Dhalinyaro Soomaali ah oo Jihaad u aaday Syria

13

Dhalinyaro Soomaali ah oo gaareysa 5 qof ayaa la sheegay in ay jihaad u aadeen dagaalka ka socda dalka Syria. Dhalinyaradaan orebroayaa ka baxay xaafada Vivalla ee magaalada Örebro. Qaar ka mid ah familada dhalinyaradaan ayaa eeda dusha ka saaray masjidka weyn ee magaalada Örebro iyagoo sheegay in halkaas lagu tashkiiliyay dhalinyaradaan.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ku dhashay Sweden iyo kuwa iyaga oo da’da yar la keenay wadankaan oo jaamacadaha dhiganayay. Booliska Örebro ayaa sheegay in ay soo gaadhay warbixin ku saabsan arimahaan balse aysan wali cidna soo xirin. Sababta ay dhalinyaradaan Soomaalida u aadeen Syria ayaa ah mid lala yaabo, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee dhalinyaro Soomaali ah ay ka tagto Sweden oo ay dagaal u aadaan Syria.

Qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyaradaan ayaa booliska Sweden ugu baaqay in ay baaritaan ku sameeyaan cida ka dambaysa oo caawisay in dhalinyaradaan ay dagaalka aadaan. Intooda badan ayaa ah kuwo aan aqoon u lahayn wadanka Syria isla markaana aan haysan xitaa lacag ay diyaarad ku raacaan.

Dad caraysan ayaa la sheegay in ay weeraradeen masjidka Örebro markii la sheegay in ay lug ku leeyihiin tashkiilinta dhalinyaradaan. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Masjidka ayaa iska fogeeyay in ay wax lug  ah ku leeyihiin arimahaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here