Digniin ku saabsan kuleel xad dhaaf ah oo la soo saaaray

Hay’ada cimilada Sweden (SMHI) ayaa soo saartay digniin taariikhi ah oo ku saabsan kuleel xad dhaaf ah oo isbuucaan laga dareemi doono Sweden. Hay’ada ayaa sheegtay in ay filayaan in heer kulka uu dhaafo 30C sadex maalmood oo isku xigta taasoo ka dambaysay in ay soo saaraan digniinta nuuca Class 1 oo ku saabsan in heerkulka uu waxyeelayn karo shacabka.

Digniintaan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee abid laga soo saaro heer kulka. Hay’ada SMHI ayaa si joogto ah u soo saarto digniino ku saabsan cimilada xiliga qaboobaha. Digniinta kuleylka xad dhaafka ah ayaa qaasatan ku wajahan gobolada Västernorrland, Västerbotten iyo Norrbotten.

Heerkulka Sweden ayaa maalmihii la soo dhaafay aad kor ugu kacay oo u dhexeeya 25-30C. Iyado xitaa habeenkii uusan heer kulka ka dhicin 20C. Kuleelka ugu badnaa ilaa sanadkii 1933 ayaa bishaan ka dhacay degmada Junsele kaasoo gaaracay 31.8C.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. jiijii says:

    ilaahey nabad ha inoo keeno iyo barwaaqo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. faarax says:

    Hawada magaalada berbera somalia berito waa °C 36….swedishka qoraxda aad u kulul jirkooda mawamili karaan. Lakin soomalidena dhib malaha.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  3. omar says:

    Somalida dhan mawada xamili karaan kuleylka xad dhaafka waayo isku heerkul mawada aha magaalooyinka dalkeena. Tusaale ahaan Luuq, Berbera, Boosaaso iyo Jabuuti. Waa xad dhaaf oo waa u adkeysan karo kuleylka ka jira magaalooyinkaas hadii adan ku dhalan ama ku barbaarin.
    Waayo aniga waxaan la qabsaday heerkul isku celcelis an dhaafin 20-36 oo sida Xamar oo kale oo bisha ugu kulul ay tahay maarso ilaa april oo kuleylka gaaro ilaa 36.
    Marka somalida dhan uma dulqaadan karto ee waxay ku xerantahay magaalooyinka laga kala yimid.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0