Denmark oo hor istaagtay qaxooti ku soo wajahan Sweden

5

Tareenada iyo wadooyinka isku xira Denmark iyo Germany ayaa shalay la joojiyay ka dib markii ay dhowr boqol oo qaxooti ah diideen in ay ka degaan tareen ay la socdeen oo ay iska dhiibaan Denmark. Qaxootiga ayaa sheegay in ay u socdaan Sweden balse Denmark ayaa diiday in ay gudbaan.

Booliska Denmark ayaa dhamaan joojiyay tareenada isku xira xuduuda Germany iyo Denmark ee magaalooyinka Puttgarden iyo Rödby. Qaxootiga ayaa diiday in ay tareenka ka degaan, halka qaar kale ay duurka ku carareen. Qaar ayaa xitaa la arkay iyaga oo lugaynaya hareeraha wadada, iyadoo qaarkood ay soo qaadeen dad mutadawiciin ah oo baabuur wata. Taasi ayaa keentay in Boolisku ay guud ahaan xiraan wadada isku xirta Germany iyo Denmark.

Qaxootiga ayaa diidan in ay iska dhiibaan Denmark oo ah wadan aan laga jeclayn magan-galyo doonka isla markaana aan sharciga bixin. Qaxootiga ayaa ku socda Sweden oo hada dhamaan qaabilaad siisa qaxootiga ka imaanaya Syria isla markaana bixisa dhaqaale fiican. Ugu dambeyntii ayaa 100 qof laga dhaadhiciyay in ay isk dhiibaan Denmark halka inta kale ay tareenka u soo raaceen Copenhagen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Malmö ee xuduuda Sweden iyo Denmark waxaa soo gaaray boqolaal qof oo qaxooti ah kuwaasoo ka soo gudbay Denmark. Qaxootiga Syria ayaa hada inta badan waxay iska dhiibaan Germany oo balan-qaaday in dhamaan cidii Syria ka timaada la siinayo sharciga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here