Denmark oo ku tala jirta in Soomaalida ay Muqdisho ku celiso

5

Dowlada Denmark ayaa ku tala jirta in qofkasta oo Soomaali ah lagu celin karo magaalada Muqdisho. Fikradaan cusub oo hadaMuqdisho-1 hortaala dowlada Denmark ayaa ah in dadka xitaa ka soo jeeda gobolada kale ee Somalia lagu celin karo Muqdisho maadaama ay tahay caasimada wadanka. Fikirkaan ayaa ka dambeeysa ka dib markii bishii May ee sanadkaan ay dowlada Denmark qaadatay fikrada ah in uusan dagaal ka socon Muqdisho.

Sweden ayaa sidoo kale go’aansaday bishii Juun ee sanadkaan in aysan xaalada Muqdisho wali deganayn balse aysan ka jirin amaan daro guud oo qofkasta deganaansho lagu siin karo. si kastaba ha ahaatee, dowlada Sweden ayaan ku tala jirin in ay dadka ku celiso Muqdisho ilaa xaalada ay si wanaagsan u dagayso.

Fikrada Denmark ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha sida Amnesty oo sheegay in aysan habooneyn in Muqdisho guud ahaanba lagu celiyo dadka iyo qaasatan in lagu celiyo qof aan ka soo jeedin Muqdisho.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here