Degmooyinka ay soo galootigu ku yaryihiin oo dhibaatooyin bulsho ka jiraan

Cilmi baaris uu sameeyay qabiir ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay in degmooyinkarinkeby Sweden ee ay ka jiraan dhibaatooyinka bulshada ee ugu daran in ay yihiin kuwa ay soo galootigu ku yaryihiin. Warbixintaan oo ah mid xiiso badan ayaa been abuur ka dhigaysa sheekada ay Swedish badan ku doodaan ee ah in xaafadaha soo galootiga ay dhibaato bulsho ka jidho.

Dhibaatooyinka bulshada ee cilmi baarista lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Shaqo la’aanta guud iyo mida dhalinyarada, qaadashada cayrta iyo dadka oo aan daynta bixin. Degmooyinka qaar ayaa la soo bandhigay in 3 meelood hal meel aysan dadku shaqayn. Warbixinta ayaa soo bandhigtay in degmooyinka ay ka jiraan dhibaatooyinka kuwa ugu badan ay ku noolyihiin soo galootiga ugu yar.

Arinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in warbixinta lagu soo bandhigay in 20-ka magaalo ee ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu yar ee bulshada ay ku noolyihiin soo galooti badan.

Degmooyinka tusaalaha loo soo qaatay ayaa waxaa ka mid ah kamuunka  Munkfors oo ka tirsan gobolka Värmland ayaa dadka ku nool waxaa 21% aysan bixin deymaha. Halka dhalinyarada ay 36% shaqo la’aan yihiin. Degmadaas ayaa ah mid ay soo galootigu aad ugu yaryihiin.

Dood badan ayaa ka taagan soo galootiga ku nool Sweden. Iyadoo dad badan qaasatan cunsuriyiintu ay ku doodaan in soo galootigu ay wataan dhibaatooyinka bulshada balse cilmi baaristaan ayaa cadeynaysa in Swedishku ay yihiin kuwa ay haystaan dhibaatooyinka ugu badan.

Cilmi baarista ayaa lagu sheegay in dhibaatooyinka shaqo la’aanta, cayr qaadashada iyo deymaha ay sabab u yihiin xaalada dhaqaale ee wadanka iyo shaqo la’aanta balse aysan xiriir gooni ah la’lahayn dhalashada dadka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. samiryare says:

    waaaaa sax jimcaale waad mahad san tahay sxb qaxotiga ayaa sweden ka dhigay ilbax oo baray shaqada iyo ladhaqanka bulshada ee qaxotiga so dhaweya ayaa dhahi lahaay sweden tack hej då

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. abdi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 11

  3. dajiye says:

    waxaan odhan lahaa somalidu waa dadka ugu ilbaxsan afrikanka ee ka faa idaysta iskana dayaa cusurnimada qadimiga ah ee la soo dagan tihin waa in suqaqa shaqadana loo fura somalida oo ay ka dhex muuqdan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  4. runshegta says:

    ascw waxan salamaya dhaman dhalinyarada u shaqaysa somaliga inta hadan kaga gudbo salanta aya ah wa run arintan waayo iswishku wa dad gajo ah isla markana an lahan fur furan iyo isdhexgal sida wadamada kale wax ey ku nolyihiin oo ku shaqayan wa sogalotiga wax ku cadayneysa war idinku firiya midba gudman uh caruurta hanlegar ba jira wax kasta qof ayad kala xiriireysa taas wax sabab u ah dhibta shaqola aan oo ka jirta wan xamaleynaa ee pls shaqo hana siiyen sidad kayagana nologu keeno hadi kale shaqo mahayan ee dad ka dadkod ha u ogoladeen kadibna ha ku shaqayeen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. mo shine says:

    mida waxaan u arkaa dadbadan oo cunsuriin ahaa lagana dhaadhiciyay dhibka iyo shaqa la’aanta waxa idinku wacan soo galootiga gaar ahaan somalida inay waxwalba u cadaan donan,
    jeclan doonana soo galootiga sida somalida oo ah dad dhaqan wanagsan leh lkin xoga cunsuriyiine dadka qalad uga dhadhiciyen somalida,
    viva all somali

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Abdirahman says:

    Swedishka Diin la’aan ayaa hayso

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. Jaafaafjiirq says:

    Maxuma walal in aad soo daabacdo warbxin ama daaraasa la soo bandhigay, balse waxaa muhiim ah in aad soo sheegto halka aad ka soo xigtay…… Taasi oo ah mid ku saleysan xirfada Saxaafada. Mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. hanna nalka says:

    asc dhan asaxabta wad mahad san tahay jimcale ok somalida rag iyo dumar koda wa dad ilbax ah masana jecel shaqo iyo in ey horumar garan balse iswidhan Ayada ayana Shaqa lahen oo ilahey ayan qabna Hada Somali nihay melkasta wanagala dacayadeyna ilaah wadanka Nabad hanoga dhigo Insha allh ok asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. abdirahman says:

    munkfors aniga ayaa dagan soomali waxaan ku daganahay 5 qof oo kaliya waa run soo galooti badan ma joogaan mawduucu waa mid xaqiiqda taabanaya mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Abdullahi says:

    fikriika aan qabo waa iney mudaharaadka aan sameynaa waa fikri? waa xuquuqda bini’ aadmiga ka baxasin waaye migrationverket

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0