Denmark: Soomaalida oo laga mamnuucay goob caruurtu ku ciyaaraan [Cusub]

26

Dhamaan dadka Soomaalida ah iyo inta u muuqa eg ayaa laga mamnuucay in ay galaan goob lagu ciyaaro ka dib markii axadii la soo dhaafay uu ka dhacay dagaal balaaran oo dhexmaray Soomaalida kaasoo keenay in booliiska iyo ambalaaska loo waco.

Goobaha lagu ciyaaro ee ay leedahay shirkada Legelandet ayaa lagu dhajiyay warqad ogeysiis ah oo ay ku qorantahay “Dhamaan reeraha, caruurta iyo dadka waaweyn ee Soomaalida ah. Waan ka xunahay in aan kuu diidno Legelandet”. Arintaan ayaa la yaab iyo amakaak ku dhalisay dadka Danishka ah iyo Soomaalida.

Shirkada ayaa lagu eedeeyay in ay ku dhaqaaqday cunsuriyad iska cad ka dib markii ay bulsho dhan calaamad casaan ah saareen. Agaasimaha shirkada ayaa sheegay in aysan cunsuriyad ahayn balse loo baahanyahay in macaamiisha loo muujiyo in dabeecadooda qaldan ay leedahay natiijo.

Waxa uu sheegay in uu hada wadahadal kula jiro jaaliyada Soomaalida sidii xal loogu heli lahaa arintaan. Inkastoo dabeecada dhaqanka ee Denmark ee ku aadan soo galootiga ay ka duwan tahay mida Swedishka ayay arintaan tahay cunsuriyad aan la aqbali karin.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa tusaale weyn u ah in qaab dhaqanka dhowr qof ay saameyn ku yeelan karto bulsho dhan. Waa mid markasta aan ka digno in qofkasta uu safiir u yahay bulshada oo ay saarantahay masuuliyada in uu dhowro magaciisa iyo magaca bulshadiisa.

War cusub: Ka dib cambaareyn balaaran oo loo jeediyay maamulka shirkada iska leh goobta lagu ciyaaro ayay go’aansadeen in ay dib uga noqdaan arintaan. Dhinaca kale Booliiska ayaa sheegay in uusan dhicin dagaal sidaa u weyn. Maamulaha ayaa sidoo kale sheegay in ay arintaan ku dhacday “qalad”. Jaaliyada Dhalinyarada Denmark ayaa go’aan ku gaartay in ay maxkamad la tiigsato shirkadaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here