Dhibaatada kala haysata waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ee Sweden

Xiriirka u dhexeeya waalidiinta iyo caruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden ayaa waxa uu yahay mid ku sugan xaalad cakiran xiligaan lagu jiro. Waxaa muuqata in waalidiinta Soomaaliyeed ay ku fashilmeen in ay xakameeyaan caruurta ama in uu isfahan dhexmaro. Isfahandarada dhextaala waalidiinta iyo caruurta ayaa waxay gaadhay in waalid badan xabsiga ku galaan ama laga qaato caruurtooda.

Hadaba xagee ayuu qaladku ka jiraa? dhibaatada jirta ayaa ah mid dhowr geesood ah, balse qaladka ugu weyn waxaa iska leh waalidiinta oo ay muuqato in aysan fahmin xaalada cusub ee ay soo galeen. Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa isku daya in ay sidii Soomaaliya iyaga oo ku nool ay ula dhaqmaan caruurtooda, taasoo halkaan ku dhamaan garta cawaaqib xumo aad u weyn. Soomaaliya caruurta waxaa lagu xakameyn jiray dil iyo cadaadis balse arintaas halkaan ka socon meyso. Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in waalidiin badan ay yihiin kuwo aad waxbarashadooda u hooseysa oo taasi ay keeneyso in caruurtu ay ka xariif sanaadaan waalidka.

Waxaa intaas sii dheer in waalidiinta Soomaaliyeed aysan helin macluumaad sax ah ama ku filan oo ku aadan sidii ay caruurtooda ula tacaali lahaayeen marka ay yimaadaan wadanka Sweden. Soomaalida ayaa waxay iska dhaadhiciyaan sheekooyin been abuur ah sida in caruurtu ay leeyihiin maamulka iyo awooda, taasoo keenta in waalidku uu ka cabsado caruurtiisa. Markaad eegto dhinaca Swedishka ayaysan taasi sax ahayn, caruurta Swedishka ayaa waxaa loo cadaadiyaa si aad u adag balse waxaa meesha ka maqan gacan qaadista Soomaalida caadada u ah.

Waalidiinta Swedishka ayaa isticmaala cadaadis ah in caruurta lala hadlo, ama si maskax ah loo cadaadiyo, sida in laga yareeyo waxyaabaha farxada ah ee caruurtu ay jecelyihiin, in aan lala hadlin, in lagu soo xiro qolkooda iwm. Caruurta ayaa loo sameeyaa balan qaadyo kala duwan oo ku xiran dabeecadda wanaagsan ee ay soo bandhigaan. Arinta ugu muhiimsan ee ay sameeyaan waalidiinta Swedishka ayaa ah in ay xiriir joogto ah iyo wada hadal la sameeyaan caruurtooda. Halka waalidiinta Soomaalidu aysan caruurtooda la sheekeysan. Caruurta in la yaso ayaa ah dabeecad Soomaalidu ay leeyihiin balse ah mid qaldan. Caruurta waxaa la doonayaa in loola sheekeysto sida dadka waaweyn. waa in loo muujiyaa in ay leeyihiin masuuliyad.

Haddii ay xaaladu ku sii socoto sida ay hada tahay ayaa waxaa soo badan doona qilaafaadka u dhexeeya waalidiinta iyo caruurta. Waxaa iska cad in waalidiinta iyo caruurtu ay ku kala noolyihiin laba qaaradood. Caruurta ayaa ah kuwo si degdeg ah ula qabsada wadanka isla markaana samaysta asxaab cusub. Halka waalidiintu aysan wali ka soo dhaqaaqin Soomaaliya, waa kuwo har iyo habeen ku jira “maxaa la yiri” halkii ay la socon lahaayeen caruurtooda.

Waxaa loo baahanyahay in waalidiinta Soomaalidu ay yeeshaan xiriiro iyo wadalo ku saabsan arintaan. waa in ay raadsadaan talooyin iyo cidii kaga aqoon badan arinta si laysku way daarsado fikradaha. Waa in waalidiintu ay noqdaan kuwo muhiimada siiya wadanka cusub ee ay yimaadeen iyo in ay fahmaan waxyaabaha ay caruurtooda sameeyaan, cida ay la saaxiibka yihiin. Muhiimadu waa in ay la wareegaan maamulka iyagoon isku dayin in ay gacan ka hadal ku xaliyaan arinta. Waxaa qaasatan ugu daran caruurta cusub ee wadanka la keenayo oo ay ka dhaadhacsantahay waxyaabo badan oo looga sheekeeyay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. Xamza says:

    Asc/dhaman, JIMCALE, walal ad bad umahadsantahay wlh wa wax kudeyasho mudan o in laga fa idesto ah koley aniga wan ka faideysanaya inti karankeyga ah o canuga ano dilin ayan cadadinkara o wey iga maqnet tas any wey jimcale thxs pro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. fatima says:

    cadaadiska ha moodin cunada ka reeb iyo waxaas marka hore waa inaad lasaaxiibtaa caruurtaada oo aad is sheeko barataan hadaa haduu jiro afar jir waa in eey sheekada kuugu baxdaa oo markuu wax siyaado arko kula soo aado aabe saas iyo sas baan soo arkay markaa kadib baad hadii uu sameeyo waxaadan raali ka aheen caro u muujin kartaa ee ma aha adigoon xiriir fiican kaala dhaxeen cunaga inaad isku daydo inaad cadaadiso taasi waxay keeni kartaa ineey skolka u gudbiyaan xaalada caadadis ee gurga ka jira

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. abdikarin says:

    fatma waa runta walalo wan kugu tagersanahay ra ayigaaga suuban maaha cadaadis ku cunta ka soomid lagu sameyo cunaga ee kow waxa ah in lala sameyo ilamaha saxibtinimo kalsooni ku fadhida tas aya muhim ah ilmuhu somaliyed chans umahelo walidki inuu kula shekeesto why walidku waaaba mashqul kale telefon ayaa dhagta ku haystaa ama jaaliyad ayaa ka hadlaya ama hagbad ayuu ka hadlaya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Xamza says:

    Cadadiska an shegay marnaba cunto iyo cafimadkisa kumajiran e waxan kahadlaya wax yabaha kale e bashalkisa ah ama farxadisa ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. midnimo says:

    haaaaaaaa

    sxbkey hal mid meesha kuma jirto lamana ogolo GURI KUXERISTA waa xabsi hadii lagugu helana waa qatar marka iska ilaali in aad qol ku xerto oo aad fasax u diido caruur.

    wixii kale ee macquul ah samee.
    laakiin hadiiba cunugaaga aadan ka caawin karin casharadiisa kkkkkk waa qasab inuu isu arko inuuu ka amacalinsan yahay, oo uu jecel yahay in aad asaga warka ka dhageysato, ileen hee asagaa indho kuu ah oo waraqaha kuu aqriya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Mustafa says:

    asc fikirkeyga hadan ka dhibtoo, mahaa xalku in lagu deydo dhaqanka swedishka amba sidaa ay ula nolyihin carurtodaa sidaa u so sheegay walalken jimcale ee anuu waxan u arkaa xalku inu ku jiroo dinteena suban waa ayo, dhib kasta oo calamka kaa jirtaa mantaa xalkisaa waxa laga helaa dintena suban gal iyo islam waa la isku racay hadii wadada wanagsan ee qurankeyna karimka ah nafarayo laa raco. markas qoyski ku dhaqma quranka karimka ah iyo sunaha rasulkena suban (scw) waxan aminsanahay inu allah xafidayo carurtaa iyo wilidkunaa ku wada nolanayan isfaham iyo nolol wanagsan, wixi kale ee so darsaa u araag imtixan u allah swt kugu talagalay.
    hadi an wax qalday waa laa isixi karaa .
    waa bilahi tawfiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. midnimo says:

    asaxaabey JOOJI ISTICMAALKA XABAD’SOWDADA

    JIMCAALE sxb waxaan jeclaan lahaa in aad sooqorto kahadalka wax yaabaha soomaalida ay ku FIICAN yihiin ama lagu DHALIILO

    Maadaama Webbsite-kana uu yahay webb aad looga aqristo sweden iyo wadama caalamkaba. waxaan jeclaaday cilan aan soogoday in ana halkaan kusoo qoro.

    soomaliyeey iska daaya ama iska yareeya isticmaalka XABADSOWDADA, runtii qofka isticmaalo ma daremi karo sida XOOGA badan o ay u SHIIREYSO ama URKA qaab daran ay u leedaahay.

    maaha dacaayad aan dadka soomaalida ku dicaayadeynaayo laakiin waa xaqiiq jirta.
    dadka soomaalida qaar markii hadii ay kuugu soogalaan tareenada, baabuurta ama gawaarida ama ayaga oo cosda ay kaa maraan dhanka hawada, waxaa ku soogalayo shiir adag oo aad loo dareemayo. RUNTII soomaalidu wey NADIIF badan yihiin laakiin mashaqadu jirtaa waxay tahay urka- ama shiirka XABADSOOWDADA.

    DAD badan oo sweden ayaa ka sheegtay waxa soomaalida ka shiiraya markii la igu yimaado meelaha BULSHADA.

    Waxaa ugu daran dadka marsada jirka ama korka. waxaan sasuuxtaa qof aad u soo marsan jiray XABADSOWDADA oo imaan jiray iskuul, been idiinka sheegayo waa RAMADAAN iska daa qolka ay wax ku barate LOKALKA dhan ayay qaadatay SHIIRKA xabadsowdaha.

    soomaaliyeed daaya isticmaalka xamad sowdada, ama hadii kale dhib ayaa la idinku waqaa waana idiin sumcadaro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  8. midnimo says:

    midnimo

    asaxaabey JOOJI ISTICMAALKA XABAD’SOWDADA

    JIMCAALE sxb waxaan jeclaan lahaa in aad sooqorto kahadalka wax yaabaha soomaalida ay ku FIICAN yihiin ama lagu DHALIILO

    Maadaama Webbsite-kana uu yahay webb aad looga aqristo sweden iyo wadama caalamkaba. waxaan jeclaaday cilan aan soogoday in ana halkaan kusoo qoro.

    soomaliyeey iska daaya ama iska yareeya isticmaalka XABADSOWDADA, runtii qofka isticmaalo ma daremi karo sida XOOGA badan o ay u SHIIREYSO ama URKA qaab daran ay u leedaahay.

    maaha dacaayad aan dadka soomaalida ku dicaayadeynaayo laakiin waa xaqiiq jirta.
    dadka soomaalida qaar markii hadii ay kuugu soogalaan tareenada, baabuurta ama gawaarida ama ayaga oo cosda ay kaa maraan dhanka hawada, waxaa ku soogalayo shiir adag oo aad loo dareemayo. RUNTII soomaalidu wey NADIIF badan yihiin laakiin mashaqadu jirtaa waxay tahay urka- ama shiirka XABADSOOWDADA.

    DAD badan oo sweden ayaa ka sheegtay waxa soomaalida ka shiiraya markii la igu yimaado meelaha BULSHADA.

    Waxaa ugu daran dadka marsada jirka ama korka. waxaan sasuuxtaa qof aad u soo marsan jiray XABADSOWDADA oo imaan jiray iskuul, been idiinka sheegayo waa RAMADAAN iska daa qolka ay wax ku barate LOKALKA dhan ayay qaadatay SHIIRKA xabadsowdaha.

    soomaaliyeed daaya isticmaalka xamad sowdada, ama hadii kale dhib ayaa la idinku waqaa waana idiin sumcadaro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  9. Gislaved says:

    WAXAY ILA TAHAY HADAAN KU DARSADO FIKIRKEYGA DHULKAAN AAN DHIMID WAA DHUL GAALO LAAKIIN UMA ARKO INEEY DHAQANKAAGA DHEX GALAAYAAN OO WAX KA BADALAAYAAN LAAKIIN SOOMAALIDA MARKA AY YIMAADAAN DHULKAAN AYAGA AYAA DHAQANKOODA BADALO WAXAAD ARKAYSAA WAALID WADADA TAAGAN OO ILMO KALE UUSAN DHALIN WAX KA SHEEGAYO ILMIHIISINA KUMBUYUUTARADA AY ISKOOLKA KA XADAYAAN KUWAAGA LOOMA JEEDEE DAD KALE WAX KA SHEEG UU NAFTA UGU RAAXAYNAYAA LAAKIIN ILMAHA ILAMA QALDANEE WAALIDIIN AYAABA DHAQAN CELIN U BAAHAN MARKA HORE KUMANA XIRNA AQOON KUWA MACALIMIIN AH AYAA ARKAYSAA OO WADADA TAAGAN HEBEL WAA SAAS ILMIHIISINA AY XABSIYADA GALAYAAN.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. saciid says:

    waa sax walaahay ninka waxa uu kahadlay ilaahay hakaa jaaisa siiyo sxb walaalay arintaasi way jirtaa waxaana loo baahanyahay intaan caruur halkan lagu dhalin ama lakeenin in dhaqan iyo sharciga caruurta ee sweden labaro si loola dooda dadka soshiyaalka caruurtana waalidku isku fahmaan si loo badbaadiyo lk hadii saanboo laysku qabo caruurtaa adaa luminaya waalidaw sifiica ukoriya idinkaa faa idadiisa heli doonee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. MR NICE MAN says:

    WAXAAN SI GAARA U HADLAYAA WALIDIINTA CARUURTOODU KA YAR TAHAY 18 JOOGANA SAFARADAHA SWEDEN AMA HA AHAATO, ETHIOPIA AMA KENYA AMA UGANDA, WAXAAN LEEYAHAY CARUURTIINA MA HELAYSAAN SANADKAN WAXA RAJO AHINA KAMA SOO DHAWA, WAXAY DADKANI AHMIYADA SIIYEN DADKA CARUURTOODU GADHAY 18 JIR AMA AY KU DHOW DHOW YIHIIN, WAXANAN CADAYN HAYAA WARAAQ AY IISO DIREEN QAAR KA MIDA SHAQALAHA SWEDEN EE ETHIOPIA WANA TAN EE KA BOGTA. The Embassy receives a lot of applications of residents permit at the moment. We prioritize two categories of errands. When an applicant or the referent will be 18 years old this year or children without any of their parents.

    The next group to be handled are all the rest. Then we will due to how old the application date is call in the applicants. At this moment we are still handling the prioritized cases. When we will have the resources to handle the other cases is very hard to estimate.

    Best regards

    Magnus Bläsberg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Mohamed says:

    Asc marka hore shaqaalaha webka way ku mahadsanyihiin in aay usoo tabiyaan arimaha kala gadisan ee dalka sweden, dadka ku hadla afsoomaliga.
    Waxaan aqriyay qoraalo kala duwan waxaa i galay dareen ah in shaqaalaha webkaan aay badatay dhaleeceenta ku saabsan islaamka ama dadka ajnabiga.Rumahaantii dadyoowga aduunka ee kala gadisan way leeyihiin wanaag iyo xumaanba laakiin dib u eega inta qoraal ee wanaag iyo dhaleeceenba uu webkan ka qoray islaamka iyo ajnabiga keebaa barasentigiisa badan?Ugu danbeyn walaalayaal waxaa idinka codsanaa inaa soo tabisaan wanaaga ku jira ajnabiga qaar iyo islaamka madaama bil ramadaan lagu jiro.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. abdi mohamed says:

    Jamcale sxb marka aad wax qoraysa badanaa waxaad diiradda saartaa dhinaca qaloocsan (weakness)taasina waa cadaalad dari,waxayna dhaawici kartaa adiga iyo website ka SOMALISKA.Marka laga hadlayo waalidiinta Somalida waa dad dhaqan wanaagsan oo fahankooduna fiican yahay kuna soo tala galay wax badan marka ay imaanayeen sweden ama qurbaha intiise kale.Arinka ayaa waxa uu yahay ama u egyahay”FARO MA SINA”when you are writing about the Somali comunity you normaly concertrate on the -ve side instead of the strenghs and +ve sides.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Abdilfc says:

    Asc Ramadaan kariim Asxaabta oo dhan qaasatan MR NICE MAN sxb war macquul ah ayaa noo sheegtay bro waxaan kale oo aan kaa rajeenayaa in hadii aad heeso tafaasiil dheeri ah inaad noo soo gudbiso runta wax ka wanaagsan malahan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. najmo says:

    asc walaalaha xiiseya netka somaliska.com iyo jimcalaba aad baan idiin salaamayaa salaanta islaamka a s c waxa mahad wayn mudan allaha subxanu watacaale ee na kulan siyeye sida an aragtida lahay hadana aan u qaybsanayno fakarka masha allaah alle ayaa xumo ka nastahan hadan ka hadlo tan walidka iyo caruurta somalida kala heysata wax waliba alle ayaa quraankiisa noogu sheegay ciyaalu waa qali waa raxmad alle ayaana bixiya ciduu dono siiya ciduu dona anba siin cuduu dono u badaya ciduu donana u yareya hadana alle wuxu na yiri waa fidmo caruurto illaahow kuwii an ku fidmoowno hanooga dhini aamiin mida kale dinteenu xataa dilka ma banayn ciyaalka la dilayo xalka ugu danbeyo inay noqoto weye cananata gacantu unasteexee la shekayso u aqli celi ubadkaaga ilaah ku siyeye allne bari inuu kaga dhigo kuwa xaqa illaah guta ana ku marsiiya waxad ka mudneed aamiin yaa allaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. damiao says:

    aqyaarat aniga ahaan is fahan la,anta waxaa keena qurbaha lkn hadii somalia la joogo waa leys fahmi lahaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. farah says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk jimcaalow sxb dad ka aynan caruurtoda jogin igagu shuqul kumalah somah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. farah says:

    aad ayaad ugu mahad san tahay sxb sida fiican eed war bixin ta noogu sood gud binaysid lakin xaga migretionka nooga sowaran war kaa sa nagu soc dee iyo in il mihii naloo kenahayo mahad sanid mvh farah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Ismahan says:

    Dhibaatada somalida haysata waxa wayan mid kasta caruurti wuxu oo korinaya sidi somalia, dil iyo hanjabaad! Taasina socon meyso, wadankan lama ogola ina caruurta la dilo amba la cadaadiyo.Aniga waxa iga talow ah, nin kastooy iyo naag kastaay afka wadanka saani oo barta si aani caruurtu iin khiyaamen ood fahantan markey asxaabtoda la hadleyan, markey computerka ku jiran waxay qorayaan.Si aad labo talaabo oga horeyso oo ilmuhu ka caqli badan uuna kaaga dhigin qof aan waxbaba garaneyn.

    Had iyo jeer la tali oo tusaale wax uga so qaad adigu codka sareysiin, si tartiib ah wax ugu sheeg.Had iyo jeer oo duceya inu ilaahy wadada toosan tuso, xasuusana sidaad ciyaalnimadaadi ahan jirtay.Qof aduunkan perfect ah ma jiro oo isku dheeli tirin.Wax wa waayo aragnimu aya lagu so cibro qaatey.Al hadaaya mina Allah, ilaahy wixi lunsan wadada toosan ha tuso, waalidki dhibaateysan ah samir ha siiyo.Aamin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. Shamso says:

    ASC Walaalayal. Waan kugu raacsanahay in isfahan la aan jirto framilade Somalia haysata.
    Waxaana marka ugu horaysa ino badiyey insga waxan oranlahaa
    1-inaga oro ah dad trauma xambaarsan Dhib iyo qaxar ka dhargay gebi ahaanteenba.
    Ninka iyo naagta ayay kabilaabatay isfahan daradu marka hore.
    Caruurti inta badan homofobi kaliya ayaa korisay oo aan ku filayn.
    2- waxbarashada oo inagu yar oo xadidaysa fahanka wadanka cusub iyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Shamso says:

    Iga raali noqda qalad ayaan qoray homofobi waxaan kawaday Hooyo. Wuu iga qalday.

    Wabilahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0