“Denmark waxay dagaal kula jidhaa diinta Islaamka”

Afti ururin laga sameeyay wadanka Denmarka ayaa muujinaysa in qaar badan oo ka mid ah shacabka wadankaas ay aaminsanyihiin in Denmark iyo guud ahaan wadamada reer galbeedka ay dagaal kula jiraan diinta Islaamka. Aftidaan oo ay samaysay shirkad lagu magacaabo Megafon ayaa muujinaysa aragtida 33% ka mid ah shacabka wadankaasi.

Dadka wareysiga ka qeyb qaatay ayaa la waydiiyay in ay u arkaan in Denmark iyo wadamada reer galbeedku ay dagaal kula jiraan diinta Islaamka. Dadka wareysiga ka qeyb galay ayaa 33% ku jawaabay haa, halka 56% ay ku jawaabeen maya iyo 11% ku jawaabay ma ogi.

Dadka waayeelka ah ayaa u badan ku u arka in Denmark ay dagaal kula jidho Islaamka. Shacabka iyo dowlada Denmark ayaa sanadihii dambe noqday kuwo naceyb u qaba Islaamka iyo Muslimiinta, iyadoo wadankaasi ay ku soo badatay cunsuriyada ka dhanka Muslimiinta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. nuurtomacalin12 @hotmail. com says:

    Asc waa idin salaamey asxaabteyda marka xigga waxba ka ma tari karto si kasta ay u cunsuryeyso diinteena shartooda Allah ayaa ka magen galney insha Allah 👐👏👍👌👋

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. Muxsin says:

    Waxay Ila Tahay Inaysan Waxba Ka Qaadi Karin Muslimiinta Haday Nacaan Iyo Haday Jaclaadanba,Waayo Diinta Islamka Waa Diinta Allaah Asiga Ayaana Ilaashanayo Ninkii Naca Asiga unba Ku Dhib Qabo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. luul says:

    asc
    islaamka in uu daciifi doono oo gaalada xoogeysan doonaan mudo kadibna uu islaamka dib u soo xoogeysa doono oo guusha islaamka ku dambey doonto quranka ayaa sheegay naceybka ay tusayaan islaamka waxaa laga yaabaa in islaamka uu isjaceyl ka qaado oo uu mid noqdo islaamka insha allaah

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  4. Shariif says:

    Allah soohanuuniyo dhamaantood

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. Abukar says:

    Wax qarsoon ayaa laqari karaa wlhi lkn su,aashaas jawaab ka dhan, hadii tusaalo waxa noogu filan heer galbeedku waxey ku duuleyn ciraaq iyagoo qiil uga dhigayo iney ku duushay wadan madax banaan waa dalka Kuweet heer galbeed ow mareykana hu gasminayi hub gooda ayey qaaten tii ka dhacday waa la ogaa maxaa loogu duulay ciraaq jwbta waa inow dal muslima yahay hadeey cadaalad ka tahay maa,isreal lagu duulo ama xita la canbaareyo qaladaadkey sameyso wadan sameyay majiro heer galbeed oo dhana waa u sacab tumaan taasi laguma ekeyne dalka Liibiya sidiyoo huban ugu duuleyn iyagoo ku sheegayo diktaatuur dhulka ayaa la dhigay sabab waa in dal islaama yahay hadii cadaalada jirto barteed kuuriyada waqooyi ayaa lag duuli yaa ka diktoorsan ninka xakuma dalkaas ogowna wadamada muslimiin ah ayaa dabada ku wato Imaarat iyo Sucuudiga haba u badnaadaane 2 wadan iyaga kaalada iney ka daran yihiin aad mooda fitno iyaga kama horeyn Masar ayaa u dambeeysay faraha ayey kula jireen marka cadowga waa tari badanyahay lkn isbedal dhaco aan rajeyheynaa inshallah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1