Dood ku saabsan arinta mideynta reeraha Soomaalida [Video]

Dooodaan waxay isbuucaan dhexmartay labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo kala ah Fredrick Federly oo matalaya xisbiga Centerpartiet kuna hadlaayay afka dowlada iyo  Christina Höj Larsen oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet.

Waloow labada xildhibaan ay isku fikir dhowyihiin marka laga hadlaayo muhiimada ay leedahay arintaan oo uu dhowr jeer ku celceliyay Fredrick in hawsha ugu horeysa ee ay bilaabayaan ay noqon doonto marka baarlamaanka la furo, ayaa Christina waxay tahay mid dhaleeceyn dusha kaga tuurtay dowlada oo dhan.

Xitaa waxay u soo jeedisay in xisbigiisa ay ku soo biiraan iyaga oo ay la codeeyaan marka ay soo bandhigaan mooshin ku saabsan arinta mideynta reeraha Soomaalida. Christina ayaa xitaa sheegtay in cunsuriyad darteed lagu diidanyahay mideynta Soomaalida.

Fredrick Federley ayaa sheegay in ay sugayeen go,aankii maxkamada ee soo baxay bishii May oo hada ay diyaar u yihiin in arintaan wax laga qabto. Waxa uu sheegay in dhibaatada haysata waalidiinta Soomaalida ay tahay mid adag oo aysan xooga saari karin in ay bulshada dhexgalaan haddii caruurtooda ay ka maqanyihiin.

Ugu dambeyntii ayaa Fredrick la waydiiyay waqtiga ay arintaan qaadan karto, waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ee markii baarlamaanka la furo hawsheeda galayaan balse waxa uu dhowr jeer ku celceliyay in ay muhiimtahay in caruurta lala mideeyo waalidiintooda dhabta ah iyadoo Christina ay uga jawaabtay in 1500 caruur ah DNA laga qaaday oo loo diiday in lala mideeyo waalidiintooda oo sax ah.

Debatt%20-%20varf%C3%B6r%20accepterar%20inte%20Sverige%20somaliska%20pass

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

32 Responses

  1. mashalh says:

    waa waax lagu farxo arintaan lakiin arintaan mar hore ayee aheed markii uu tvga soo ban dhigay sbx

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  2. mohamed aweys maohamed says:

    asc dhamaantiin
    arintaa waa arin lagu farxo misena waalidka dhiiri galin u ah
    aduunka dhan wuu la yaaban yahay wadankaan caruurta iyo walidka kala fogeenyo
    arinta markaan wixii ka dmneeya wey fududaan doontaa insha,allaah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. Abdiraxman says:

    Asc jimcale sxb kalfadhiga barlamanka goormu furmaya sxb horta ayantan arinta xamasadeda ayakacsan lakin wili somalida weykafa dhiyan aya ladhihikaraa walalayal iskusobaxa oo xigto xubintina dhacsada waxanobalan ah dhaman wadanka enan kabanan baxno qofwalba ha is xilqamo walalayal galadana alaha nooso qasbo kasoo qadka alaa iskaleh

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  4. mohamed awey mohamed says:

    waxaan weynaa baahda somliska
    goormuu furmyaa baarlamaanka ?
    mise waqti uma xadidna ?
    waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. Jimcale says:

    Waxa uu furmayaa 15 bisha, saacadu markay tahay 14:00 balse isla waqtigaas dood ma furmeyso mana arko ajande ku saabsan arimaha Soomaalida, marka ha layska dulqaato oo dadaalka ha lasii wado.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  6. mushkilada aan garanao says:

    inta badan ajaanibta sweden waxe ku hamiyaan iney ciyow bartan luqada see u shaqeestan horumarna u gaaraan halka badanken ey isku daahiyaan sfi ga hadhow na ceer yar laiska qaato,nolosha aye kadhacen somali badan,isbadala oo dad noqda,hadii kale cid idiin keeneeso malahan ilmahiina maxa yeele kuwii horaaba qaati laga jooga

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

    • Daacad says:

      Salaam

      Sxb si fiican ayaad u garatey mushkilada, waxaaad moodaa somalida dhan in ay ku qanacsan yihiin 3400 konor oo waliba lagu gumaysanayo…….

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. abdullahi says:

    Aad iyo aad baad u mahadsantihin bahda somaliska sida wanagsan eed marwalba noola socodsiidaan arimahan waxaana nahay dad aad u daneenayo arintan ilahayna waxaan ka baryenaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u dardargaliyo arintan si aan caruurtena ila midowno

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  8. boqor baashi says:

    dhamaan dadweynaha samaliyed waad salaamantihiin waxaan xog wareeysi aan sameeyay ku maqalay in baarlamaanku soo noqon doono 5september arinka mideynta reerahana ka hadli doonaan 15 september marka dhamaan hla soo duceeyo in dhamaan walaalaha somaliyed ilmahooda lala mideeyo by boqorbaashi sweden eskilstuna

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  9. mohamed aweys says:

    waan gartay jimcale waad mahadsan tahay dadaalkaaga mudan iyo xogtaada dheer sxb dhamaantiin waa mudantihiin baahda somliska sida wanaagsan oo mar walbo bulshada ugu shaqeesaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. beelo says:

    a s c
    walakeena gaaliga eh jimcaale waad mahadsantahay sida sharfta leh oo aad ma walba noo deegsiiso hadalkaaga mahad ha kaa gaadho iyo dhamaan bahda somaliska waan idin wada salaamay mahadsanidiin galbigaad noo dakisaane ilahey gayraan dhamaan alaha idin siiyo walal kolay wixi soo kordhane noo soo godbi sideey caadado ahayd wax ku dhibane ala kuma tuso a s c

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. haghi nero says:

    as ckm dhamaan umada soomaaliyeed ee ku nool sverige ,kedib alle aya mahad iska leh arintu wey inoo soo dhow dahay yaan laga daalin waxaa la yiri raxmada alle laga quusto ,waxaa nala gudboon hadii aan nahay soomaali midnimo iyo inaan mar walbo la muujiyo fikirka ah iney naga maqan yihiin xaasakeenii iyo caruuteenii oo aan u korno geed gaaban iyo mid dheer sidey wax noogu qabsami lahaayeen ,waa in aan mar walbo muujinaa ficil ah isu so bax oo dareenkeena ku muujineyno guushana weynu gaareynaa in sha allah yaan laga caajisin ,waxan u mahad naqayaa milkiilaha webka somaliska jimcaale ilaah ha kuu jiseeyo dadaalkaada wa billaahi toowfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. asma says:

    asa i dont think its fair that little kids dont have the right to stay whith there family i hope that every kid has the right to stay with there family insh allaah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  13. Madina Cumar says:

    A.S.C.waxaan salaamayaa dhamaan bahda somaliska gaar ahaan Jimcaale oo

    markasta ku howlan arimaha mideynta reeraha salaan kadib waxaan leeyahay arintu

    way dhamaandonta Inshaa Allaah Anagane waa inaan dadaalka wadnaa oon markasta

    dibadbaxnaa Allane baryadiisa badinaa qofkii Alla ku xirnaataa way guuleysaneysaa

    Anaga berri waan bannaan baxeynaa reer Uddevalla Swiidhane meelkasto waa in
    laga bannaanbaxaa waana figradeyda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. Khadija says:

    Asc, Jimcaale waxan ku weydiiyay walaalow reeraha la mideynayaa ma kuwa caruurta isu dhalay keliyaa. Anniga waxan ahay xaas oo odageygi ayaa xagaa iyo Afrika iga jira ma waxaad i leedahay dadka aan caruuraha isu hayn kuma jiraan mise waxaa laga hadlay waa xaaladda somalida guud ahaan bal tan ii yara faahfaahi.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. aabbe says:

    khadija jawaabta anigaa ku siinaayo, ilaa hadda wax la sheegey in la mideynaayo ma jiraan, ilmo ama odey toona, teeda kale jimcaale wuu kuu sheegey arimaha soomaalida maba ku jiraan ajandayaasha baarlamaanka hadalada aad maqashid bergashoowna waa fadhi ku dirir, ku quus qaado doodii hore oo aad loo buunbuuninaayey meesheey ku dhamaatey, tanna maba jirto xitaa ajanda somali ku saabsan, marka odeygaaga alaha kuu soo aruuriyo iimbaaydey,

    xitaa hadii ay dhacdo in doodaas ay cidi keento baarlamanka waxey noqonee in waqti laga doodo loo qabto sababtoo ah shaqo maalmeedka baarlamaanka waa waqtiyeysanyahay, sida igu maqaalo ahna ilaa febrayo 2012 shaqoda baarlamanka waa acupied. May be wixii waqtigaas ka dambeeyo in la isku soo qaado natiijadeedana xitaa markaas aan la hubin.

    Casaa antakrahu shay un fahuwa kheyrun lakun.

    Good lck

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  16. aabbe says:

    khadija jawaabta anigaa ku siinaayo, ilaa hadda wax la sheegey in la mideynaayo ma jiraan, ilmo ama odey toona, teeda kale jimcaale wuu kuu sheegey arimaha soomaalida maba ku jiraan ajandayaasha baarlamaanka hadalada aad maqashid bergashoowna waa fadhi ku dirir, ku quus qaado doodii hore oo aad loo buunbuuninaayey meesheey ku dhamaatey, tanna maba jirto xitaa ajanda somali ku saabsan, marka odeygaaga alaha kuu soo aruuriyo iimbaaydey,

    xitaa hadii ay dhacdo in doodaas ay cidi keento baarlamanka , waxey noqonee in waqti laga doodo loo qabto sababtoo ah shaqo maalmeedka baarlamaanka waa waqtiyeysanyahay, sida igu maqaalo ahna ilaa febrayo 2012 shaqoda baarlamanka waa acupied. May be wixii waqtigaas ka dambeeyo in la isku soo qaado natiijadeedana xitaa markaas aan la hubin.

    Casaa antakrahu shay un fahuwa kheyrun lakun.

    Good lck

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. ramla says:

    ninkan aabe la baxay digaa waxaa aad ugu fiicneed in barlamaanka waliba kuwa cunsuriinta ah laguugu daro waad iska hadashaa mar walbo waxa ogataa wax alaah xagiisa ka imaday adiga ma cilin kartiid mana tihiid qof ka naxaya ciyaal iyo walid kala maqan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  18. Hassan says:

    Asc dhamaantiin marka labaad waar somaaliyeey waxaan idin odhan lahaa intaad leedihiin caruurtayadii ha naloo keeno ma laga yaabaa in ay halkaasi uga khayr badantahay halkan oo aynu biilka ugu dirno waayo waad aragtaan sida maanta la inooga qaadanayo ciyaalkii ama dhaqankoodii loo badalayo ilaahayna bari ka maalin waa la ina waydiinayaa markaa waxaan odhan lahaa intii halkan ku dhalatayna ilaahay ha inoo hanuuniyo inta halkaa joogtana ilaahay ha ku arsaaqo markaa yaan waxba la inoo keenine inagaaba noqonaynee sheekadan gaaban iska daaya oo ilaahay ka cabsada wabilaahi tawfiiq.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. Gentleman says:

    Asc dhamantin parlamanka wuxu furmaya 15 september xiliga 2011/2012, wax ajanda ah o diyar u ah malahan xubinkasta ama xisbikasta wuxu so gudbiya motion u wata ama ay watan, sidas aya lagu keena ajandayasha.caadiyan waxa ugu horeya budget ama misaaniyada la aqrin doona 20sept. Wixi ka dambeya wa proposed motions aya laga dooda ka mid noqon karta arintan soomaalida taas laga yaaba inay dhowr xubin ama xisbi so kala gudbin doonan. Asc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  20. ismahan says:

    waan idin salamay dhaman aqristayasha somalisaka aniga waxaan la yabanahay ninka aabe sxb swedhesh wax nomahayo ilaah ayaan qeer ka sugenaa asiga ayaa ina kenay halkaan carurtenana nala midono insha alah mida kale hada gobalka an ku nolahay waxaa jogta gabar carurteda loo ogoladay laguna dhahay carurtada waan ku ogolanay ilaa 10 septemper ha sugano caruurtada waxaa direnaa basaborada marka in sha alaah ag rabi ayaan wax walba ka sugeynaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. maxamed says:

    aabee naga daa marqanka khadijo maxad karabta haa khadijo abaayo jimcale manta wa mashqul marka kuma jawabikaro ee waxa layiri wa somalida dhan intii rabi u qoro sweden

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  22. sahra Elmi says:

    asc jimcale mawaxa waxa la raba in muda haraad la sameeyo jzklh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. Jimcale says:

    Khadija: waxaa la doonayaa in la mideeyo dhamaan soomaalida kuwa caruurta isku leh iyo kuwa aan lahayn balse maadaama swedishka ay u jilicsan yihiin caruurta isla markaana ay jiraan xeerar caalami ah oo sheegaya xuquuqda caruurtu ay u leeyihiin waalidkooda ayaa dooda dhinacaas laga aadayaa. Balse haddii sharci badal lagu sameeyo laasim waxaa ku jiraya guud ahaan arinta.

    Sahra, ima soo gaarin qorshe mudaharaad weyn lagu sameynayo balse waa fikrad fiican.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  24. ramla says:

    SC/jimcaale walal waxan donayaa adiga waxa tahay xog haaye marka se kuula muqataa arintaan marba si noqoneeysa ma in bilahan soo socdo natiijo la leyahaybaa mise wax laga yabaa in aay ku dhamaato diidmo kulamada soo socda maarlamanka sidii markii horaba lo diiday soomalida mideynteeda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. kunciil says:

    asc sxb waa arin aad u wanaagsan allaah ha nooga soo qaado mideeda kale ninkaan aabe isku sheegaya waa kuwa
    nolosha ka dhacay oo aan naxariista
    laheyn hadana aan ogeyn waxa uu ku hadlaayo
    marka waxaan leeyahay qeyr ma sheegeyside iska aamus
    aamusnaanta ayaad ku roontahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  26. HASSAN KAAMILL says:

    Ok wn gartay kuligen qufbu fikir ayey dhebatay ane waxan kudarayaa yaan laga qusan naxarista alle laa taqnidoo min raxmatilahi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. farxaan says:

    waan idin salaamay dhamaantiin bahda somaliska salaan kadib waxaan su’aal waydiin lahaay jimcaale su ‘aashayda oo ah lacalla hadii la ogolaaaaaaado ma laga yaaaba in ay sidii hore ku wadaan mise xujooyin cusub aa imaan kara sida qofka inuu shaqaysto iyo inuu guri kufilan haysto iyo in uu wadanka ugu yaraan afar sano ku noolaa koley sidaan wax ka fahmay anaa soo korsaday inay meesha ka bixidonto waan mahadsan tihin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  28. Jamac says:

    waa kuu salamaey bro..

    hotmail på kuu so diraay lakinse wili ma iso jawabin marka halkaan baa kuu so dirayaa hadane. Iso so jawaab arintan waxaa ka ogtahay about E-pasaborkaan.
    Fadlan Mahadsanid

    Waxaan rabaa inaan kuu soo diro baasaboor soomaaliya oo aan fujis aheyn. baasaboorkaan ma ahan mid lacag labixinayo kadibna luguusoodirayo taas waxaan ula jeedaa indhaha iyo faraha ayaa lagasooqaaday. Sawirkiisana anaa kuu soo diraya hadii ALLE ogolaado.Wixii faah faahin dheeraada waan kawada xiriiri doonaa inta aan baasaboorka dowlada lada loo dirin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  29. Jamac says:

    waaa ku salaamay jimcale …wili jawabtada baa sugayaa fadlan…hotmailkadane waa kugu so diraay…basaboorka sawirkisa

    Waxaan rabaa inaan kuu soo diro baasaboor soomaaliya oo aan fujis aheyn. baasaboorkaan ma ahan mid lacag labixinayo kadibna luguusoodirayo taas waxaan ula jeedaa indhaha iyo faraha ayaa lagasooqaaday. Sawirkiisana anaa kuu soo diraya hadii ALLE ogolaado.Wixii faah faahin dheeraada waan kawada xiriiri doonaa inta aan baasaboorka dowlada lada loo dirin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. sahra says:

    marka hore waxaan soomalida oran lahaa waa in sagaalka bisha inta ka hore ysa meel kastaoo ay swden ka joogaan mudaharaad nabadeed ka dhigaan boodhadh ay ku qoran yihiin in swden albaabda xidhaatay oo ay wax kasta ku isticmaaleyo har inte har inte har inte ka dibna aysan waxba ka sii eegey n kiiska qofka ,mida labaad waxaa dhici karta in dad aan soomali ahayn oo ujeedooyin kale iyo afkaar kale baadhaya ay fikir ku dhex darsadaan iyagoo daraasad inaga dhan ah wata waana in aad la socotaan in ay aad macquul u tahay in dad aydaan maleyn kareyn loo turjumo wax kasta oo aad qortaan macnuhu ma aha fuleynimo ee arinkan dadka inta badan waa dad ka hurda sida caalamku u shaqeeyo iyo khatarahiisa qabow.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  31. ramla says:

    lol malaha jimcaale dhagaha ayuu xirtay malmahan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0