Dhalinyarro loo maleeynayo “soomaali” oo dhac ka geeystay dukaan ku yaala Göteborg

0

Xaafadda ka mid ah xaafaddaha ay ajaanibta iyo soomaalidu degto ee magaaladda Göteborg, ayaa waxaa lugu soo waramaya in afar dhalinyarro ah oo wejiyada soo xirtay ay habeen hore fiidkii dhac ka geeysteen.

Dadka xaafadda oo qaarkood ay Somaliska.com la hadashay ayaa sheegaya in dhalinyaradaasi loo maleeynayo ineey yihiin “soomaali”, balse eeysan jirin warar xaqiijinaya jinsiyadooda dhabta ah. Dhalinyaraddan ayaa  waxaa markii ay dhaca geeysanayeeeyn waxaa ay wadeen mindiyo iyo wax u eg baastoolad ay ku cabsi gelinayeen shaqaalihii dukaanka.

Booliska oo wargeyska GP la hadlay ayaa sheegay in kooxdaasi ay ku baxsadeen baabuur midabkiisu iftiimayey. Shaqaalihii dukaanka ayaa sidoo kale wax dhaawac ah ka soo gaarin falkaasi dhac. Dhinaca kale waxaa jirar warar sheegay in dhalinyarro kale oo soomaali ah la qabtay kuwaas oo iyagana ku dhex jiray baabuur isna la sheegay inuu ahaa mid iftiimayey, lamana oga in ay la xirriirto qabashadda wiilashan isku deygii dhac ee dukaankaasi loo geeystay.

Falalka noocan ah ayaad moodaa in dhalinyaradda soomaalida Iswiidhan ee degan magaalooyinka waaweyn ay aad ugu soo badanayaan, iyadoo kal horena fal noocaan oo kale ah uu ka dhacay mid ka mid ah xaafadda ay soomaalidu ku badan yihiin.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here