Denmark oo qaxootiga ku samaynaysa arin lala yaabay

Dowlada Denmark ayaa shalay soo bandhigtay arin cusub oo aduunka oo dhan la yaabay, taasoo ay ku doonayaan in ay qaxootiga cusub ku cabsi galiyaan in ay iska dhiibaan wadankaasi. Dowlada Denmark ayaa sheegtay in qaxootiga wadanka soo gala la baari doono oo dhamaan waxyaabaha ay la yimaadaan laga qaadan doono, wixii lacag ah, dahab, dheeman iyo waxkasta oo kale marka laga reebo lacag aan ka badnayn 3000kr, faraantiga guurka iyo moobeelka.

Dhamaan waxyaabaha laga qaado dadka qaxootiga ah ayaa Booliska Denmark iibin doonaan, iyadoo lacagta ka soo xaroota loo isticmaali doono in lagu bixiyo qarashka qaxootiga. Arintaan ayaa lagu tilmaamay isbaaro caadi ah oo ay dowlada Denmark kula kacayso qaxootiga. Denmark ayaa sanadkaan la filayaa in ay iska dhiibaan 20.000 qof, halka Sweden ay filayso 200.000 qof.

Dowlada Denmark ayaa sanadihii dambe waxay ahayd mid si weyn uga soo horjeeda soo galootiga, iyadoo dhamaan xisbiyada wadankaasi ay isku raaceen in Denmark ay albaabada ka xirato qaxootiga. Arintaan ugu dambeysay oo aad loo cambaareeyay ayaa ah mid xad-dhaaf ah oo lagu baaranayo dadka masaakiinta ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Cabdi qani says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 12

  2. Kabtan matii says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 11

  3. Zaki says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  4. najiib says:

    kkkkkkkkkkk isbaaro aan caadi aheen waaye waxaan layaabay qarashka qaxootiga laga qaado intee loo isticmaala malagu colina wadan kooda ama inta noloshadaka dhiman aa lagu maareenaa waala yaab arintaan inaba caadi maahan isbaaro waaye iyo tuug nimo falka ee suubiyeen danmark waxaan dhihi lahaa qaxooti meel kasta oo joogo waa qaxooti ee ka daaya baaritaanka iyo boobka la,boobayo qaxootiga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. najiib says:

    kkkkkkkk waala yaab denmark waxee iskaga cayaartay mustaqbalka eeku laheed aduunka saas waa daciif nimo ma ahan sharaf in la baarto qaxooti gaajeesan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2