Dhalinyaro u istaagtay gurmadka abaaraha Soomaaliya [Video]

Isbuucaan waxaan magaalada Stockholm kula kulmay dhalinyaro Soomaaliyeed oo u istaagtay gurmadka abaaraha Soomaaliya. Dhalinyaradaan ayaa waxay bilaabeen in ay dadka ka ururiyaan tabarucaada iyagoo goobaha Soomaalidu ku dhaqantahay ee magaalada Stockholm ka qeybiyay fariimo isla markaana teendho ka dhistay karoonka ay ka socdaan ciyaaraha Soomaalida ee Stockholm.

Dhalinyaradaan oo ku bahoobay urur lagu magacaabo AAYO Develoment Foundation oo ka shaqeeya horumarinta waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden iyo Dalkii ayaa ka dib markii ay arkeen xaalada cakiran ee ka taagan dalka iyo in aysan jirin cid dooneysa in ay qaado masuuliyada ururinta tababurcaada ayay u istaageen in ay qaadaan masuuliyadaas.

Waxay booqasho ku tageen magaalooyinka qaar ee Sweden iyagoo halkaas ka soo ururiyay qarashaadka loo baahanyahay. Waxay balanqaadeen in ay si hufan lacagtaas ugu gudbinayaan dadka dhibaateysan isla markaana ay diyaar u yihiin in lala xisaabtamo.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaliyeed ee akhrista boggan Somaliska.com in ay taageeradooda u fidiyaan walaalahaas masuuliyada qaaday idinkoon ka shakin waxaad u baxsataan sadaqo.

Ku soo dir caawinaaddada:
AAYO DEVELOPMENT FOUNDATION
Plusgiro: 523542-9
Ku soo qor,
DADKAAGA CAAWI:

Mohamed Ahmed Hassan: 0046-762928327, C/fitaax Saciid Abubakar: 0046-707925511

Waxaan ka cudurdaaranayaa haddii codka videoga uu gaabanyaay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. aabbe says:

    maasha allaah ajar alaha kasiiyo umadeena dhibaateysanna dhibta alaha ka qaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. ayaan says:

    asc walla jamac norrköping telka laga xariiro ii sooqor waxa ku darsana insha allah dadka asxaabtaydana waa war galina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal la xiriir telefoonada aan ku soo qoray kor iyaga ayaa kuu sheegaya cida aad kala xiriiri karto magaaladaada.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Abu-Xudayfah says:

    Masha’Allah Waa Dhalinyaro Damqatay , Allaha U GARGAARO Dadkeena Tabaalaysan …….

    Walaal Jimcaale Mahadsanid , Dhalintaana waxaan leeya Allaha Maalinta Qiyaamo Idiin Gargaao.. Masaakiin ayaa U Gargaarteene iyo intii wax Baxsatayba.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ahmed says:

    wad mahadsanthiin somaliska iyo dhalin yarada isoo agaa sintayba lkn jimcaale maxaa adiga vedio aga lagaa dhex arki wayey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Massago says:

    U kaalmeeya walaaha qaajoon Rabbi haydinka Amaal mariyo abaarti cabdi baasto oo kale ayaa ka jirto somalia biriga 1962. dadka komnska soo qori maayaan hadii wax dhiiboow la sheego xey tahay beesadu geesa mey ledahay aseey iska dhicihee dadka Amuurta Allaha toosiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Massago Qiso naxidleh says:

    KU socoto dhaman Muslimiinta degen Sweden qaasatan Somalida kunool Magaalada Lindesberg iyo guud ahaan wadanka Sverige. Walaalayaal xalay dhabarti anoo tabarucaadka MASJIDU QUBA tivga Somalichenl damoosahaayo ayaa waxaa soo gashay hooyo somaliyed oo sheegtay arin lala yaabo oo mucjiso ah taasoo ay lawada ilimeyen misna ay u gadoontay calooshooda daadihiyaasha barnaamijka iyo dhaman umadi damooseysay tvga hooyada waxey tiri sidatan. Waxaa layga xiray wiil 10 jirr ah hada waxaw jiraa 16 sano waxaw xabsiga kujuraa 6 sano mar walbo oo lasoo taago maxkamad waxaa ley lee yahay kuuma baayno wiilkaaga ee katag meesha asna waxaw lee yahay uma baahni sababtuna waxey tahay waxala cabsiiyaa marwalbo oo lakeenaa meesha daroogo waana la isticmaalaa. Wallaah waa wax laga xumaado in kastoo mawduuca meesha kuq oran awsan ku habooneyn komenska hadana waxaan isku celi waayay ilxumada meesha taal iyo sida ay muhiim u tahay hooyadaas aan qof cawiso jirin ee isha laga wadadayaayo waxeyna ku noo shahay sida ay sheegtay magaalada- Lindesberg aniga ma,aqaan korya bari mahey iga xigto lkn waxan idinka codsanaa walaaha musliminta ahoow inaad ka qeeyb qaadatiin caawinaada maamdaaas dhibaateysan hadaad taqaaniin dad degen lindesbr ama si kale ooloola xariiri karo jirto aniga diyaar an ahay wixi an awoodo waxana leygala soo xariiri karaa E-mail gacal126@hotmail.com Tlfn- 0736214312

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Hussein says:

    asc walaal jaamac bankkontada maku daabici karaa & telefonada maamadaama aad adiga websiteka kusoo qortay fasax ma u leeyahay inaan facebook & meelaha kale kusoo daabaco si aa uga qeyb qaadano mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Asc, haa walaal waa loo baahanyahay in cidkasta la gaarsiiyo marka waa fasax in la daabaco oo la gaarsiiyo cidkasta oo gurmadka ka qeyb qaadanaysa.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ilhaam says:

    ilahoow sacid mamadas yaa rabi ilahoow cadawgaan ka badbadi wiilkaas yar

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. calidhuux says:

    Asc dhamaan walaalayaan waan ogahay intii Muslim ah’ba way isku dan qataa wayna is caawisaa Somalinimadana kumaba siijirto illahoow waxaan kaa baryaa mamadaas dhibaateeysan in ubadkeeda alle uga soo furto Gaaladaan iyo inta abaareeysan ee ku abaareeysan wadankii Somalia ayagana allahayoow ka qaad dhibta iyo abaartaba aamin aamin
    Waxaan si gaara ugu mahad celinaa dhamaan dhalinyarada isku xil qaantay udeega dadka abaareysan iyo kuwa dhibaateeysanba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. LIBAAXOOW says:

    AAD IYO AAD AYAAN UGA MURUGEEYSNAHAY DHIBAATADA IYO GAAJADA KU HABSATAY UMMADDA SOOMAALIYEED, OO AH QOOWMIYADDA AAN KA SOO JEEDO, AHANA QOOWMIYADDA AAN UGU JECLAHAY QOOMIYADAHA KU NOOL DUNIDA DUSHEEDA.
    HASE AHAATEE WAXAA AAD IYO AAD IIGU ADAG IN AAN AAMINO RUUX SOOMAALI AH, SABABTA OO AH WAA DAD INTOODA BADAN XALAASHADAY QALADAAD BADAN SIDA XATOOYADA, BILILIQADA, DHACA, DILKA IWM, IYAGA OO AAN EEGIN MARXALAD, JINSIYAD, DIIN, MIDAB IWM.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0