Dhagayso: Haweeney ka tirsan SD oo ku ceebooyday been ay ka sheegtay Soomaalida

7

Haweeney ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga SD ee magaalada Borlänge oo lagu magacaabo Ann-Katrin Löfwenhamn ayaa ceeb iyo wajigabax kala kulantahay been ay ka sheegtay Soomaalida. 

Haweeneydaan ayaa ugu horeyn waxay bogga Facebook ku qortay hadal gaaban oo la socday mowduuc ku saabsan Soomaali laysanka baabuurka ku qaadatay magaalada Borlänge ka dib koorso ay ka qaateen ABF iyadoo qortay “Oo dhalinyarada Swedishka ka warama? iyaga ayaa iska bixinaya lacagta soo ma ahan”. Iyadoo hadalkaas ula jeeday in Soomaalida laga bixiyay lacagtay körkort-ka ay ku qaateen.

Ka dib hadalkaas ayaa waxaa xiriir la sameeyay website lagu magacaabo “Inte Rasist Men” kuwaasoo wareysi la yeeshay. Markii la waydiiyay su’aalo kulul oo ku saabsan hadalkeeda ayay sheegtay in Soomaalida lacagta ay ku qaateen laysanka ay bixiyeen ururka ABF balse wariyaha ayaa u xaqiijiyay in Soomaalidu ay ku biireen waxa loo yaqaan “Studiecirkel” oo cidkasta ay dhisi karto isla markaana aan shilin laga bixin Soomaalida.

Ka dib markaas ayay wajigabax iyo sidaas ayaan u mooday meesha la timid. Iyadoo ku sii adkaysatay in Soomaalida si qarsoodi ah lacagta looga bixiyo. Wariyaha ayaa waydiiyay sida ay ku heshay hadalkaas, iyadoo ku jawaabtay Xalay ayaan ku riyooday.

Dhagayso…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here