Dhagayso: Saxaafada Sweden oo war been ah ka qortay gudniinka gabdhaha

0

Waxaa soo baxday in ay been abuur ahayd warbixin isbuucii la soo dhaafay saxaafada Sweden iyo mida caalamka ku faaftay oo ku saabsanayd arday dhigata iskuul ku yaala degmada Norrköping oo gudniinka lagu sameeyay.

Warbixinta oo markii ugu horeysay uu qoray wargeyska Norrköpings Tidningar ayaa lagu sheegay in iskuul ku yaala magaalada laga helay 60 gabdhood oo gudniinka lagu sameeyay ilaa bishii Maarso iyadoo 30 ka mid ah ay isku fasal dhigtaan. Warbixinta ayaa laga dhigay in gabdhahaan dhawaan la soo guday, iyagoo u badnaa Soomaali.

Ka dib baaritaan lagu sameeyay warkaan ayay cadaatay in sheekadaas ay been abuur ahayd oo meesha uusanba oolin arin war laga qoro. Waxaa la soo bandhigay in gabdhaha warbixinta lagu sheegay aysan ugu horayn dhigan isku fasal iyo in aan hada la soo gudin ee ay yihiin caruur mardhow waalidkood lala mideeyay oo intii ay Soomaalia ku noolaayeen horay loo soo guday, taasoo aan ahayn arin cusub maadaama inta badan gabdhaha Soomaalida lagu sameeyay gudniinka.

Sababta ay saxaafada u abuureen warkaan beenta ah ayaa wariyihii markii hore qortay arinta ay ku dooday in arinta gudniinka ay tahay arin culus oo u baahan in indhaha lagu soo jeediyo.

Idaacada Sweden ayaa warbixin ka diyaarisay warkaan beenta ah ee lagu faafiyay caalamka. Dhagayso.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here