Dhalinyarada Soomaalida oo ku fikaraya in ay ka guuraan Sweden [Dhagayso]

15

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee jaamacadaha dhigata iyo kuwa bilaabi doona ayaa qorsheynaya in ay isaga haajiraan Sweden maadaama ay ku adkaatay in ay shaqo ka helaan wadanka. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu soo bandhigay in sawir qaldan ay saxaafadu ka muujiso Soomaalida taasoo niyad jabisa dhalinyarada.

Warbixin ay siidaysay idaacada Sweden oo lagu wareystay gabdho Soomaaliyeed oo qaarkood jaamacado dhigtaan qaarna mardhow bilaabi doona iyagoo isku raacay in ay doonayaan in ay Sweden isaga tagaan marka ay waxbarashada dhamaystaan. Sababta ayay sheegeen in ay tahay helitaanka shaqada oo aad u adag iyo cunsuriyada suuqa shaqada. Gabdhaha mid ka mid ah oo doonaysa in ay noqoto dhaqtar ayaa xitaa ka warantay in hada ka hor la cunsuriyeeyay oo markii ay shaqo raadsatay laga dalbaday in ay xijaabka iska qaado.

Sababta ugu weyn ee ka dambaysa niyad jabta ku yimid dhalinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood ku dhashay Sweden ayaa waxaa ugu wacan sawirka bulshada Sweden ay ka haysato Soomaalida. Marka laga soo tago saxaafada ayaa dadka caadiga ah waxay ka aaminsanyihiin Soomaalida waxyaabaha ay ka arkaan warbaahinta. Dhalinyarada Soomaalida ayaa sheegay in ay u guurayaan Ingiriiska.

Ali Osman oo wax ka dhiga jaamacada Mälardalens Högskola oo baaritaan ku sameeyay xaalada Soomaalida ayaa idaacada u sheegay in Soomaalidu dareemayaan in aysan haysan fursad la mid ah mida ay haystaan dadka kale ee ay isku waxbarashada yihiin. Waxa uu tusaale u soo qaatay haddii adiga magacaaba yahay Maxamed iyo qof kale oo la dhaho Magnus oo aad isku waxbarasho tihiin in aynan isku fursad ahayn. Ali ayaa sheegay in kala bar Soomaalida uu wareysiga ka qaaday ay go’aansadeen in ay isaga guuraan Sweden.

Idaacada Sweden ayaa sidoo kale waraystay Abdikani Jama Mohamed oo gudoomiye ka ah jaaliyad lagu magacaabo   Somaliska Socialdemokratiska  iyo Abdirizak Waberi oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden, labadooda ayaa isku raacay in sawirka qaldan ee Soomaalida laga muujiyo uu sabab u yahay in Soomaalidu isaga cararto Sweden.

Arintaan ayaa ah mid aan mowduuc ka qoray doraad. Su’aasha meesha ka maqan ee aan lagu soo qaadan dooda idaacada Sweden ayaa ah sababta ay ku timid in Soomaalida laga faafiyo sawirka qaldan? Jawaabta ayaa ku cad mowduucii aan ugu magacdaray “Sooomaalida & Saxaafada Sweden” oo dadka fikradaha ku darsaday inta badan ay isku raaceen in dhibaatadu ay ka timid dhinaca Soomaalida. Fashilku anaga dhexdeena ayuu ka yimid, taasoo hada saamayn ku yeelatay mustaqbalka dhalinyaradeena waxbaratay.

Dhagayso…

Lyssna: Sverige riskerar tappa spetskompetens

Abdikani & Waaberi

Lyssna: Samtal med Abdikani Jama Mohamed och Abdirizak Waberi

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here