Dood ka dhalatay habeenka arooska iyo bikro jabinta

44

Dhaqaatiir ka tirsan cusbitaalada Sweden ayaa waxay kula taliyeen dumar ka soo jeeda wadamada dhaqanka bikrada laga xushmeeyo in ay xirbad isku mudaan si ay ninkooda ugu muujiyaan in ay bikro tahay. Arintaan ayaa dood dhalisay iyadoo dhaqaatiirta lagu dhaliilay in ay taageerayaan dhaqan qaab daro ah.

Wadamo badan oo ka mid ah bariga dhexe iyo aasiya ayaa aad looga xushmeeyaa xuubka bikrada ee gabdhaha iyadoo raggu ay doonayaan in habeenka ugu horeeya ee galmadu dhacdo in gabadha dhiig ka yimaado, haddii aysan taasi dhicin ayaa sharaf dhac ku imaanayaa gabadha iyo reerkeeda.

Sanadihii dambe ayaa waxaa xitaa soo baxay dhaqaatiir qaliin ku sameysa dumarka kuwaasoo u saara xuub bikro. Arinta yaab ka leh ayaa ah in rag badan ay iska tuntaan oo iyaga aysan cidi ku xirin in ay bikro yihiin, halka ay doonayaan in ay guursadaan gabdho bikro ah oo keliya.

Hadaba sidee idinla tahay, ma wanaagsantahay ninku in uu bikro dalbado isaga oo aan laftiisa bikro ahayn?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here