Denmark oo markii ugu horeysay Soomaali ku celisay Muqdisho

11

Denmark ayaa isbuucii la soo dhaafay markii ugu horeysay magan galyo doon Soomaali ah qasab ugu celisay Muqdisho. 4 nin oo Soomaali ayaa diyaarad lagu qaaday kuwaasoo laga dejiyay ayroboorka Muqdisho sida uu qoray information.dk. Arintaan ayaa ah mid taariikhi ah iyadoo horay aysan Denmark dadka ugu celin jirin Somalia.

Booliska xuduudaha ee Denmark ayaa sheegay in 249 qof oo Soomaali ah ay sugayaan in wadankooda dib loogu celiyo, iyadoo sanadkii hore uu is afgarad dhexmarqay dowlada Somalia iyo wasaarada cadaalada Denmark ka dib markii ay booqasho ku tageen Muqdisho. Dowlada Somalia ayaa laga dhaadhiciyay in ay qaabisho dadka Soomaalida ah ee qasabka looga soo musaafuriyay Denmark.

Inkastoo ay Denmark ay bilowday in ay Soomaalida ku celisyo Somalia, ayaa hadana hay’ada xuquuqda aadanaha u dooda iyo qaramada midoowbay ay ka digeen in dadka qasab loogu celiyo Muqdisho.

Celinta ay samaysay Denmark ayaa wadada u furaysa in Soomaali badan oo sharciga loo diiday laga musaafuriyo wadankaas, isla markaana ay macquul tahay in wadamada kale ee deriska la ah ay raacaan wadadaas.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here