Digniin: Isticmaalka moobeelka oo qatar weyn kuu keeni kara, maxaa xal ah?

4

Isticmaalka badan ee moobeelka ayaa dhaqaatiirta Sweden ay sheegeen in uu dadka u keenay aragooda oo xumaaday. Dad badan oo maalinkasta isticmaala moobeelka iyo computerada saacado badan ayaa waxay ka cabanayaan in uu xumaaday aragooda fog oo aysan si fiican wax uga arag masaafada dheer. Taasi ayaa loo eedeeyay isticmaalka badan ee shaashadaha.

Per-Åke Östman oo ah dhaqtarka indhaha ayaa sheegay in ay aad u soo korodhay tirada dadka ka sheeganaya aragooda oo xumaaday, isagoo taasi ku eedeeyay in ay moobeelka aad u isticmaalaan oo wajiga ku dhaweeyaan. Isagoo intaasi ku daray markii uu qofku muddo moobeelka isticmaalo, oo uu ka dibna meel dheer fiiriyo in uu dareemayo in uu aragiisa xumaaday.

Åsa Nilsson oo iyaduna ah dhaqtarka indhaha ee hospitaalka Norrlands universitetssjukhus ayaa SVT u sheegtay in ay bilaabeen in ay daawo iyo ookiyaale u qoraan dadka dhibaatadaan haysato, iyadoo sheegtay in maalinkasta saf loogu jiro hospitaalka taasina ay sabab u tahay isticmaalka moobeelka iyo shaashadaha kale.

Dr Östman ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay xaalada ay ku socoto bani’aadamka isagoo sheegay in aanahay dad loo abuuray in ay isticmaalaan dabiiciga oo ay cagaarka daawadaan balse hadda aan ku socono waddo qatar ah oo aan dhamaanteen ku indho beeli karno.

Xalka ayaa ah in aad iska yareyso isticmaalka moobeelka iyo shaashadaha kale, oo aadan qaasatan ku isticmaalin goobaha mugdiga ah iyo marka aad seexanayso.  Hadaba haddii aad isticmaasho moobeelkaaga, ogoow in aad qatar ugu jidho in aad noqoto indhoole.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here