Dhaqaalaha Sweden oo kor u kacay

Dhaqaalaha wadanka Sweden ayaa kor u kacay sida lagu soo bandhigay warbixinta dowlada. Dhaqaalaha wadanka ayaa ka wanaagsanaaday sidii la filayay iyadoo qeybtii 2-aad ee sanadka uu kor u kacay dhaqaalaha 1.4%. Dowlada Sweden ayaa walwal ka qabtay in hoos u dhac ku yimaado Sweden sanadkaan.

Walwalka dowlada ayaa waxaa sabab u ah dhaqaale xumida ka jidha wadamo badan oo Yurub ka tirsan balse Sweden ayaa u muuqata mid aysan saameyn ku yeelan dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira wadamada sida Spain, Greece iyo Italy.

Kor u kaca dhaqaalaha ayaa waxaa sabab looga dhigay in ay siyaaday waxyaabaha ay Sweden u dhoofiso dibada. Si kastaba ha ahaatee, dadka Swedishka ah ayaan sidaa ugu niyad sameyn horumarka dhaqaale ee wadanka, afti ururin la sameeyay ayaa lagu soo bandhigay in Swedishka inta badan ay aaminsanyihiin in dhaqaale xumi la soo darsi doonto.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Shukri says:

    Asc/dhaman, intas kadib, warhedhahaya, arimihi qosaska bishi,7 aad, weydhamataye, wax kasonaso cadaday majiran, dhaqalaha sv ha idanbeye cidlasoqaday majiran walalayal cida warbixin ino heyso hanoso,shekto an uduceyne jimcalale wan arka ayantan afkiba juqda gabay xaga socdalka, wan daremikara lkn qasab maha inan asaga kaliya kasukno wararka mahad sanid?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. To Shukri says:

    WCS SHukri walaal hadii dhaqaalaha wadankan oo kor u kacey aadan dan kalaheyn makula tahey in ilamah iyo reerka aad sugeyso ey heli karaan xanaandii ey xaqa u lahaayeen waxaa wanaagsan in qofka marka hore ka fekero waxa dantiisa ku jirto oo ah inaad hesho shaqo kadibna aad abuurto dhaqaale markaas cid ku liideeyso ama ku dhaheyso Somalida Ceer kaliyeey ku noolyihiin ma jiri doonto tuseela ahaan qoomiyada 100 kor u dhaafaya ayaa wadan ku nool 2 qoomiyad ayaa ugu liitada waa Siigaanta iyo Somalida marka la is barbardhigeyna Somalida ayaa noqotey kuwa ugu siiliita suuqa shaqada Ramadaan Kariim.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. War jecelaa Somalida says:

    ASC somalida war jecelaa horta waan ka yaabey waxaan nahey umad ku nool maxaa la yiri iyo xaa lasheegey iyo Meey la aree waxaas wax soconaayo mahan hadii aad warka rabto waxaad wacdaa taleefanda laanta socdaalka Mahan inaad Jimacale ku dhibtaan mowduuc uusan ogeen wuu dadaaley oo inta uu ogyahey waad ka hesheen laakiin isku day adigaba inaad gacan yarahaaga ka ogaato waxa aad dooneyso ileen gacan yarahaga ayaa ah shaqaalaha saxda ah ee laanta socdaalkee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. omar says:

    Asc ninkankan magaciisa qariyey ee to shukri magaca ka dhigtey habartaa aa u sheegee hadii lagu yiri soomali soo caayna adigay ku taal lkn hanala imaan wararka ay cunsuriyiinta ku hadlaan hadii la yiraahdo suuqa shaqadana wan ku wanagsanahey somalidana waa dad jecel in ay shaqeystan meel walbo oo braktik loo tagana waa qasab in soomali laga helo hadaan u soo jeesto walalkeen jimcale waa gartiis ileyn caruur iyo xaas kama maqnee inkastuu dadaaley hadane qofka fikradiisa waa u xor inuu soo gudbiyana waa u caafimaad jimcaalena waxan ka codsaneynaa in aad dadaalkaga hore usii wado oo aad xiriir la sameyso laanta socdaalka si ay xataa u ogaadaan in aanan jiifin oo aan ka war sugeyno wad mahadsan tahey

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. Shukri says:

    Omar? ALLOOW, hakaqadin aqliga nadifka ah guleyso?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. Aliyoow says:

    DAD waalan SOmali ugu imoow kkkkkk Xaad isku heysatiin hadii la idiin dhahey shaqeesta xaad ninka Habertiis ku ceey heesaa Aroow Khan fildaran haku diliweysee Janada gal idim Alle Anaga allah nada geeyo Janada, Omar aad la baxdey qoftaan Shuri xaa kaa galey bal sheeg mise waad isu sharaxee Aroow rag Dumar looma caaye hamoogan Duf bixi waaye.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Mahamed Yare says:

    Horta midkaan Omar ah web site kaan waardiye miyuu ka yahey waaba yaabe aniga sxbyaal waxkasto oo lasoo qoro wuxuu rabaa inuu wax ku darsado kkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. mahdi says:

    waaw masha allah walee hablihii somaliyeed ee qureesheed waxaay hiigsanayaan inay haadaan kuwa hawada sare mara dadaaala ayaan idin leeyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. omar says:

    Asc aqyarey waxan idiin shegaa sida qo walbo uu jecel yahay waa uu ka hadli kara sxb m. yarow waan ku darsan kara fikradeyda qofka qaldan ee fikrad soo jeediyana waa la sixi kara habartaa u sheegna caay maah lkn u oolaada qofka fikradisa inuu soo jeedin karo wallal qof baahan hadii aad uga sheekeyso lacagahaaga iyo aduunyada waxa ugu qalisan waxa uga muhiimsan waxa uu maanta cuno inuu helo micnaha waxan u la jeeda hadii lasoo qoro wax aanan naquseyn xaq baan u leenahey in aan tusinaa qoraha webka in uu nagu caawiyo arimaha famiyada taas ayana keentay in aan ka hadlo midna ogaada qofka waa u xor fikradiisa iyo afkaartiisa wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. axmad faluuja says:

    Asc jimcaale Nabadone waku salaamay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0