Denmark: Hilibka xalaasha loo iibiyo oo doofaar laga helay

8

Baaritaan ay sameeyeen quburo ka tirsan dowlada Denmark ayaa lagu soo bandhigay in hilibka xalaasha loo iibiyo uu OLYMPUS DIGITAL CAMERAku jiro hilib doofaar. Baaritaanka ayaa ka dambeeyay ka dib markii isbuucyadii la soo dhaafay ay soo baxday fadeexad ku saabsan hilibka fardaha oo loo iibiyay in uu yahay hilib lo’aad.

Arintaan la xiriirta hilibka xalaasha ah qaasatan Kebabka ayaa la sheegay in shirkada lagu magacaabo Anadolu Kod ay iibiso hilib uu ku jiro doofaarka. Arintaan ayaa ka careysiiyay muslimiinta Denmark iyagoo dalbaday in baaritaanka la xoojiyo. Shirkada ayaa sheegtay in hilibka xalaasha ah uu ugu yimaado Poland.

Hilibka xalaasha ah ee lagu iibiyo Sweden ayaa qaar badan waxa uu ka soo galaa Denmark, iyadoo arintaan ay shaki galinayso sida lagu xaqiijin karo xalaalnimada hilibka aan cuno. Ma ahan markii ugu horeysay oo hilib xalaal ahaan loo calaameeyay laga helo hilib doofaar. Germalka ayay ka dhacday arintaan oo kale.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here