Diinta ma waxaa looga baxay in sharciga Sweden lagu helo?

21

Idaacada Sverige Radio ayaa qortay mowduuc ku saabsan dad Muslimiin ahaa oo diinta Islaamka ka baxay kuwasoo magangalyo ka dalbaday Sweden. Dadkaan ayaa ku dacwooday in la raadsanayo oo haddii dalkoodii lagu celiyo la dilayo. Mid ka mid ah dadka diinta ka baxay oo ka soo jeeda wadanka Jordan (Urdun) ayaa ku dacwooday in kooxo Islaamiyiin ah ay raadsanayaan oo ay ugu hanjabeen in ay dilayaan balse Laanta Socdaalka ayaan la dhicin dacwadiisa iyaga oo diidmo siiyay. Safaarada Sweden ee ku taala wadanka Jordan ayaa sheegtay in aysan jirin qatar xaga nafsada oo soo wajahaysa dadka diinta ka baxa ee ku nool wadankaas.

Qareemada iyo sharciyaqaana Socdaalka ayaa isku raacay in aysan ahayn mid sharci lagu heli karo diintaada oo aad ka baxday oo keliya balse loo baahanyahay in aad soo bandhigto cadeymo muujinaya qataraha aad sheeganeyso.

Dadka sheegtay in ay diinta ka bexeen ayaa u muuqda kuwo meel dhexe ku soo dhacay iyaga oo aan gaarin ujeedadii cusbeyd isla markaana ka tagay Islaamkii. Hadaba suaashu waxay tahay dadkaan ma waxay diinta uga bexeen sharci ku hela mise arin kale ayaa jirta? Cunsuriyiinta Sweden ayaa ku dooda in dadkaan diinta ka baxay ay doonayaan in sharciga Sweden oo keliya ay ku helaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here