Dhamaan qaxootiga cusub oo sharci ku meel gaar ah la siin doono

40

Dowlada Sweden iyo mucaaradka ayaa heshiis ku gaaray in dhamaan qaxootiga cusub la siiyo sharci ku meel gaar ah. Heshiiskaan ayaa waxaa wada galay xulufada Alliansen iyo dowlada, waxaa heshiiskaan diiday xisbiga Vänsterpartiet (V) iyo SD oo laga soocay.

Qofka magangalyada ka dalbada Sweden sadexda sanno ee soo socda ayaa la siin doonaa sharci ku meel gaar ah oo sadex sano ah, waxaa shuruudaas ka reeban dadka caruurta leh iyo dadka isku dhiiba caruurta aan la wehlin kuwaasoo la siin doono sharci rasmi ah.

Arintaan ayaa ah isbedal weyn oo Sweden ay ku samaysay sharciga socdaalka, iyadoo ay ahayd dhowr sano ka hor markii ay Sweden go’aamisay in dhamaan qaxootiga ka imaanaya wadanka Syria la siiyo sharci rasmi ah. Sweden ayaa dareentay culeys badan oo xaga qaxootiga ku soo qulqulaya wadanka, iyadoo hadda dooneysa in ay fariin u dirto qaxootiga.

Farintaas ayaa ah in aysan imaan Sweden oo haddii ay yimaadaan aan la siin doonin sharci joogto ah sidii horey looga bartay.

Khamiistii ayaa laanta Socdaalka Sweden ay shaacisay in wadanka ay soo gali doonaan qaxooti gaaraya 140 000 ilaa 190 000 sanadkaan 2015 taasoo ah tiradii ugu badnayn ee abid soo gasha Sweden. Tiradaas ayaa ka badan xitaa sadexdii sano ee la soo dhaafay marka laysku daro.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here