Denmark oo balan qaaday isbedalo lagu sameynayo arimaha isdhexgalka

1

Ka dib markii laga guuleystay cunsuriyiintii Denmark hogaanka siyaasada u haayay 10kii sano ee la soo dhaafay ayaa wasiirka cusub ee isdhexgalka iyo arimaha bulshada Karen Hækkerup waxay ku dhawaaqday in isbadalo badan lagu sameyn doono sida loola dhaqmo soo galootiga.

Isbedalka cusub ee isdhexgalka ayaa yeelan doona qiimeyn joogto ah oo la doonayo in 10,000 oo soo galooti ah lagu shaqo geeyo ka hor sanadka 2020. Sidoo kale wasiirada ayaa sheegtay in loo baahanyahay in wax laga badalo qaabka loo arko soo galootiga.

“Waa arin xanuun badan in laguu arko dhibaato. Wax ka xun ma jiraan in laguu arko ajaanib. Sida iska cad dadku waa in ay si haboon u dhaqmaan balse waxaan u baahanahay in aan badalno qaabka aan u aragno soo galootiga si ay u dareemaan soo dhaweyn” ayay tiri Karen Hækkerup.

Denmark ayaa sanadihii dambe waxay noqotay goob ay cunsuriyiintu saameyn weyn ku yeesheen arimaha Socdaalka iyo sida loola dhaqmo soo galootiga, iyaga oo xitaa bilaabay in magaalooyinka ay balan qaad lacageed u sameeyaan haddii ay hal qof oo soo galooti ah wadanka ka saaraan.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here