Dhibaatooyinka magaalooyinka waaweyn iyo fursadaha tuulooyinka

30

Tuulooyin badan oo ku yaala wadankaan Sweden ayaa waxaa haysta dhibaato xaga shacabka ah, qaar badan ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka socday hoos u dhac weyn oo xaga shacabka ah. Tuulooyinkaas waxaa ka mid ah tuulada yar ee lagu magacaabo Sorsele ee ka tirsan gobolka Lappland. Tuuladaas ayaa hada go’aansatay in ay sameyso mashruuc cusub oo ay ku soo jiidaneyso soo galootiga qaasatan dadka ka yimaada ruushka si ay kor ugu qaadaan tirada shacabka isla markaana u daryeelaan dadka waayeelka ah.

Sorsele keliya ma ahane tuulooyin badan ayaa la qaba dhibaataas oo la wadaaga rabitaanka soo galootiga. Waxaa ka mid ah tuulooyinka kale ee aadka u daneeya soo galootiga magaalada yar ee Fagersta oo Stockholm 2 saac u jirta isla markaana ah xarunta boggan Somaliska.com magaaladaan ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa ka socday hoos u dhac xaga shacabka ah taasoo aad walwal ugu abuurtay maamulka degmada. Ka dib markii sanadkii 2010 ay Soomaali fara badan u soo guureen halkaan ayaa arintaas waxay ku abuurtay farxad iyo reyn maamulka degmada iyaga oo hada isku dayaya sidii loogu hayn lahaa Soomaalida in ay halkaan ku nagaadaan oo ay gurigooda ka dhigtaan.

Balse arintaas ayaa ah mid adag. Soomaalida ayaa ah dad reer guuraa ah oo qofkasta oo aad la kulanto waxa uu leeyahay waxaan u socdaa magaalooyinka waaweyn sida Stockholm iyo Göteborg. Laakiin arinta cajiibka ah ayaa waxay tahay in magaalooyinkaas ay neceen dadka soo galootiga ah iyadoo sanadkii 2007 Göteborg laga bilaabay mashruuc soo galootiga lagu dhiiri galinayo in ay tuulooyinka u guuraan. Intaas waxaa sii dheer guryo la’aan iyo qarashka nolosha oo sareeya. Hadaba maxay Soomaalidu ku doorteen magaalooyin aan laga jecleyn halkii ay ku nagaan lahaayeen tuulooyinka u baahan shacabka? Waa dood furan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here