kuwaaasoo ka carooday in caruurtooda la siiyay hilib digaag oo xalaal ah.

Kamuunka ayaa sheegay in markii hore waalidiintu ay ka dacwoodeen in nidaamka loo qalo hilibka xalaasha ah uusan ahayn mid dhowraya xuquuqda xoolaha balse markii laga qanciyay arintaas ay ku dacwoodeen in aysan dooneyn in hilibka Muslimiinta la siiyo caruurtooda.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dood ay ka dhalato hilibka xalaasha, iyadoo degmooyin badan oo ka tirsan Sweden ay ka taagantahay doodaan. Xisbiga cunsuriyada ah ee Sverigedemokraterna (SD) ayaa qeyb weyn oo siyaasadooda ka mid ah ka dhigay joojinta hilibka xalaasha ah, iyagoo olole balaaran oo ka dhan ah Muslimiinta ka wada daafaha Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here