Dooda Axada: Mustaqbalka Soomaalida Sweden?

Maadaama Sweden ay dib u furtay mideynta reeraha Soomaalida. Maanta waxaan markale qaadaneynaa doodihii kululaa ee aan qaban jirnay Axadaha. Qodobka dooda maanta waxaa uu ku saabsanyahay Soomaalida iyo mustaqbalkooda Sweden.

Hadda waxaa nagula tirayaa dad cayr ku nool ah oo inta badan aan shaqeysan taasoo keentay in la dhibsado Soomaalida cusub ee dalka ku soo badaneysa. Hadaba su’aashu waxay tahay sidee wax looga badali karaa aragtida laga qabo Soomaalida? Sidee ayay Soomaalidu kor isugu soo qaadi karaan oo u wanaajin karaan mustaqbalka aan ku leenahay Sweden?

Doodu waa furantahay. Ku darso fikradaada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

31 Responses

  1. dhanka saxda ah says:

    Soomalidu waa dad runtii aan la odhan karin waa mashaqaystayaal, waayo bulsho dhan lama odhan karo waa mashaqaystayaal, ee dad waxa jira runtii fir fir coon oo shaqaysta, yaynaan isku sixin khaladka marka hore, dhanka kale, marka laga reebo dadka waawayn somalidu waxay sare ugu qaadi kartaa sumcadeeda iyagoo wax barta, kuna dadaala inay dhex galaan dadka wadanka u dhashay oo anay isku qufulin waxa hada somalidu isku qufusho oo ah ajaanib ayaan nahay, waa run ajaanib ayaad tahay, lakiin ajaanib isa soo saari kara oo macalaa meel aan iswiidhishku taagneen gari kara ayaad tahay, halagu daydo labada nin ee soomalida ah ku jira baarlamaanka, kuwaas role model halaga dhigto, hala barto wax oo yaan laga harin ilaa aad ka gaadhayso PHD holder. wsc.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  2. Raaqia says:

    ascwrwm
    anigu waxan odhan laha somalidu waa dad jecel shaqada siiba picniska
    malana odhan karo waa mashaqaystayal swedenna way jiraan dadka shaystaa oo weliba badan ee wadankii ban shaqo lahayn iyo iyagii oo aan wax walba ka shaqayn karin waayo waxaynu nahay dad 100% muslina wax yaalo badan oo muslminta kale ka shaqeyana lagama shaqayn karo
    marka waxan odhanlaha waxa inagu yar dhexgedida bulshada sababtuna waxa weye inagii ban isku xidhnayn san anigu qabo marka waxan odhan la haa madama manta wadanka ay soo gelayan somali badani aynu dhulka iska qaadno oo sida qoraxda dadka uga dhex muuqano xag dadnimo iyo xag wax qabadba * intana waa jebkayga ee waxab jimcalow fiicnan lahayd xataa inaynu samaysano gurubo u dooda caruurta somalida ee inta sii badayna qaadashadoodu iyo dad haya marka ay gaaladu soo qadato fikirkana halga soo hadlo WABILLAAI TOWFIIQ WCSWRWB

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  3. Ku dayashadu kaalin bay ka qaadataaa bulshada says:

    Waa suaal aad u mihiim ah ! waxaan qabaa fikirkayga soomaalidu waxay ku maah maahdaa (awrka hore awrka danbe sansaan qaadkiisa ayuu leeyahay)
    ama (curad reer ku filan) waxaan uga jeedaa soomaalidu waa dad isku dayda oo wanaag iyo xumaatoba iskaga dayda kolka waxaan leeyahay dadkeenii dalka ku soo horeeyay hadii aynu dedaal samayno iyo wanaag fara badan kuwa kalena waa inagu dayanayaan . laakin hadii inagoo caydh qaadanayna ay arkaan waxay odhanayaan waar kuwii inaga soo horeeyayba waa kuwaa caydha iska qaadanaya e maxaaa aniga i baacsanaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • Abdirahman says:

      asc dhaman walaalaha somalliyed mel walba ee joogan qaasatan kuwa sweden hadii aan fikirkeyga kuda kalo, somalida waa dad wax walba oo shaqo ah fahmi karo waa dad ilaah subxaana watacaa qibrat ganacsi maskaxdooda ku beeray
      marka anagu ceedh wan qaadana lkn waxa wanaagsan in aan mashruuc aan aas aasno waa in aan noqono dad bisniska wax badan ku soo kordhiya
      hadii aan 2 ama 3 ama 5 qofood aan iskugu leexano shirkana aan noqono si aan bisnis u abuurno bulshada wan ka dhaxmuuqan garnaa walaalyaal aan isku dayno in aan dhaqdhaaqaaq sameeno si magaca noo yeeray oo nooga dirmo wa bilaahi toofiiq wcs

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. Lil messi. says:

    Wan idin salamaya dhamantin salan kadib. Mustaqbalkena waxan kor ugu qaadi karna inago waxbarano. Maxayelay wadamadan an jogno qofka hadu waxbaranin wan aragnay shaqoyinka u kashaqenayo. Xata shaqoyinki xogsiga ahaa wadamadan waxay raban in ad tahay qualify. Marka waxbarashada xoga an saarno.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. hooyo says:

    aniga ahaan waxaan aaminsanahaay in aanana soomaliada ma shaqeeystayaal aheeyn lakiin dadkeena aan ku nool nahaya ayaa shaqadii cadaadis aad u adaag saaraya kala nidhagay eur waxaysan la qabin in qofka shaqeeysanaya sharuud lagu xiro afkoo kale shaqadaa lagu bartaa ugu horeeyn waxaab alagu dhahayaa labo sano cayr qaado qof la yiri labo sano cayr qaado moralki aaba ka dhintee tan labaad oo niyada naga sii dileeysa waxaa lagu dhahaayaa qasab hadadaan u aadin ´meeshaan kuu dirno lacag malihid adigii oo niydaada ku jirtay mar uun wax baro ayaa mooralkii dhulka kaaga dhacaayaa qaasatay qoladaan danbe ee aarbeer familiga la dhahayo waa wax ku dheel maah aqolo wax soo saarkeeda sareeyo meelaan wax dana kuugu jirin aa wax tiga lagaaga dhameeyanayaa hadii intii meel lagu fariisin lahaa baraagtiig laguugu cabo xitaa ugu yaraan af kaa soo baraan laheeyd ee kunbuyutar aa lagu fariisonyayaa qofkii somalaiga ahaa waxoow iska galaya facebook ileeyn mesha wax kala ugama jeedaa aniga waxaan aaminasahaya meesha labadaas sano in la kala qaybiyo ee baraatiig iyo wax barasho lookala diro why qofkii xitaa afkii wuu soo baraanaya hadii loogeeyo dadka wadankaan u dhashaay in aana shaqeeysan ayaga amas uu la ah saan qabo qofka hadii aad dhahdo ceeyr qado waa jiifaanaya a lakiin tusi in uu wax qabsan karo reer sverige somalaida ha ku shaqeeyeen oo nakala saaraa qofka shaqeeynsayaa iyo qofka aan shaqeeysaneeyn
    dadka mareeykaanaka waxaa ka jiro cawada hadaa inta seexato maanata ku darto hurtaadii jeebkaagaa ka gaareeysaadawlada sverige ayadaa rabto in ay cayr bixiso wa bilahi tawfiiq iga raalai ahaada hadaan wax qalaada qoraay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. superdeeqo says:

    Somalida Sweden jogta shaqo uma jeedan ee waxey u jeedan xaan iyo heblo maxey samesay sfi in ey dhameyan ee dugsi saro ugudban weyba ka soo hor jedaan oo waxey ku xisabtamayan ceyrta shaqana ma u jedan hadii shaqestan yaad dad u xamanaya?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. Jamaal, H, N, says:

    Waad salaamantihiin dhammaan shacabka somaliyeed iyo bahda webka somaliska.com. Hadaan ka dhiibto fikirkeyga marnaamijkaan. Hadaan nahay somali waxaa nahaysta dhibka aduunka ugu weyn, waayo somalida waxaa lagu eedeeyay in ay san shaqeysan. Jamaal ahaan waxaan qabaa in dhibka ugu weyn uu yahay dadka somaliyed oo kala Qoqoban ama kala firirsan. Tusaale ahaan dadka kurdisha ah wadankaan markey imaanayaan waxaa uga soo horeeya komunitiy ay ku midaysan yihiin oo ka caawinaaya sidii shaqo u heli lahaa iyo sidii wadan kaan ula qabsan lahaa. qofka somaliga ahna cid caawinaysa majirto hadey ahaan laheyd shaqo ama sharciga wadankaan oo dhib badan. Marka qofkii meel uu wax ka bilaabo mayaqaano cid wax u sheegaysa majirto oo dadkii xaasid ayaa ka buuxa Qabiil qabiil ayaa la isku fiirsanaayaa oo wax lagu taraayo uu san jirin. Marka Aqyaareey somali yaan lagu dambaabin. Kuwii wadanka nooga soo horeeyay xataa nama caawinaayaan waxaa dhibaaya araga somalida, Ilaahay towfiiqda hana waafajiyo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. Muma Nadira says:

    Asc, walaalayal horta soomalida waa dad ay ceeb ku ahan jirtay shaxadka iyo tuugsida, waxaan arki jiray dad iridaha dadka u soo garaaca oo leh dhar dhaqow ma rabtaa iyo god qashin, hooyoo xamali iyo qudaar iyo shaah karin ilmaheda ku korsata aawey dhaqankaas? Tan kale dad waa wada jecel yihiin shaqada su’aashase waa aawey shaqadii Swedish baa arbetlos wada ah adigoo invandare ah praktig lee waaye shaqadada 6bil kadib rajo la’aan marka dadka shaqo haloo abuuro waa la wada jecel yahay shaqada waa sharaf. Asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Falis says:

    Walalayal Asc, waxaan la qabaa fikrada mumada iga horeysa, waayo horta hala dhaho Somalida ceyr bay sugtaaye aawey shaqadii, Tan kale wadanka qof qof shaqo ma geyn karo fikrada uu qabo walalken Jamal marka waxaan leenahay suuqa shaqada horta haloo furo dadka yaan la wada eedin isku mid maahee. Wabilaahi Towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. daahir says:

    asc dhaman walalaha somaliyed iyo bahda somaliska hadi aan ugudbo fakarkeyga waxan qaba in fekerka ee qaban dowalada sweden wa mid qalad ah waxan anigu dhihi laha dadka somaliyed wa dad shaqo ee maha dad tugsi kunol ah bal so firiya uk ama usa ama south africa ama nairobi kenya iyo wadama kalo badan hadi aad tagto carabaha waxad aarkeysa dad somali ah oo ka shaqeeysta waliba kulee gobo wa weyn oo ganacsi tas maxa lo dhihi wayay wa ma shaqeyste yal cala iyo xal somalida sweden wa dad maskaxda laga heeysto qof maskaxda laga heetstana waxqabad dhab ah malaha waxan dhihi laha sweden haso indha indheyan somalida ku nool wadamada kale ok asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Yahye Abdi (Adds Abeba Etopia) says:

    Dhamaan Dadka Afkaarta wanaagsan waan Salaamayaa.
    Salaanta Islaamka As/c/w/w.

    Fikaradayda Hadaan Cabiro.
    Horta aniga waxaan ahay dadka rajaynaya inay yimaadaan swden
    Nin Dhalinyaro ah ayaana Ahay oo Da’diisu Hada Dhantahay 18-sano.

    Waxaan Rajaynaa Insha allaah In Ilaahay Noo Fududeyo .
    Horta Sida aad Wada Sheegaysaan Somali Aan Shaqaysan Ma Jiro , Inkastoo somalidu Ay Ka Faanto Shaqoyinka Hoose Taasina Waa Wax Loo Baahanyahay Ma Aha qofku Inuu Is Bah dilo.

    Arinta uu sheegay qof akhyaarta dooda ku jirta ka mid ah
    waxa uu yihdi dadka soo galaya waa inaan tusnaa in la shaqysan karo oo caydha ka gudubnaa .

    waa arin wanaagsan sxbkayoow , laakiin adkharashkaaga qaadanaya inaad shaqayo maxaa diidaya , xoogaga dowladu ku siinayso ilaahay ayaa kaaga soo qaaday wax ka dhigo adigana shaqee aniga fikirkaas ayaan qabaa.

    Hadaan ka Jawaabo Qodobka Dooda.
    Somalidu Waxay kor isugu soo qaadi karaan
    Marka hore Inay Diintooda Suuban ee Muslika Gacanta Ku Hayaan , Sidoo Kale In Dhaqanka Somalida La Ilaaliyo oo Wax Kasta oo dhaqanka Duminaya Laga Hor yimaado, iyo In Isku xidhnaandho Dhexdooda ah ay Sameeyaan.

    Waad Mahadsantihiin
    Dhamaan Akhyaaarta.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Abdulkadir says:

    Ugu horeyn waxaa muhiim ah in dadku bartaan sharciga dalka si ay u ogaadaan waxa ay xaq u leeyihiin iyo waxa laga rabo in ay la yimaadaan marka ay helaan dhalashada sweden ama ay wadankaba soo galaan iyo in ay bartaan luuqada dalka si ay ugu fuduudaato Communicationka ama in uu fahmo qofku bulshada.

    labadaas arrimood ayay ila tahay in asal ay u tahay in qofku uga gudbo in uu ku tiirsanaado cayrta.

    Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. zaki says:

    Asc dhamaan . Runtii markii ugu horeysay aaan wadan Sverige ku cusbaa wax yaabha igu yaabka badanaa ama an arko waa shaqa la,aanta dhalin yarada somalida .Runtii taasi wax ey ku tuseeysaa in qofka cusub oo niyad jab ku yimaada iyo dhali yarada inta badan o kugu guubaabineysa in aad shaqeysan sababtuna tahay WAR HADII AAD SAHQEYSA IYO HADII KALE WAA ISKU MID WAX KA BADAN WAX LAGU SIIYA MA SOO SAREYSID , Runtaa meesha waxa ka baxayao qof hadii uu shaweeysa in uu sharaf yeelanayo . ok su,asha tagan waa maxay xalaka . ANIGA XALKA MID AYAAN U ARKAA TAASOO AH IN MARKA HORE LA GORDHIYA URURADA BULSHADA AMA WACYIGALINTA AMA SAMINARADA IYO IN LA HELO XAFIISYADA SHAQADA MA XAFIISYADA DOOLADA IN EY KA DHAX MUUQDAN SOMALIDA , si somaliada egu fududaato xarir ey la leyahiin xafisyada doolada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. NASRA ÖSTERGÖTLAND says:

    bismilaahi raxmani raxiim waxan u madanaqayaa allaha raxiimkaa ee na kulmiyeye dhanaateen kadib waxan salaamayaa walaaha somaliyeed ee muslinkaa asc maka xiga waxan alle ka baryayaa inuu dhibaatada naga qaado dalkeniina naba iyo shaftii an lahahayn ku soo celiyo amiin hadan u soo labto mustaqbalka swedan iyo somalida runtii angu hadaa nahay somali wan ka fanaa kana yaqyaqsoonaa car ama dawarsi lakin dani ninkeed ka adag swedane waxan leyahay aad ayeey u madsan tahay maka waxa nala gudboon madaama aanahay shacab ku soo biiray swaden inaan kor isku soo qadno shaqaysano bulshadan aan ku soo biirnay aan wax ku soo kordhino waa måste ganacsiga ha ahaadto ama shaqooyin ha ahaato hada waxii ka horeyeye wan niyad jabsanayn oo waxan ahayn dad dareemaya dhibaato wayn oo ah familada naga maqan lakin hada waxii ka danbeeya waan dadaalaynaa wana abuuran doonaa shaqo insha allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. från sverige says:

    asc all somali weyn salaan kadib.

    aniga cabirkeyga hadaan cabiro sweden horta ma ahan wadan ay dadku hor mar ku gari karaan iyagoon aan shahaado haysan iyado markasto ay jirto cusurunimo iyo faquuq marksto nalagu hayo kuwii aan wadankaan ku dhalnay iyo aniga naftrikeyga ayaa kuwa ial shaqeyo igu dayaan faquuq meeshan mana lahaan qofka hor mar u kaligiisa gari karo hada ajaanibka markey sweden imanayaan sida ciraaq ama wadamada kale sida suria waxey haystaan lacago aad u faro badan isla markiin waxana galaan baycumushtar laakiin somalida maxeeyba haystaan ninkasto asoo faro maran ayuu yimadan halkaan ma ogi hadii baska oo kale ama taxi ahaan rag ka shaqeynayaan taasna lacag faro badan ayaa galeyso waana magalda weyn manta meesha ay shaqo ka jirto wey adag taahy nin tulo dagan su ku shaqeyo hada aniga stockholmn ana daganahay 100%75 dadka wey hsaqeystan wax ceyr qato wey ku yar tahay somalida dadka cusub oo hada s f i yada dhigto moyeee dadkii imaday 2000 waxii ka danbeyaya ilaa 2004 2006 intaas dadkii swen soo galay wey hsaqeystaan manta iyagaba basaska iyo waliba taxida wado manta hablahana ka shaqeyo mel kasto oo shaqo gabar qaban karto ay taalo marka nolasha sweden si aad kusoo gasho waxey rabtaa waqti dheer iyo fahan badan ma sahlano aniga sweden intaas ayaan ka arkay ana ka sheegayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. Samsam says:

    Ilaahy wadankeeni ha ino hagaajiyo.Somalida badankoodo wadnahooda meshan ma siyaan oo mid kasta wuxu ku hamiyeya inu dhulkii hooyo ku noqdo.Wadankaaga ayaad sharaf iyo maamus ku leedahy oo wado kasta lagugu yeeria ina hebel.Dhul qurbo waliga waxaa laguu arki uun, invandrare oo lacagti skatka ku nool.Inshallah khayr, meel kasta ood joogtid ilahaa ha ku xindhno.Isaga gacanta ku qaban oo ku hagi.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Aden says:

    Mahadsanid jimcale.
    Waxaa fiican in aanu samayno 5 arimood.
    1 in aanu ka muuqano meelaha wax lagu barto sida iskuulada xirfadaha, jamacadaha, iskuulada hoose iyo sare.
    2 in sfi lagu dhakhsado oo aan layska dhexfadhin sfiga oo aan lamoodin waxbarasho wayn.
    3 qofkii aqoon leh in uu shaqo raadiyo una dhabar adaygo waayo wax aan loo rafaadin lama helo.
    4 in aan isdhiiri galino oo intii isku meel daganba aan wada xiriirno oo boorka layska jafo niyadana laysu dhiso dadaalna lamuujiyo si bulshada looga dhexmuuqdo loona soo celiyo mageceenii lumay.waxaa jira dad niyada dadka ka dila oo mudo wadanka joogay ee fadlan kuwaas waxba haka dhagaysan waayo waxaa fiican in aad noqoto ujeedo leh oo waxbadali karo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. qanciye says:

    dhab ahaanti somalidu waa dad fir fircoon dhanka shaqada taas waxaa cadeeynayano wadamadakale oo shaqada leh sida uk iyo norwey weey ka shaqeeystaan ee dhibaatada jirta ayaa ah in sweden laheeyn shaqo waayo dadki udhashay ayaa u shaqotago wadamo kale sida norwey sidaa darteed hadii aytahay goob shaqo somalidu weey ka shaqeeysan laheeyd

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. bashka hamid says:

    walaal asc

    waa dood fiican oo inoo taala dhamaanteen ,aniga waxan qabaa kow
    dhamaanteen afka ayaan ka hadalnaa laakiin ficil waa inagu adagyahay ,ta labaad waxaanahay dad muslim ah , madow , islamarkaana kayimid wadan aan sumcad aduunka kulahayn oo burburkii wadankooda halkani layimiday oo wadankaninina kii xataa aqoon lasoogalay uuna sheeganin oo dhamaan intabadani ay yihiin jaahil sidaa awgeed waa kuwa imanaya waa generation soo socda laakiin kuweena taagani waa inaan qof waliba halkiisa ka dadaalo gar ahaan dumarka soomaaliyeed sumcada ha usoo ciliyaan soomaalida ragii waxay noqdeen kuwa halkani wadankii waxa socda kaga mashquulsan ee dumarka ha lagu dadaalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. wadani says:

    soomaali hadaan nahay wax jiro maahin waxaan u badannahay dad aan mustaqbal laheyn kana fakareynin mustaqbalkooda dalkaan, ee waxaan ku mashquulsannahay Qaad iyo Qabyaalad, taas oo naga reebtay dunida inteeda kale, waxaan idiin sheegayaa inta aan kujirno xaaladaas shaqeysan meyno wadankaana waxba ka soo saari meyno.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. dhrbaaxo växjö says:

    asc walaheyga somaliyeed aniga hadan fikirkeyga dhibto somalaida mahan dadmashaqestayaal ha ee shaqda wadanka ayaa aha mit xirxiran wayo somaliada jookta siwedan kaliya ayaa kulidato shaqada maxaa keney taas shaqada swedan ayaa ha mita at uadag hadansoqatosoamalida jokto wadamada sida UK canada USA danmaka norwey washaqestaan ki ka imadey tuulo iyo ki ka imadey magalada jamici aha haadee washaqestaan maxakeney inswedan kaliya ayaa atkeysey shaqada waxa eykutakeysey aqoon aqnoti dadbartey wajogan hadana waa kuadakta hay iney helan shaqada hadii ey heleena inta heshey wayarta hay mrka aniga waxan qabaa somalida mahan dad anshaqeysaneen ee wax walba ee wadankan aya adak marka aniga waxan qabaa swedan nimaka shaqada waxa haka badsho oo dadka hausahalto iney helaan shaqada tasaa lgabaxaya waxa waliba intaka sokeyso maqaysikaro inta eynoqoneyso wabilahi tow fiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Jimcale-Assad says:

    Su aasha waxey tahay Sverige ma fududahay sida shaqo looo Helo ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Run sheeg says:

    Assalaamu caleykum.
    Salaan ka dib waad mahadsantihiin intaa ka dib aqoonta ayaa iyo xirfadda ayaa qofka iyo mujtamacaba meel gaarsiisa, haddaba soomaalida dhibb ayaa gaaray labaatankii sano ee u dambeysey, dhibkana waxaa dhaliyey isku dul noolaadkii ay soomaalidu isku dulnooleyd, waxaa dhici jirtay in hal qof ay usoo wax doontaan labaatameeyo qof oo meelo fogfog uga yimaadda dartiis maadaama uu magaalada degganaa meelna maamul ka hayey markaasuu wax u xaday dartood ama laaluush qaatay markaas ayaa mujtamacii iyo maamulkiiba fasahaaday, dadkuna meeshii ay ka shaqeysan lahaayeen wey is shaxaadi jireen.
    hadda halkaan swden shaxaadkii oo sharciyeysan ayey ka heleen, mana rabaan dhib iyo shaqo lagu dhidido in badan oo naga mid ahi.
    Carruurteennana waxaa jaamcadaha ka waddanka ka aada 6% afarkamid ahna waa gabdho sida ku cad warbixin sanadeedka ajnabiga Swden deggan iyo heerka waxbarashadooda.

    Haddaba: MIYI KU ROON AYAA MAGAALANA KU ROONe Soomaaligii waddankii ku roonaa ayaa halkanna ku roonaanaya ficiisna wax la qabsanaya, kii shaxaad ku nool ahaana Ceyrtiisa iyo shaxaadka ayuu ka duceynayaa. aakhirana qofba wuxuu geysto ayuu helayaa Soomaalidase lagama yaabo inay meel gaarto inta ay fikirkeeda beddeleyso oo ay hadaf yeelaneyso, DADAALAA WAA GAAARAA DOONTE MAGACIISUNA WAA HELE
    .
    MAHADSANIDIIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Run sheeg says:

    Haa wey fududdahay in Sverige shaqo laga helo laakiin waxaa ka horreysa in markaadii hore aad xirfad laheyd ama aad halkan Sweden aad xirfad ka sameysatay , macnuhu wuxuu yahay MAXAAD TAQAANNAA, ayaa kaa soo horreysa waana i tusi oo i taabsii, markaan wax soo bandhigi weynay ayaan niri waa nala cunsuriyeeyey. waxaan garanayaa dhallinyaro badan oo Jaamacadda Muqdisho shahaado kala yimid oo xirfaddii ay jaamacadda ku dhigteen isla markii ay ýimaaddeenba shaqo ku helay, iyaga oo aan waqti ka lumin. Soomaaligii farsama yaqaan ahaana waa wada shaqeyaan, shaqo ayaana sharaf leh shaqaaluhuna waa sharaftii dhulka sharraxeysay.
    mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Jumbur ciridey says:

    asc wa ay fududahay in shaqo laga helo sweden, waxay u baahan tahay dadaal dheeri ah iyo firficooni , iyo inaad heesato xirfado badan aadna aqbali karto shaqo kasto oo aad hesho iyo meel kasto oo aad kahesho aad ku noolaan karto.
    hadii aan nahay somali waxaa naheesato dhibaatooyin badan,
    1. Luqada sweden xoggaa masaarno waana furaha shaqada.
    2. Shaqo diinta naga reebeeso ma qadan karno waayo waxaan nahay dad islaamnimada ay ku wayn tahay
    3. Waxaan ahay dad dhibka neceb
    4. Waxan nahay dad xirfado badan aanan aqaanin, diyaarna u ahayn hadda inaan barano, waxana u aragnaa lugoosmo
    5. Waxaan nahay dad ay xisaab tanka aad ugu dheereeya , waxaan ula jeedaa ninka iyo naagta is aqabo ilamana leh hadii uu shaqeeyo ninka waxaw fiirinayaa inta soo galeeso marka uushaqeeyo iyo inta ay siiso ceerta hadii ay isla ekaadaan waaba iska dhafayaa shaqada waayo waa daal cidlo ah.
    somalida oodhanna ma ahan sidaan ee qaar abdan oo shaqeesto ayaa jira

    Gabagabadii
    sidaay ila tahay 20 sanno kadib shaqo ayaa la helayaa waayo dadkayna waa wayn waxay noqonayaan duqooshin shaqo badan ayaa meeshaas ka soobaxeeso anagaana isku shaqayneeyo hadii Ilaah yiraahdo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Osman says:

    sww
    wa a in la dadaalaa, qofwalbana waa inuu xirfad yeeshaa marka u dambeysa waxay noqoneysaa in aad qaabisho wixii aad qabankartid, runtu waa sidaas
    macno malaha in ceyr joofta ah la sugo
    salaam

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. abdullahi says:

    Waalidku caruurtooda ha kula dadaalaan wax barashada taas ayaa mustaqbalka dhaw keeni karta inay ilmaha ama jiilka soo socdaa ku shaqeystaan wixii ay barteen, …soomalidana ha iska daayaan shaqóoyinka qaar ee ay ka faanayaan, taas baa keeneysa in ceyrta la wada qaato.
    hadii aadan wax baran karin xitaa baro farsamo si aad ugu shaqeysato.
    shaqo ayaa sharaf leh!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. ayaan says:

    may jimcale ma fududo in sverige shaqo laga heelo siiba tolooyinka ani sweden mudo ayaan jogaa wan kasoo shaqeyay meesha wayeelada donta vikinline hotel tarenada la nadiiyo dukan dharka ispitalada meesha lagu shaqo waxaan ahaan u maleynayaa nagta ogugal galka badneyd san isku heysto luqada sweden 2sano markan joogay wan ku gabyay ay waxaana igu wacnaa waxaan lasheekeysan jiray ajaanibk iyo dadka wayeelka ah baraktiga ayaan adi jiray iyo skulka isku mar aniga joogo magaalo weyn oo mantasida shaqada u buxdo sweden u jirin manta socoilka ceyrta ku siyaa ku dhahaayo shaqo kenso 100%75 anaa ku sineyno kuwa aad shaqada ka hesho ha bixiyaan kaliya 100%25 marka< si kastaba ha ahaato all somali weyn ka kaca fadhiga la imada shahaado noocey rabto ha noqoto nadafada xitaa shahaado ay rabta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • salmaa dahir says:

      asc wr wb dhamaan walaheyga soomalida mel walliba ad jogtan salaan qaali ah ayan hawada idin soo marinaya aniga hadii an fikir keyga ku darsado sidey wilashi iga horeyayba shegeen wa muhiim in la sameyo gudi ka ilaliyo caruurta dayacan ee walidka dayacen ee somalida ah oo islamka ah masha allah aniga waxaan qaba in arinkaas oo hada laga dhawajiyay si fcn loo tix raaco

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Nuur Surcad says:

    A-c… Aniga rayi ahaan wadankaan dadka ugu liito ee manta ku nool waa Somali ayaan dhihi karaa marka aaynu ka hadalno runta maxaa yeelay waxaad arkeysa dad ku leh meeqo sano ayuu kommun wax i siinaya xafiiska shaqada meeqo ayaan ka qaadan karaa social marka aan u gudbo meeqo ayaan helayaa.. bis mustaqbakooda waxeey ku soo kooben 6700 Kr kuma xisaabtami kari inta uu sanad sugaayo ka badan in uu ku shaqeeyn karo 4 bilood plz walaala aan luuqada barano waa furaha 1aad wadanku waa is fur furayaa intiisa kale…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0