Dood kulul oo ka dhalatay salaanta dumarka iyo siyaasi xil ku waayay

Isbuucaan waxaa Sweden ka taagnayd dood kulul oo ku saabsan salaanta ragga iyo dumarka ka dib markii siyaasi Muslim ah oo lagu magacaabo Yasir Khan uu diiday in uu gacan qaado gabar wariye ah oo ka shaqaysa TV4. Ka dib dhacdadaas ayaa Yasir Khan waxaa aad u cambaareeyay xubnaha ka tirsan xisbigiisa Miljöpartiet (MP) isagoo ahaa musharax u taagan xubinimada gudiga maamulka ee xisbiga (Partistyrelsen).

Qaar ka mid ah saxaafada iyo xubnaha ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa Yasir Khan ku tilmaamay in uu yahay Muslim xagjir ah oo dumarka neceb, arintaas ayuu aad uga xumaaday isagoo diiday in uu xubin ka noqdo golaha sare ee xisbiga isla markaan guud ahaan isaga baxay Xisbiga Miljöpartiet.

Balse doodu intaasi kuma dhamaan ee qaar badan oo siyaasiyiinta iyo saxaafada ka mid ah ayaa iswaydiinaya in ay haboontahay in qof lagu cambareeyo in uu diiday in uu qof kale gacan qaado. Waxay ku doodayaan in wadankaan uu xor yahay oo dadku qaab kala duwan isku salaamaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dood ay ka dhalato salaanta ragga iyo dumarka, iyadoo dhowr sano ka hor nin Soomaali ah magdhow lacageed la siiyay ka dib markii loo diiday shaqo, isagoo diiday in uu gacan qaado haweeney ka shaqaysa Arbetsförmedlingen.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. HADALKA WANAAGSAN WAA SADAQO says:

    DOOD KULUL KAMA DHALAN EE ADIGAA JECEL OO BUUN BUUNI NAYA, WAAYO KUWAN AAN LA JOOGO WEY OGYIHIIN WEYNA KAAGA AQOON BADAN YIHIIN DIINTA AAD HEYSATO, CIDII GOONI LOO BEEGSANAYO WAA GAAR, IMTIXAANKA RABBINA WUU JIRAA, LKN HADALKA HA U DHIGAN SI ADAG, ILAAHEY UGU DHAWOOW WAXAAD QOREYSO.

    MUSLIMKU WAA KU QAALI DUMMARKA JIRKOODA AMA GABAR MUSLIM AH HA AHAATO AMA MIDAAN MUSLIM AHEYN , WIXIIBA LAGAA REEBAY ,MAHAN IN INTA SUUQA AMA SHAQO LOO DIRO JIRKOODA QOF WALBO OO GACAN QAAD IWMD AH UGU SOO GAMBADO,

    MAHNAHA OO DHAMEESTIRANA WAA IN AY HAWEENKU NAGU LEEYIHIIN DARAJO ILAAHEY GAARSIIYAY OO AH ,CIDAAN LOO OGOLEYN INAYSAN TAABAN KARIN, JIRKOODA, TAASNA WAA DARAJO ILAAHEY GAARSIIYAY,

    SIDA DHAYMANKU AGTOODU QAALI UGU YAHAY AYAY ANAGANA XAGEENA DUMMARKA DHEYMANKA NOOGA QAALI BADAN YIHIIN,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 9

  2. Abdinasir says:

    Markaad soomaalida fiiriso wax weyn baa ka qaldan dood wee ka dhalatay oo imaamka abuubakri la dhaho wuu ka kadlay in danbi laga galay ayuu sheegay yasir khan sidoo kale ra’iisal wasaaraha waa lofven isagana wuu kahadlay waxuu yiri waa qalad marka dood ma ahan miyaa midaas?? war personal atack hala iska daayo oo halaga hadlo mawduuca meesha yaala ama hala iska aamuso waxaan la hadlayaa kuwa maalin walba dhaleeceynta joogtada ah ka wada page ka !

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 3

  3. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 11

    • TO WARSAME HAYBE says:

      WARSAME WALAAL ADDUUN YADDA WAXAA UGU LIIDA QOFKA WAXMA GARATADA AH, ‘
      SIDUU ILAAHEY INOO SHEEGAY QOFKA AAN ILAAHEY GARANEYN WAA ” WAX MAGARATO ”

      GAALADDAAN AAD ISKA GADEYSO EE AAD ISKU DHA’DHAJINEYSO WAA AY KAA BADIYAAN SHAREECADA ISLAAMKA AH IYO INAY SAXANTAHAY WAYNA OGYIHII, LKN HANUUNKA XAGGA ALLAH AYUU KA DHIMMAN YAHAY, ADIGA IYO IYAGA IYO ANIGA , DHAMAAN TEENABA TOWFIIQDA ALLAHA INA WADA WAAFAJIYO.

      Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 3

  4. Hibo says:

    Walaalayaal qofkaan warsame labaxay in loojawaabo mahaboona marka koowaad haduu is leeahay dadkaan ku xumeen allihii abuurey baa arkaaya oo jizihiisa siin haduu jeesjees diinta ahna kawado iyaddana jazaheeda buu heli aduun iyo aakhirana maliibaanaayo. Waxaanan umaleynaayaa waaba naagtii Nabigeena SCW.aflagaadeyn jirtay qofkaan oo usoo jaajuusnimo tagtey websetkaan dadku warka isku dhaafsadaan hala taxadaro dadku soomalinimadii iyo islaanimadiiba waa ku yaraatey.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. samaara says:

    alle haso hanuuniyo dadkeenii xumaday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0