Dhaqaatiirka oo dalbaday in la mamnuuco gudniinka wiilasha

10

Ururka ay ku mideysan yihiin dhaqaatiirta caruurta ee Sweden ee lagu magacaabo (Svenska barnläkarföreningen, BLF) ayaa dalbaday in la mamnuuco guditaanka wiilasha.

Warqad ay u gudbiyeen golaha bulshada (Socialstyrelsen) ayaa dhaqaatiirtu ku tilmaameen gudniinka weerar ka dhan ah caruurta. “Waxaan u aragnaa in uu yahay weerar ka dhan ah wiilasha yaryar” ayuu yiri Staffan Janson oo ururka dhaqaatiirta u qaabilsan xuquuqda  caruurta.

Ururka BFL ayaa mudo ka doodayay sida loola tacaalayo arinta gudniinka iyaga oo hada go’aamiyay in ay haboontahay in la mamnuuco gudniinka maadaama aysan caruurtu go’aansan karin in la gudo iyo in kale.

Baaqa dhaqaatiirta ayaa waxaa si weyn uga biyo diiday golaha Muslimiinta ee magaalada Göteborg. Omar Mustafa oo ah gudoomiyaha jaaliyada Muslimiinta Göteborg ayaa sheegay in waalidiintu ay markasta caruurtooda u dooraan waxa danta u ah. Gudniinka ayuu sheegay in uu la mid yahay talaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here