Dhaqaalaha Sweden oo laga yaabo in uu soo xumaado

Dhaqaalaha Sweden ayaa laga yaabaa in uu soo xumaado iyadoo Wasiirka Dhaqaalaha  Anders Borg  uu hoos u dhigay saadaalintii koboca dhaqaalaha ee sanadka soo socda. Arintaan ayaa loo eedeeynayaa dhaqaalaha aduunka oo hoos u dhac ku yimid qaasatan suuqyada Yurub iyo mareykanka oo isbuucyadii ugu dambeeyay qasaare weyn soo gaartay.

Wasiirka dhaqaalaha ayaa sidoo kale ka dayrinaya suuqa shaqada iyadoo la filayo in sanadka soo socda ay siyaado tirada dadka shaqo la’aanta ah. Wasiirka ayaa sheegay in la doonayo in la yareeyo isticmaalka guud. Sweden ayaa ka mid ahayd sanadihii ugu dambeeyay wadamada dhaqaalahooda uu kor u kacayo iyadoo cabashada ka soo yeertay wasiirka dhaqaalaha ay saameyn ku yeelan karto guud ahaan bulshada.

Suuqyada lagu kala iibsado sheerarka shirkadaha ee Yurub iyo Maraykanka ayaa isbuucyadii la soo dhaafay waxaa la soo daristay qasaare aad u weyn iyadoo bangiyo badan ay qarka u saaranyihiin in ay kacaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. AbuXudayfah says:

    Waa arin ifafaalaheeda muuqdo , welibana Sweden Skandenevian-ka wadamada Ugu saamaynta badan ayay ka mid tahay .

    Maxaa yeelay wadamadaan iyadaa Ugu Lacag Jaban , Shirkado , ama Shidaal bixiyana ma qabto , balse saas oo ay tahay waan dadaalaynaa , Xagla Laaban Xoola Laguma helo , yaanan la is oran dhaqalaa dhacay , qo walba Qadarkiisa waa helaa . ee Hala dadaalo.

    Dadkaana marka sidaan dhaqaalahooda u dhaco , Cunsuriga ayay ugu shubaan , sababtuna waa iyagoo inaga nagu Tebaa Dhaqaala Dhuuqa…..

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. sak says:

    Inshallah khayr, qof kasta arsaaqdisa ilaahy ba haya.Inagu hadaynu muslin nahay, waxaynu leenahy wax ninka gaalka ka maqan taasina wa imaanka iyo ilaahyo isku xirno.Alxamdulilah rabi al caalimin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0