Dhaqaatiir Swedish ah oo caqliga Soomaalida hadal lala yaabay ka sheegay

Labo dhaqtar oo Swedish ah ayaa fadeexad qabsatay ka dib markii ay internet-ka ku daabaceen hadalo lala yaabay oo ay wax uga sheegayaan caqliga Soomaalida. Dhaqaatiirtaan oo da’doodu tahay 47-sano iyo 61-sano jir isla markaana dhaqtar ahaa muddo dheer ayaa internet-ka ku qoray in dadka Soomaalida ah uu caqligoodu yahay mid hooseeya ah o ah 70% (IQ) halka dadka Swedishka ah uu yahay 102.

Ninka 47-sano jirka ah ayaa ayaa markii uu wargeyska Aftonbladet daba-gal ku sameeyay ayaa sheegay in uu ahaa mid ku sugan xaalad wareersan markii uu hadalkaan internet-ka ku qoray isla markaana uu hadda ka laabtay hadalkaasi

Balse ninka kale ayaa ku adkaystay in hadalkiisa ku saabsan caqliga Soomaalida uu yahay mid sax ah oo ku dhisan baaritaan la sameeyay. Waxaa u intaas ku daray in dhamaan dadka ka yimaada wadamada ka hooseeya saxaraha uu caqligoodu hooseeyo. Ninkaan ayaa sidoo kale internet-ka ku qoray in inta badan shacabka Soomaalidu ay yihiin kuwo ku mashquulsan cunida khaatka iyo dambiilenimo.

Mar la waydiiyay in uu bukaanka Soomaalida ula dhaqmo si la mid ah kuwa kale maadaama uu hadalkiisa cunsuriyad yahay ayuu sheegay in uu taasi sameeyo.

Hadalka dhaqaatiirtaan ay ku daabaceen websiteyada cunsuriyiinta ayaa ah mid lagu qoslo balse muujinaya sawirka qaldan ee laga faafiyo Soomaalida ku dhaqan Sweden iyo sida ay cunsuriyiintu noogu isticmaalaan in aan nahay dad caqli yar isla markaana khaatka cuna.

Si kastaba ha ahaatee, ragga hadaladaan cunsuriyada foosha xun ku faafinaya internet-ka ayaa ah kuwo aan shaqada laga cayrin oo wali u adeegaya bulshada ay aflagaadeynayaan, taasoo muujinaya in Sweden aysan diyaar u ahayn in ay wax ka qabato cunsuriyada ka dhanka ah Soomaalida iyo dadka madoow.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

38 Responses

  1. Jey says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 22 Thumb down 28

  2. Nouri says:

    Waa runtii, hadaynu caqlileenahay xaalada kuma aynaan sugnaneen.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 25 Thumb down 4

  3. Nsima says:

    25 sano isma nu cunneen hadii, caqli jiro

    Fikrad lala dhacay Thumb up 21 Thumb down 5

  4. faay says:

    maalinkasto ayaa nagula sameeyaaa cunsirinimada xagakastaba ha ahaatee haba ubadnaatee dhanka caafimaadka oo aan anigu qaasatan lakulmo .waxaan haystaa wiil jiran oo wadnaha lagaqalay marar badan ayagoo i cunsiriyeeynaa waxay dhinacdhan kadhawaceen wiilkeyga ayagoo iquursaday ina maqliwaayay ilaa 17 maalmood kadibna wiilkeygi dhibkasoo garay dhinaca sidaan horay idinkugusoo sheegay marka waxaan leeyahay shartooda allaha namootiyo masaakiin dalkoodii holcayaan nahayee.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 18 Thumb down 0

  5. Mahad says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 5 Thumb down 16

  6. Ragiihore says:

    Haaah LAKIN waxkasta oo aan nahay oo. Waliba aan isku ognahay Maaahan in Aaan umad kale INTA Nagu caydo aan siiiino a umuujino taageero,,, WAAN NAHAY dad qabiiilki kalaweyn yahay wadaninimada gaalkaasna waxa uu sabab ugadhiganayaan 25 sano ee aan dhibka kujirno sababtaas ay aheyd QABIIIL Lakin yaaanan dhihin waa runtiiiis EE aaan iskacelino la dooodno dacweyno sabab noqono in shaqada lagaceyriyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  7. Kabtan matii says:

    Somalida waa dad ciyaar ciyaar kujiro

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  8. Gabar somaliyeed says:

    Hadii annaga aan is cunay maaha oo kaliya in aan caqliga kaliidano ee si qaldan ayaan wax ufahannay qabiilna wuu naqaaday lkn ayagaba nagama caqli sareeyaan waayoo Hadii ay caqli leeyihiin xaqa iyo baadilka ayee kala garan lahaayee wasalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuhu

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 1

  9. cabdi wasac says:

    kkkk umad wada caqli xun ma jirto umad wada caqli badana ma jirto qofba ilahay garaadka waxbu ka siiyay waa abuur caqligu lkn waa lakala aqon badnan kara lakala waaya aragnimo badnan karaa waxana aaminsanahay dhibka umada somalida haysta waa aqoon la’aan iyo jahli ee ma aha caqligoda ka liita midka dadka kale inta ka dib ma odhan karraa dhakhatirtani iyaga ka caqli liita umada somaliyed jwbtydu waa haa maxa yeelay waxay aaminsanyihin caqiido ku qotonta sadex-ilaah-caabudid kkkkk bal waxay ku aamineen ha shegan hana wafajiyan caqliga saliimka ah kkkk ma awodan wan hubaa midaas sida awged iyaga ugu caqli xun aadmiga kk

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  10. OJ says:

    Ok hee dad caqli leh aan noqono o wadankeenii aan dhisano, aan isku duubnaano, qabiilkana ilowno. hadii kale xoolo bilaa caqli lee nahay sida u dhaqtarka sheegay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. luul says:

    asc
    somalidu waa kuwa cuna qaadka waa sax lkin caqliga iyo qaadka maxa isku xiray swedishka uu amaanayse mexey alkoholka u cabaan mala weydiiyey

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  12. Libandoob shariffCabdiraxman shariffSaalax says:

    CARUURTA AAD JECESHAHAY MARKA DAMBIGOODA UU BADAN YAHAY OO WALIBA QOFKA KULA DHALAY UU U CAROODO/TO WAXAAD LEEDAHAY ” CAQLI MALAHA, WAA INDHO BAGAAG , CARUUR WAAYE IYO WAXYAABO LA MID AH “. DOCTOR KAAS WAXAAN SIIN LAHAA HADIYADA LABAAD EE UGU QAALISAN OO LA SIIYO QOF BADBAADO SALVATION SAMEEYAY .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. Libandoob shariffCabdiraxman shariffSaalax says:

    Xaaskaaga ama Odaygaaga qaldaadkiisa/keeda hadii aad dhaqan ka sii rabto waa hadii aad u fiirso ineey caqli yartahay ama caqli yaryahay oo qaladka sababtaas iyo cam’a uu ku yimid amaba u fiirsasho la’aan intaas caqli darada ayeey ka walax yihiin .
    Mid kale anaga waxaan doqon u naqaanaa qofka/ta aan sabarka laheen,istustus aan aqoonin ,dabamaryo aan laheen ee caano ma daadshaha ah, damaca badneeyn , been ma sheegaha ah , hogaan,xeerka iyo nidaam ka dhowro, la hogaamin karo , beecmusmaarka iyo nusashada aan aqoonin , fursada raaxo ee la siiyo aan ka faaiideeysan aqoonin , cawska ka jecel qof u baahan, nimiimnimo ama isku dhedhejis aan aqoonin ,shaqo ay isugu mid tahay oo si walba u shaqeeysto farafuun iyo bir waxii ka hor imaado/to .
    Dadka aduunyada sida kale ayeey ka helaan ayaan is iri oo daacadnimadaada qofka yaqaanaa waa inuu qiil KUU raadiyaa dhaqaatiirtaasi waaba walaalaheey.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. Ibnu Yusuf says:

    Halka arrin ee uu daliishay waa un qaad iyo maan dooriye, Khamriga uusan afka ka qaadine marka uu cabbo uu inantiisa kufsanayo miyaanu arkin. Waddan dhan oo isku waafaqsan in Asbuuc walba laba maalmood la waasho reer galbeed baan ugu nimid. ma diidani in dad badan oo soomaali ahi qaad cunaan waxaanse ogahay in Swedish 100% Khamriya cab yihiin.

    ……..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  15. Farhiya says:

    Aniga oo Somali ah ayaa Amin San hadalkaa w

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 5

  16. Mahad says:

    Hahahahaha intaan rayi soo maliyeed oo kala duwan aan arkayey markan eego kan halkan waa kii igu horeeyey ee boqolkii ba 99 aay isu si uhadleen, kuna tageeren inaan somali garadkeedu hooseeyo,taasoo xaqiiqdu aytahey in aan ninkaa lataagerin runa aaney aheyn waxa uusheegayaa lkn marka qof ajahanib ahi uu wax inaga sheego aan xasuusaneyno qaladadka aadka uliita ee dalkeenii iyo dadkeeniiba kubaabiney,,hadaba somali ma caqli yara lkn dhibta ina heysataa waxey tahey waxeynu nahey Caws Ama doog abaarsadey mcnaha oo qori dabi oo holcayaa ku jiro markaa ineynu inagu hagagno iyo in halka sartu ka qudhuntey ay inga ash khaas ahaantahey maaha ee waxa aynu aakhiro iyo aduunba aynu wax noqoneynaa marka qorigaa dabka leh aan iska saarno kaasoo ah QABYAALADA👆,One people one love

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  17. Adbi says:

    Waa hadal run ah maxaa yelay sida aan nahay arag mudo 30 sano ah baan ku jerna sidan adiga maxad ku qaymayn layan aniga waan ku racsanahay ra yigas

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  18. wadani says:

    ASC dadka qaarkii waxey uhadlaan afkeeyga qoyan macnaha hadalki afkiisa soo qabto ayuunbuu soo qoraa war adigu hadii caqligaada yahau mid hooseeya somalida ma wadan ahan doqonow halka laga hadlayo iyo halkaad ka hadleeyso ismalahan doqonow dabkaa ba anagu gaalkaas inaan ka caqli badanahay ma ahee kamaanan caqli yarin ee noo daa magaca somali hadaad doqon tahayna gurigaada lajoog doqonimada

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  19. aden says:

    kkkkkkkkk waa sax

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  20. Amulah says:

    Kkkk waba no badiyey ee 50 xita weynu ka hooseyna hadaan Somali nahay , daliilna waxa inoo ah herrka ama xiliga la joogo iyo halkeynu naal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  21. Faadima says:

    somali caqli yari mahaysee jahli ba haya waxaana ku dhacay cuduro dilaa ah waana danaystinimo midwalba waxu ka fakara naftisa danta dalka dadka maka fikiro waxa kalo ku dhacay cuduro ay kamidyihin hunguri qabyalad iyo daba dhilif ay u yihiin dad kale jacaylka gaalada dhagarta loo maleegayo ma oga maskaxdooda maxa u diiday inay meel dheer ka fikirto caqli aan lagu badbaadin wax matarayo caqlun bilaa cilmin weeye hadda wadanka marlabaad inla gumaysan doono baan umalayn gaalaa u tartamaysa khayraadka somaliya

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  22. Dj says:

    Caqliga somalidu wuxuu dunida kusoo kordhiyay ii sheega aan qabyaalad iyo qaxnooti ahayn.
    Dad ka swefan jooga oo somalida badankoodu beertay ku jiraan xattaa dhaqankoodii ka tage koi sweidh kana ma gaarin wax soo saar malaha mashaqaystaan. Waddan aysan lahayn ayay kunoolyihiin markaasay waliba qabiil qabiil isu bahaystaan oo qabyaaladii ay waddan kooda kusoo burburiyeen dabada hayaan uf fuck somali

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  23. Mohamed Najiib says:

    Ogaada kuwa moodaya in
    Sland
    Pland
    Jland
    Jinni land
    Ay cidi taqaano Ogaada in soomaali ay soomaali u tahay umadaha kale oo dhan.
    Bal aan sida isu dhaanno oo aan ku dadaalno in la sameeyo urur inna wada metela oo arrimahaas oo kale jawaab munaasab ah ka bixiya.

    Ilaahow sidaas noo dhaan noloshaan ku bakhtinay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  24. Somali says:

    Horaa loo yiri run sheeg waa ceel sheeg. Hadaan rag iska dhicis aheyn, Somaali aqli ma heyso sxbayaan. Ninkaan qoraalkiisa iyo qoraale kaleba waa noo dhiman yihiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  25. asad says:

    aniga waxaan isleeyahay caqliga ayaaba nagabatay waxa uuba gaaray in aan isku talin weyno kkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  26. Abdou says:

    IQ-Test waa Imtixaan la sameeyo.

    Qofka caafimadkiisa , Waxbarashodiisa iyo howkarnimodiisa ayey ku xidhantahay..

    Caqligana intaas uun baa korisa.. Shacbi kasta fursada uu intaa u helo ayey ku xidhantahay IQ giisa. Somalidu wax lala yaabo maaha cudur iyo faqri iyo dagaal ayaa isku biirey.

    Mida kale hadala waxa laga soo ururiyey #Flashback” website la yiraahdo. Halkassna hadaad baarto ” kalamada somali” waxa iyo wax ka daran baa ku qoran.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. G&B says:

    waa suurta gal ninkaas in uu la kulmay dad aan u fikin sida dadka caadiga ah oo caqlixumo aayanay ka ahayn iska yeelyeel iyo aad wax ku heshida laakiin run waa wax la is waydiin karo in somalida caligooda hoseeyo maxaa yeelay aaway waxaan lahay dal ka wanaagsan Swedan iyo eroup oo dhan xageen ku ognahay maxaan isku haysanaa maxaa darbiyada qaadka nala fariisiyay qaadka oo aan caydha gacmaha oogu hoorsanaa maxaa beenta iyo khiyaanada faashilka ah na daba dhigay maxaan qoysqoys jaaliyadooogu samaysanan markii aad waxaas su’ala ah is waydiiso soo kuu soo bixi mayso in meel nalaka haysto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  28. khalif says:

    Waa sax haddalkaas markii si loofiirsho waayo Somali haddan nahay dad caqligu ku yaryahay ayaa nahay waayo anagii ayaa qabiil qabiil iyo wax waa hore laga gudbay isku cunayna sweden inay saas tiraahna kuma qaldana waayo aduunka kama dhicin waxa aan anagu isku hayno waxaan naftayda iyo tiina idiin dardaarmaya Alle aanka cabsano qofkii runta noo sheegana yaan lais dhihin waaa cunsuro

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  29. Waxan leyahay hadalkas aan ka faidaysano aan dib isugu labano maxaa naga qaldan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  30. anaa soomaali says:

    soomaali aqli kuma yare lkn waa diinta meesha nagala dagalamaayo ee dadyahoow wax fahma, waa runtiis haku jiraninee meesha

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  31. moahmed ahmed hassan says:

    ani ahaan waxan u maleyna in ninkaan u xoga soomalida kor u qaday hada darajada u gaarsiya wa C lkn sidaan ka si daran ayan dhahi laha maxa yelay somaliada wa dad marki wax laga shego lee dagaalmada ka horne iyaga isku maqan ma is weydisay maxey somaliya u dagaalk uga socda mudo 25 sano ah xita somaliada ma lahan tanaasul isku dulqadasho iyo isku samir wana dad marka ay wadankaan imadan shega in ay wax so baran markey imadan an wax badan SLF xita waxa ay u dhigtaan lacagta kaliya xita wey yartay somlai SLF shahaado ka qadatay marka loo fiiro wadamada kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. kayton says:

    Xaqiiqdii caqliga iyo cilmiguba waa nagu yaryihiin. Diinteena kuma dhaqano. Taas waxaa u daliil ah saan u dhaqano. Marka lama yaabin hadalka dhakhatiirtaas. Allaw na xafid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. cabdi bare says:

    inta beerta ku jirta iyo inta badda soo martay iyo mid haaf haafa oo aabihii habeenkii arooska waysada ilaabay hhhhhh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. cabdi bare says:

    ayuu waraystay kkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  35. Amatallaah says:

    taasi waa sax oo ha layaabina waxay innu gu arkeen uun baysheegeen, may qoxootiga kaleba wax ku sheegaan. waxaynu u badan nahay dad aan shaqaysan oo cayr ,fadhi kudirir iyo khiyaal kunool waxaana inoo dheer in aan khadka cunno sida xoolaha ee runbay sheegeen. Aadigu waxaad is waydiisaa maxaa soomaalida uun loo cunsuriyeeyaa ama inta badan looga hadlaa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. Onyood says:

    Burburka,barakaca,qaxa,qaxoontinimada iyo waliba dagaalada sokeeye ee somaliya salka kuma hayaan sababna uma aha caqliyaraanta ama caqli bad naanta umada soomaliyeed ee waa qadar iyo qudro illaahay wuxuuna sabab ugadhigay gacmaha umada somalidayeed ee bal horta saa wax ufahan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0