Dooda Axada: Dhalinyarada Soomaalida Sweden iyo dhibaatada ka haysata guurka

57

Barnaamijkaan waxaan soo daabici doonaa Axadkasta inaga oo ku qaadaa dhigi doona mowduucyada muhiimka ah ee arimaha Bulshada. Waa barnaamij u furan akhristayaasha Somaliska in ay fikradooda ku darsadaan oo la kala faaideysto.

Isbuucaan waxaan eegeynaa dhibaatada dhalinayarada Soomaalida Sweden ka haysata guurdoonka. Dhalinyaro badan oo aan la kulmay ayaa walaac weyn ka muujiyay dhibaatada ay ku qabaan helitaanka lamaane ku haboon oo laysku haleyn karo. Cabashada dhalinyarada ha ahaato wiilasha ama gabdhaha ayaa ah in aysan jirin wado fudud oo lagu heli karo lamaanahaaga marka la joogo qurbaha.

Wiilasha ayaa ka cabanaya in ay aad qaali u tahay in lagu guursado halkaan oo gabdhuhu ay dalbanayaan aroos aan qarashkiisa la bixin karin. Sidoo kale cabashooyinka wiilasha ayaa waxaa ka mid ah in ay adagtahay aaminaada gabdhaha maadaama qofkasta wadanka been ku joogo. Intaas waxaa sii dheer dhibaatada xaga kharaabada gabdhaha oo iyaguna culeys dhaqaale oo aan la bixi karin soo bandhigaya.

Gabdhaha ayaa ka cabanaya in aan la aamini karin wiilasha Sweden ku nool isla markaana  ay adagtahay in la helo ragg nadiif ah. Intaas waxaa sii dheer ragga oo aan dabooli karin nolosha reerkooda oo cayr ku nool.

Hadaba qodobkeena dooda ayaa ah in cabashooyinkaan ay yihiin kuwo ka turjumaya xaqiiqada guud iyo haddii ay jiraan cabashooyin dheeri ah. Sidoo kale waxaan ka doodeynaa sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka dhalinyarada ka haysta guurka…FIKIRKAAGA KU DARSO!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here