Dhalasho ku meel gaar ah ma la aqbali karaa?

Doodaan waxaa dhaliyay duqa magaalada Malmö  Ilmar Reepalu ka dib marki uu ku taliyay in la siiyo dadka soo galootiga ah dhalasho ku meel gaar ah si loola socdo xaalkooda oo midkii dambiile noqda wadanka laga musaafuriyo. Reepalu ayaa arintaan keenay ka dib markii qeybo ka mid ah magaalada Malmö ay ku soo noqnoqdeen rabshado joogto ah oo ay geysanayaan qaar ka mid ah dhalinyarada soo galootiga ee dhalashada Sweden qaatay.

Sharciga wadanka ayaa dhigaya in aan la musaafurin karin qof dhalashada wadanka haysta. Arintaan uu ka dhawaajiyay Mayarka Malmö ayaa dood dheer ka dhalisay guud ahaan qeybaha siyaasada ee wadanka iyadoo raysal wasaare Fredrik Reinfeldt uu si cad u diiday fikirkaan. Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga SocialDemokraterna oo uu ka tirsanyahay Mayarka Malmö ayaa isna ka soo horjeestay arintaan. Xubnaha xisbiyada qaarkood ayaa ku tilmaamay cunsuriyad iska cad.

Mar la waydiiyay Reepalu in arintaan ay soo galootiga ka dhigeyso dabaqada labaad ee bulshada ayuu ku jawaabay in soo galootigu ay horeyba u ahaayeen dabaqad labaad.

Hadaba suaashu waxay tahay, haddii aan nahay soo galootiga Sweden ma noo qalantaa dhalasho ku meel gaar ah oo aan ku qaadaneyno baasaboorka weyn ee Sweden? Waa dood furan…

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. in aweys says:

    waa arin cusub misana la yaab leh
    hadii so galootiga la siinayo dhalsho ku meel gaar ah
    waa arin layaab leh kkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. jaamac says:

    waa arin lalaab leh marka masuu liyiin ay saa uhadlayaan maxaad moodaa dadkii kasooseeyey kkkkkkkkkkkk marmeesha inaga qaxiya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  3. jaamac says:

    war jimcaane xagaymaraysaa arintii soomaalida lakeenayey maxaase layidhi dadka aan waxa usudhalin maxaa lagu xidhayaa waxa go aan ah malagasoo saaray dadkaa aan waxa isudhalin walaal waxaad war bixin kahayso balsoo qor adoomahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. w says:

    horaa loo yiri dal aadan laheen waaa dareen ku joog marka wax kasta waa in lafilaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. farxan says:

    waxaa layaab ah anagoo wax kale ku heysan wadankaan oo niyada noogu nisneed basaborka xagiisa ayaa war naxdin leh lagu tilmami karaa balse ilah suu ninkaas leyahay kama dhigo mana wanagsana in uu fikirkaas keeno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. adna says:

    kaalay somaliska maxaa loogu soo dari wayay sheekooyinka taxanaha ah qisooyinka iyo wax yaabaha xiisaha leh ama madadaalada ah waa hadii la awoodo

    +

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. ayan says:

    asc all marka labaad waxan odhan lahaa waa arin la yaab leh mida xigtana waxay u naxayaan dalkooda iyo dadkooda waana mid loo bahan yahay kii dhib geesta in dalka iyo dadkaba laka dhax qabto loona celiyo dalkiisa hadii aan nahay dadka soo galootiga somali iyo caraba waxan nahay dad la iska qabto dhib iyo waali mooyane wax kale ma hayno lakin dadka na soo dhaweyey dalkoodana nagu soo dhaweeyey waxaa haboon inaan u naxno dalkoodan quruxda badan uu ilhy ugu deekhay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. SAMA WADE says:

    Asc dhamaan. bacda salaan walaalayaal waxaan idin sheegaa hadii aan nahay soo galooti aad ayaan udhib badan nahay
    dadka waa dhibnay hadii eey sidaas dheheen wax lala yaabo maaha nin walbo meesha uu ka imaaday waa yaqaanaa ee ha ulaabto.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  9. MACOW says:

    ASC Dhamaan walaalaha xiiseeya boggan somaliska, Hadii aan u gudo galo Arintan cusub oo uu ka dhawaajiyay duqa magaalada Malmö oo ah in soogalootiga la siiyo dhalasho kumeel gaar ah, Runtii ilaa iyo hada ma jiro wadan dhalashadiisa ku meel gaar tahay, Laakiin waxa ay inoo sheegeen in uu jiro fikirkaan. Waxaan ku qabnaa faaiido haddii ay inoo sheegayaan fikirkooda, Taasi waxa ay ka micno tahay Cunsurinimada oo ku badaneysa wadamadan Yurub leysku yiraahdo. Marka walaalaha Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa aan wax barano, Qofkii dhaqaalo sameyn karana ha sameeyo Laakiin aan ku xisaabtano in uu mustaqbalka dambe uu yahay Wadankeeni Hooyo, ha noo xumaado ama hanoo fiicnaado, Hore ayaa loo maahmaahay oo la yiri ( DAL AAN DALKAAGA AHEYN,DAREEN KU JOOG WAAYE ) Anaga ma nihin dad swiidhish ah marna ma noqoneyno oo waa wax ku eg warqad.
    Iga Raali ahaada haddii aan qaldamay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  10. qalbi.nuuraa says:

    a.s.c dhamaan waa idin salaamay walaalo marka xiga jimcaale xage wax marayaan hadii layiri ilmaha iyo waalid isdhalay waa in leysku keena bal kawaran kuwa isqaba oon wax isku dhalin xaladooda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Abdii says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    waa wax ay ku wada qoslayaan xataa siyaasiyiinta waddanku.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. cagmadhige says:

    waa arin an ficneen lakin waa iska caadli awalba dhalasho hadi an qaadana xita ma anaga isbadalneyno war wan rabna wadankanaga in ad nocelissan ma idhin rabno anaga iyo cunsurinimadhina marka dadka sifican ula dhaqmo waxaan idhin lajogeynainta wadanka nabad kanoqnonaya lee caadi iska dhig

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. RAGEEDI says:

    QOFKA DHALASHADA HAYSTO XITA HADA WA LAGALA LAABTA HADI U DANBIYADIISA BATA MARKA WAX MICNA AH MA SAMENESO WA ISKU MID

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. diiriye says:

    aniga waxaa ila saxsan fikirka duqa malmo sabaabto ah somalida samayn mayo kuwa qadka soo galiyo mooye kuwaas iyo waa raba carabta,ex yugoslavia iyo midgaha yurub kuwas oo dhan in wadamadooda loo celiyo hadi ay habar swedish ah boorso ka xadan ama ay bulshada qalqalgaliyan,,waa in cadalada loo hiliyaa walalaayal, wadan kusoo dhaweeyey in aad sii xun ula dhaqanta waa xaraan dinta islamka markii u goaan lid ku ah ajnabiganah suuqa loo galiyo waa recist waxaas sax ma ahan ee ha laga wantoobo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. cabditoll says:

    walahi aniga waxan u arkaa in uu saxsanyahay mayarka eleen hadii 10 dhalasho ley siiyo waxan ahay somalia taana wax iska keey badalaayo malahan anigaba hadii aan wadankeeyga joogi lahaa fikrad tan iyo in kabadan ayaan kula dhaqmilahaa qofka aanan somaliga aheen?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. calideeq says:

    ninkaan reepalu la dhahayo asigaaba soo galooti ah oo aanan u dhalan wadankan wuxu ka yimid wadan yar oo gaajo ah o la dhaho estland, toloow ma isaga iska bilaabaya horta..wa yaab dadka aan swedishka saxda ehen aya ugu daran……

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. SHARCI KU MEEL GAAR says:

    SHARCI KU MEEL GAAR LEEN MAQLI JIRNEE HADANA DHALASHO KU MEEL GAAR MAA KEENTEEY BARINA MASRUUF KU MEEL GAAR AH IYO WAX KA DARANBA WALA IDIIN KA SUGAA KKKKKK

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. ilove somalia says:

    asc hadaan fikirkayga dhiibto arintaan waa wax lala yaabo lakiin walala yaal mid mida hore gaalla daan awalba daacad ka ma ahayn caawintaan aynaca winayaan ee walaxaa ku hoos laabneed dhinaca soogalootiga hadaan fiiriyana qaasatan somalida intaan wadan keenii iyo sharaf taan llahayn ku soociyaarnay baan dadka na soodhawaynayna dhibaynaa hadii qofkasta oo soogala wadankaan ama wadamada reer galbeed koo dhan uu dantiisa aqoonsan lahaa oo uu fahmilahaa waxa ka keenay dalkiisa iyo waxa uu uyimid wadankaan waxaan aamin sanahay saan ma dhacdeen aniga ahaan fikirkan aan qabaa hadaa qalad u aragtaana iga raali ahaada walalayaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Raaqia says:

    asc
    waxba halayaabina arinkan waayo somalidu waxay ku mah mahda
    nin walaan baa lagu yidhi war rerka sida kadaa markaa buu yidhi hadan walanahay rerkase lee yahay sidee la iigelaya
    waxan uga jeedaa inamanka aynu lajoogno ILLAAHAAY BAA INOO AKHBAY EE MARNABA WAXAY INOO OGOLYIHIIN MAJIRTO marka illaahayow noosikhir mooye hadalka le majiro ee illaahaay ha inoo khsbo WABILLAAHI TOWFIIQ

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. cabdilqader says:

    salaan dhamaan akhyaarta run ahaantii waxyaabo badan uu ningaa sheegayo ayaa jira oo run ah taasoo ah dad qaxootiya oo cid walba leh oo la soo dha weeyey iney xumaan dadkaas ugu badalaan maaha wadan kiisii ayaa soo tuurey iyagaa gacmaha ku qabtey nolol uuna heli karin ayuu heley inuu ugu waajib celiyaan maaha dhibaatooyin dadkuna isku mid maaha laakiin xumaatadu dadkoo dhan ayuu quseeyaa markaa ilaah heyna ga qabto qaxootiguna ee carabtaha yaana ka badbadiyey oo is moodeen dhalad salaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0