Denmark: iskuul ardada ku qasbaya in ay dhadhamiyaan hilibka doofaarka

14

Kolleejka lagu magacaabo (Copenhagen Hospitality College) oo lagu barto cunto karinta oo ku yaala caasimada Denmark ayaa si weyn loo cambaareeyay ka dib markii ay ardada iskuulka wax ka dhigata ku qasbeen in ay dhadhamiyaan hilibka doofaarka.

Iskuulka ayaa si cad u sheegay in dadka Muslimiinta iyo Yuhuuda ah aysan iskuulka wax ka baran karin oo an shahaado lasiin doonin haddii aysan dhadhamin hilibka doofaarka. Xitaa waxay bogooda ku soo qoreen in Muslimiintu ay hilibka doofaarka dhadhamin karaan ka dibna ay iska tufi karaan.

Arday ka mid ah ardada iskuulkaas wax ka dhigato oo lagu magacaabo Ikram Korkmaz  ayaa arinta sii qasay ka dib markii uu sheegay in uusan dhadhamin karin hilibka doofaarka balse uusan waxba ka qabin sameyntiisa.

Dowlada Denmark ayaa arintaas indhaha ku haysa hata iyadoo inta badan xubnaha baarlamaanka ay isku raacsanyihiin in aan Muslimiinta lagu qasbi karin in ay dhadhamiyaan hilibka doofaarka. Gudiga dalkaasi Denmark u qaabilsan sinaashaha ayaa hada baaritaan ku haya arinta iskuulkaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here