Dooda Axada: Saaxiibkay ayaa iga dhalay!!!

Waa markale iyo doodii kululeyd ee aan qabanjirnay Axada. Maanta moowduuca aan ku soo qaadan doono waa mid adag oo runtii aan wax badan ka leexday balse markii dambe aan go’aansaday in haddii inagu aanan ka wada hadlin in naloo hadli doono.

Qodobkaan ujeedkiisa ma ahan in la cambaareeyo gabdhaha Soomaaliyed ama ragga balse waa in laga doodo mowduuca oo laysku keeno fikrado ku saabsan sidii looga bixi lahaa dabeecadaan ka soo horjeeda diinteena iyo dhaqankeena.

In labo qof oo xalaal isku qaba ay guurgooda qariyaan arimo dhaqaale owgeed waa mid runtii la dhihi karo waxay ka mid tahay cuqubooyinka naga haysta qurbaha. Sanadkaan bilowgiisii ayay ahayd markii Norway ay xabsiga dhigtay dhowr famili oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay in ay dhunsadeen lacag gaareysa 800,000kr ka dib markii ay mudo sanado ah lacag ku qaadanayeen caruurtooda oo ay sheegeen in aysan aabbe lahayn.

Sidee ayaa lagu aqbali karaa in gabadh xijaaban oo 5-ta salaadood tukada ay ajaanibta u sheegto in caruurteeda ay ku dashay xaaraan? Sidee ayaa damiirkeenu noo siiyay in aan wacaleyno caruurteena ku dhalatay guurka xalaasha inaga oo raadineyna dhowr karoon oo dheeraad ah?

Doodu waa furantahay…..

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

60 Responses

  1. abdi wahaab haaji says:

    waxaas hadii eysammeeyaan umada soomaliyeed waa wax xaaran aha lacagtaasna waa xaaraan khadcan ah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

    • Faraska says:

      Waa ayaan darro in xoogaa shilimo ah la dhaafsado diinteena wacan…ilaahow xaqa nagu hanuuni…aamiin

      Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

    • samiira says:

      asc dhamaan asxaabta walaal waxaan halkaan ka cadeynayaa in lacagtaas ay tahay mid xaaraan ah xaaraantaas oo caruurta kasoo bixidoonto soomali badan ayaa isweydiiso toloow caruurta maxaa iiga dhacay halkee habaarka iiga yimid eleen ma ogo in ay cuneyn lacag xaaraan ah marka walaalaha qurba joogtaa waxaan usheegaa in aysan waxba u tareen lacagta saas ku soo gasho kafogaaw walaalkeyga muslimka ahoow ka fogaaw walaasheyda muslimada ahey waa iga dardaaran walaalayaal dhamaantiin waana ku mahadsantahiin ascwr bw

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. mohamed xabiib says:

    asc jimcaale arinkaas waa mid tagan balse waxaan kula talilahaa in eey iska dhafaan gabdhaha walalahen ah maadama eey tahy mid deenteena ogaleen in ilma lagu dhaly xalaal laga dhigo mid wacal ah wlh aad ayaan kaga xumahy balse waxeey xalka ku juraa in somalia nabad loo helo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. rashka says:

    a.s aqyaarta dhamaan waxan filaya arrintaa waxa keeni karo labo arrin midkod waa tan kowaade in ay dadkaas dhaqaale doon yihin taas oo aan dhihi karo wax fican mahan,laakin waxa jirto in nin naag qabo uu mid kale damac ka yeesho ama waxyaabo kale oo aan wada ognahay somalideena inaan sameyno lakin aan ku habooneyn in halkaan lagu soo qoro arrimahaan oo kale,aniga shaqsiyan uma arko wax dhib ah waayo daruuf ayaa keentay.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 7

  4. Shariif says:

    Asc dhamaan somalida melkasta oo ey jogaan wan idin salamayaa
    Mowducaan waa mid jira oo wada hesta somali mel kasta oo ey jogaan inkastoo ey ku kala duwan yihiin lkn benta ey shegayaan wey isku wada qabaan waxana u geyey duruufo hadii an ka firino dhinaca diinta waa mid xaraan ah
    Anigu waxaan ku nolahay saudi arabia waxan la yabey dadka ku nool wadankaani %90 waxey ku socdan magac aan magacoodi aheen ma jiro hal famil o isku magac ah
    Sikastaba ha ahaayee somali benta wey u wada siman yihiin inkastoo ey kala darantahay
    Hadaba dhibkaan wan wada ognahay waxa keney ducada inoo badsha ilaah wadankeena ha inoo tosiyee taas ayana loga bixi karaa dhibkaan
    Wad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. hanad says:

    asc dhamaan asxaba wabka iyo inta soo boqtaba wan idin salamay salanta muslinka asc wr wb waaa muduuc aad u wanagsan runtii waxa laga hadlan eey tahay waa dhibata heysata somalida iyagoo ku dhashay dintena sharafta leh islamka in eey sidaan u dhaqmaan waa wax lala yaabo danti nagala lahaan waa la garay madama adiga muslin ah aad ledahay xaraan weyan caruurtedu waxa caruurta eey u baa ba eeyso u halabeyso waa tan hada aanu ku jirno war lacagi wax tarimeyso ku wana qata carurtina sii halabeyso si marki laa fiirshan anigu waxaan qabaa caruurtaa oo dhan waa xaraan labada walidna iyaga ayaa masuliyadoda iska leeh haduu ninku keen iyada wey diidi kartaa
    walahi ku leel iyo ogool ayaad ku jireysaaan ee wax kale kama faa iideysaan ilaah ka baqan oo oo laadiina u naxa walalyaal walahi waad ka shalyesaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Khadija says:

    Asc dhammaan asxaabta wabka somaliska, intaa kadib waxan rabaa inaan fekerkayga ku darsado arrintan aad ka hadasheen waxan idinku raacsanahay ineysan ku fiicneyn dhaqan iyo diin midna ee ay tahay arrin aad iyo aad u fool xun oo weliba ceeb aduun iyo cadaab aaqiro lagu mudanayo.
    Waxan kula talin lahaa familada soomaalida ee qaabkaan u nool iney bal dib u noqdaan arrintaan foosha xun. Markaad tahay qof muslima waxaad safiir u tahay diinta aad sheeganayso waana iney is waafaqaan dhaqankaaga iyo diintaadu, haddii ay iska hor imaanayaan waa wax laga yaqyaqsoodo.
    Waxan sheeka ku maqlay in gabar soomaaliya oo xijaaban uu balamiyay nin haanleegar u ahaa markay u timidna uu salaan usoo taagay ayna ku tiri diinteydu ma qabto inaan ku salaamo, ninkii haanleegaraha ahaa waxaa u cuntami weyday diinteydu ma qabto inaan ku salaamo hadana ilamaha aan dhalay waxaa iga dhalay saaxiibkeey oo wax nikaaxa kuma dhalan. Bal Allaan idinku dhaarshee sawir amase shaabad noocee ah ayay gabadhaani ku dhejisay dadka haysta diinta islaamka.
    Lacag yar inaad siisataan sharafkii iyo karaamadii diintiina, tii shaqsiyadiina iyo tii dhaqankiina.
    Ugu danbeyntiina waxaan dhihi lahaa iimaanka Allaha geliyo inta ku sugan arrintaan Allahana soo hadeeyo.
    Culumada soomaaliyeedna waxan ka codsanayaa meel walboo ay joogaan iney arrintaan u istaagaan oo ay dadka ku wacyi geliyaan, ogaadaana cilmigii uu Alle idin baray inuu idinkula xisaabtami doono maalinta qiyaame hadeydaan gaarsiin kuwa jaahilka ka ah.
    Mahadsanidiin.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  7. mahamud says:

    Asc, walaalayaal mowduucaani waa mid aad noo saameeyey, lkn leysma weydiin waxa sababay iyo cida bilowday iyo weliba sidii uu ku yimid, intaasoo dhan waxaa aad iyo aad uga weyn maadaama aan nahay dad islaama maxay diinteenu ka qabtaa? dhaqaalaha lagu helay laftirkiisa diinteenu maxay ka tiri? sida aragtideyda an arrintaani ma aha mid u baahan dood ee waa mid u baahan sharcigeena islaamka waxaana anigu qabaa haloo bandhigo culimadeena waaweyn ee aqoonta u leh.
    xalaka keliya ee aan u arko in lagu xalin karona waa in dadku ogaadaan geeri ka dib in xisaabtan jiro oo dadkeenu diinteena macaan ee wax walba ka hadashay ugu dhaqmaan sida ay tahay.
    Wabilaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Abdilatif says:

    Asc…. Runtii waa arin aad uwanagsan in laga hortago arinka waayo diin iyo dhaqan toona uma lihin dad muslim ah islamarkaasna arinka samaynaya

    Anigu waxan qaba waxay somaliya nabad la noqon la dahay waxa sabab u ah arinkaas, waayo lacagtaas xaraanta ah ayaa loo diraa somaliya.
    Caruurtay dadkaasi korsanayaan ma noqon donan ku waalidkood ubaari ah ,intaanay arintu faraha ka bixin waa in la sameyaa wacyi galin sidii arintan wax looga qaban

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  9. qurba jok says:

    a s c dhaman marka xigta wan bahanahay baqti loma cuno ayado an dhihi karo bahi herkas ah maba ka jirto mesha mida kale arinka ah ka warama in u nin dhaho hayadi wa xaskeyga si logu keno yurub cml iyo gabar abahed dhaheyso wa nin keygi si logu keno yurub ?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. bishaaro says:

    Waxaa mahad gaara leh Allaha na abuuray subxana wa tacala waxana sharaf leh nebigena maxamed salalahu caley wasalam . waxaan aad ugu mahad naqaya walalkeen . Jimcaale oo aad mododo in uu somaliada barayo sida loo doodo oo aan ku jirin is xejin iyo kala dhaqaq. Intaas ka dib arintan way dhacada dad xata ka dhiibanaya figradada waay so martay . Sidaas darteed miyasan haboonen in arintaan la isku sheego. In aay masuul ka yihiiin ragga waayo? Aan sas u idhi asaa ah Abbaha reerka marku xaaskisa guursanayo intuu aqal geeysan ha so maro skattgift ka dibna ha wada dalbadan guri. Markaas reer walba sas haddii u sameeyo ma dhacayso dhalcayan ama ceeb u timada magaca Somaliada.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. omar says:

    asc dhamaantiin illaah baa mahad iskaleh ugu horeyn somalida oo idil ayaa baadi ku sugan ee illaah hasoo hanuniyo waayo inta shaqeysata oo dhididkoda cunto mooyee inta kale ee k nool ceyr waxan qabaa waxey qaataan oo idil waa xaaraan sababto ah markaad dib u fiiriso asal ahaan halka ay ka timid lacagtaas waa mid iska cad wadanka aan ku nool nahey had iyo goor indhahaagu waxey qabanayaan haween qaaqaawan haween lesbian ah oo isqaba ama rag isqaba ayaa deris kula ah hada waxan ka doodeynaa arinta cunugaaga oo aad inkirto balse beri waxa imaan doonto mid ka daran tan hada taaganm illaah baana kamagan galeynaa hamoodin in aad ka aqli badan tahey gaalkaan aad la nooshahey ee wuxuu kuugu sii baadiyeynayaa wadada uu asaga ku taagan yahey ee ah diin la aanta waana sababaha laguugu sahley inad wadankooda timado illaahow somalida iimaankooda usoo celi aamiin aamiin aamiin wabillaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. Amin says:

    Bismilaah. Aniga waxay iila muuqataa arintaasi mid ku danaysi iyo dhadhamo loo samaynayo oo aan laga fiirsan dhibta ka imanaysa Aduunyada iyo Aakhiradaba. dadka ku danaysanayaana waa laba nooc ( group) groupka ugu horeeya ugana badan ee xaaladaa ku dhacaa waa dumarka ama gabdhama somaliyeed danta ay ka leeyihiina waa in ay lacag helaan oo ay Dubai ama Qahira iyo Nairobi guryo ka gataan ama ay qoyskooda intii ka hartay soo dhoofiyaan. Qolada labaadna waa raga xaasaska badan qaba oo raba in ay wax kala qariyaan. labadaas group waxan ku waanin lahaa in ay Ilaahay ka cabsadaan oo waxa Ilaahay siiyay ay iimansadaan umada Somaliyeedna ceebta iyo magac xumada ka dhaafaan.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. Raaqia says:

    asc
    wad salaman tihiin
    arintan manta kawanka saran
    ragana looma xisbayn karo dumarkana loama nisbayn karo waayo aniga say ilatahay waa aduunyo doon dad araina ku kacaya wee xalaashoodii xaranka isga rogay waxana la yidhi nin soorikaqaday waa nin seefikaqaday
    markan odhan laha waxaynu nahay dad diinleh marka arinka yan meelwalba meel walba gacadanta la gelinin waxa la yidhi dhidar xabala qodbadan qudhunbuu uga dhaca

    wax walibana waxay ku xidhan tahay isfahanka 2 qof ee isqaba iyo siday rerkoda u dhaqanlahayen
    marka wax yar oo aduunyo ah aakhirana haku segina aduunkiina ubadkiinana gaalo tacagnta ha u gelinina ee lamanaha soomaliyedow shafarta diintiina iyo tiinaba hala illaaliyo
    WABILLAAHI TOWFIIQ

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. maxamed aamiin says:

    asc dhamaan rag iyo dumarba waad salaaman tihiin, salaan ka dib waxaan idin lee yahay horta waxaa ina heys ta waa xaaraan ta aanu cuneeno habeen iyo maalin waxaa muhiin ah in waxa la sameenayo marka hore laga fiiriyaa dhinaca diin teena fiican hadey raali katahay waa la sameen karaa hadeysan rali ka hena waa laga cararaa taasina waxeynu ku liibaaney naa siduu ilaahey inoo sheegay, waxaa kaloo jirta dumar keena fiic fiican waxa waa laya waa rag , ragoow dumarkeena ka fikira oo ha ka yelinina hadey hadey sheekoo yin kaas oo kale idin keenaa,mow duuca hadan u soo jesto waxaan ka qabaa fikir keygu waa xaaraan cad lacagtaas lagu qaadanayo in caruurta la wacaleeyo, subxaanalaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. shekhuna says:

    A.W.W. salaan kadib waxaan leeyahay arintani waa arin jirta. markaan qiyaasone waxaan is leeyahay boolkiiba 70 oo qoysaskeena soomalida ah in ay sidaasi kuwada noolyihiin, yacni “separate” ama waan i furnay in ay ku dhahaan dowlada.
    horta waxaan u arkaa arintani in ay tahay arin foolxun, oo xitaa damiirka diidan, i ay gabadha muslimada ah tiraahdo canugaan saaxiibkey ayaa iga dhalay, ama ninkeygii horey ayaan hal mar isla dhaxney.
    marka dhanka diinta ama dhaqankeena aan eegno arinta waa arim xaaraana ah, oona foolxun.
    marka ani waxaan dhihi lahaa walaalaheyga soo maaliyeed in ay Allaah ka baqaan oo ay iimaankooda sugtaan. maanta daruuf inagu qasbi karta in aan xaaraan cuno majirta.

    mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. Sogalooti says:

    ASC HORTA WAXAAN SALAAMAY BAHDA WARGAYSKA SOMALISKA MARKA XIGA DHAMAAN MUSLINTA OO DHAN WALAAHI HADAAN KA HADLO HORTA RAYGAYGA WAA HADAL WANAAGSAN LA,ISNA WAYDIIYO IN CARUURKU DHALATAY XALAAL LAGA DHIGO XARAAN WAANA NASIIB DARO INTEEDA LEEG TAASO WADA HAYSATA UMADA SOMALIYEED MARKAA WAXAA KU TALAIN LAHAA WALAALOYALAW HORTA DHAQAN SOMALI WAA LAGA TAGEE DIIDTIINA WAAD KU DATEENE ILAAHAY WADADA TOOSAN HA INA TUSO AAMIN AMIN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. aadam says:

    dhamaan waa inii salaamay aqayarta mesha iskuuku imaaday aniga waxaan qabaa in leeska daayo waayo haduun iyo aaqiro labadaba waxba kama dhayfesid marka aan kafikirno aaqiro aduunkana aan ku yeelano mustaqbal fiican aana ku raadsano wax xalaan inoo ah aana kadheraano waxa xaaraanta ah in taas ayaa ku darsanaa wasalaamu calekum waraxmatulaahi wabarakaato

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. jiijo says:

    Asc walaal dhamantiin wan idin salamey arin waa mid diinta islamka looga baxayo.hase yeeshe dhamanten wan ognahey hadan qof dhaheysa malaha alla sida ma moodeyn ee waa inaan ka wantoobaa oo aan u noqonin.laakiin sheydanka ayaa wax u macneynaya oo dhahaya lacagtan waa yar tahey ee sida ku dhaqan.ma moogtahey in ay lacagtas xaran tahey ilmihiina xaaran yihiin,sow uma baahnid inaad sadaqo la baxdid ama xaj aado side kuugu suura gale inaad taas sameyso waxa aad heysataba waa xaarane,war illahey ha laga baqo aduunyadana inad ka tageyso ku xisabtan. waxan kaloo leeyahey dadka sida sameynaya salaad sax ma tukadan hadii ay salad sax tukadan salaada waa tan waxa xaranta ah kaa celisa ee salaadiina saxa marka hore waxa xun iyada kaa reebeysan iimankana waa ku galaya.wabillahi towfiiq,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  19. cawale says:

    A-c

    Jimcaaloow aniga waxaa la i dhahaa Cawale doodana waan aqriyay oo waxaa ku qoran sadar ka mid ah qoraal ah SIDEE AYAA DAMIIRKU NOO SIIYAY INAAN CAWALEYNO CARUURTEENA KU DHALATAY GUURKA XALAASHA INAGOO RAADINAYNA DHOWR KAROON OO DHEERAAD.
    Waxaan filayaa ruuxii magaciisu uu yahay CAWALE, Inuu wax badan dareemi doono waayo waxaa shaki ka galayaa in isku macno noqonayaan WACALEYNO IYO CAWALEYNO, waxaan rajaynayaa in hadii aysan saas aheen meeshaas la badalo oo laga dhigo WACALEYNO, waayo waxaa hada shaki iga galay magacayga ah CAWALE= CAWALEYNO, WACAL= WACALEYNO, FIRST NAMEKA INAAN ISKA BADALO AYAAN KU SIGTAY SAAKAY LAAKIIN QAAMUUS SOMALI AYAAN KA EEGAY ISMA LAHAN LABADAAN KALMAD.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

    • Jimcale says:

      KKK iga raali noqda inta magacooda cawaale la yiraahdo..sida muuqata waa qalad xaga qoraalka ah , hadana waan saxay.

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  20. Khadija says:

    Asc, Walaalkey waad iga qoslisay si kal iyo laaba weliba u qoslay.
    Hadaan isku dayo inaan kuu macneeyo ereyga ama magac Cawalale waxuu afsoomaaliga ku yahay Nasiible, marka magac fiican ayaad wadataaye hayska beddelin kkkkkkkkkkkkkkkk.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  21. Khadija says:

    Aniga qalad xaga qoraalka ah ayaan galay siddii Jimcaale oo waxan meesha ku soo qoray Cawalale raali iga noqda waxan ula jeeday Cawaale.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  22. maryama says:

    ASC aniga wanka soo horjeeda arinkaas waa wax an sharaf noo ahayn hada nahay soomali fadlan iska daaya soomaliyey wax yar oo qarash ah caruurtina haku inkirina..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  23. الله أكبر says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 8

  24. osman says:

    wlh arinkaan waa mid jiro waxaan kula talin lahaa in eey ka waantoowan dhamaan wax yaalaha ukeeni karo diintaada iyo dhaqankaada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  25. Princes haji ganta says:

    Dhaman waad wada salamantihin bahda somaliska iyo asxabta kadhiibatay fikir kiina saliimka ah ok aniga fakir ahaanteyda arin kaa waa arin laga xumaado qof muslim ah inuu ku iib sado sharaf tisa dhor karon waa damiir xumo iyo dullinimo marka waxan leyahay dadka sharftoda iib saday hadey ugeysay aqondaro iyo jaahil nimo waa in dadkas loshega dentena waxa ey ka qabto wsc wr wb

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  26. yeeene says:

    marlay waxan u arkaa arintaas hadii wdanku fursado shaqo lahaan lahaa oo ay waalidku wada sheqeenlahaayen inaysan saaas ahaateen.
    Laakinse aniga waxaan qabaa hadaa labada qof ee is qaba aysan iimanfiicanlaheen waxaan ufiican inay kala qoraadaan waayo waay is dagaalayaan marka dhaqaaluhu is dhimo oo ay yeeshan hal konto.
    Waxaakale oo aan qabaa inaan Sweden kusoo qaldanay oo ay Sweden tahay wadanka ugu cunsuri san xaga shaqada markaan fiiriyo iyo xaga dhaqaalahaba.
    Takale arintan kala qornaasha ah waxa wadada noo xaadhay Swedhiska laftooda oo an sixiyay inlakala qoraado oo aku noolyihiin bulshada swedan kunoosl inata badan…..ee aniga malayaabayo sharci ay ansixiyeen oo ay kudhaqnaan indad lagu ceebeeyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. Ahmed says:

    Waa arin aad iyoo ad u xun somali sas xaq mahan ee is baba qabta qof shaqesan karo o ilaah lixdisa lixad u dhamestiray maba ahan inuu ceyr iyo wa lamida ku fakaro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  28. nabiil hashi says:

    ha wlhi wax xarana inad sas isu raciso wa laga haboonyahyba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  29. Najmo says:

    asc xasbunalaah somali wey qaribanyihin inyar mooye ilah ha so hideyo lacag aye ka dorten dinta islamaka ilmahodane ey xaran ka dhigen ilah xaqa ha tuso

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. Dhagacade says:

    ASC WR WBR /waxay ila tahay in looga bixi karo arintaas ayada oo loo laabta quraanka & sunada rasulekena suban SCW intaas ka dib marka u horeso wa in ilaah la waydisto danbi dhaaf marka 2 adna wa in la sameyo baraarujin badan oo dadka u dhaqma noocas loo shego dhibatada ya leedahay arintan maha in 1000 kron daraded loo galo dambi ilaahay laga galay & mid laga galay ilamaha mida kale ani waxay ilatahay in arinta aysan kukobnen gabdhaha ee waxa jiro pappa yaal daban oo arintas ku dhirigaliyo hooyoyinka marka wa in la badiyo wacyi galinta ku sabsan arintan mid dhaqan & mid diinba waxa an la yabay dad badan oo dhahayo waxa nalaka qatay ilamaha & ilamahii wa halaben cml ilmo xaran lagu koriyay ma ficnanayaan hadii aysan walidkod dilin aa nasiib la joga wa jiran dad wanagsan oo ay ilamaha ka halaban ama laga qato taasna maha macnaheda in ay xuman sameyen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  31. omar isse says:

    waaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  32. Âbukâr Âbđullâhi says:

    Run ahaantii dadka somaalida ah diinta islaamka afka kaliya ayey ka sheegaan ee kuma dhaqmaan
    In yar uu ilaaheey xafiday mooyaane
    Haddi aan fikirkayga ka dhiibto falalkan guracan eey ku kacayaan aabayaasha iyo hooyooyinka soomaliyeed ee xaalasha isku qabaan misana dhahaan waan kala tgny deetana si dhuumaaleesi ah isugu tagaan caruurta ay dhalaana ay dhahaan aaba malahan waa mid xun wlhi maalin dhaxdaas ah waxaan sheeko kumaqlay in mama somalia ah uu nin gaal ah wediyay caruurta aabahooda marka bay ugu jawaabtay boy freindigeega baa iga dhalay maalma ka dib ayuu u yimid isagoo gacan u soo taagay si uu u salaamo weydiiday gaalkiiba baa yiri Diinta islaamka in uu boy freind wacalo kaa dhalo ma baneenesaa in aan anigana gacanteeda kuugu salaamana ma diideesaaa bal arag sida ayey diinta ugu dheeshay misana loogo jeesjeesayo ayada aya u sabab ah
    dadka soomalida waa dad ad uga daciif ah dhanka diinta
    Waxa un a dhihi karno ayaa ah haweenka somaliyed alle hatuso wadada saxda ah
    Mahdsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  33. omar isse says:

    asc dhamman dadka ku xidhan somaliska waan idin salaamayaa walaalaha siiba walaalaha somalida waxay ku dhaqmayaan waa xaaraan cad wayo ilmahaad dhashay ee ku dhashay diinta islaamka ayaa laleeyahay maan dhalin ee walaalaha ilaahay ka baqa maxay nii tari shilin aad ku galaysaan cadaab walaalo bal u fiirsi waxan ku dhaqmayno ee ayna diinteenu ogolan ex nin reere ayaa baxay oo naag soo guursanay walaaha somaliyeed oo ilaahay ka baqa oo iska daaya waxad samayey saan waxay lacag taraysaa maji aduun yadan waa laga tagayaa waxan salaamaya jimcaale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  34. cawale says:

    SXB JIMCAALOOW WAAD MAHADSANTAHAY WAXAAN KA RABAY OO KALIYA INAAN AXADA WAQTIGEEDA KU QAATO AAN DADKA BAR KAA SII MASHQUULIYO KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    MAHADSANID DHAMAANTIIN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  35. anas says:

    Somalidan arintaan dadka intooda badan dhaqaalo ayaa u geesa dhibka uga badana waa dumarka oo ku fakira lacagaha caruurta iney ayaga helaan oo weey ku tashtaan magalada aan daganahay nin ayaa nagtiisa u furay walale aan isku qornaano kadib markee diidana waa uu ka tagay oo waxuu dhahay aniga ma ogoli sidatan Raga iyo Dumarkaba somaliyeed ninkii daruuf u geesa oo labo naagod gaba ama doonayo inuu keensado xaas kale asagoo gaba mid dhib malahan ilaa arimahiisa kaga haagagayaan laaakin yenan Dhaqan naga noqon lacagta aan dooneeno ILAAHANA baxsha lacagta si xun ha u raadina Diinta ku dhaqma oo ma ogolee iska daaya siiba DUMARKA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  36. Run sheg waa ceeb sheeg says:

    Asc,, Bahda shabakada iyo aqristayaasha intaba,,
    Aniga ilama ahan ainkaan wax sidaas u weyn una baahan in dood dhan laga qabto,, Waa sax waa arin jirto in badanna laga warhaayo,, ma ahan in aan aniga ogolaansho siinaayo,, sidaas si lamid ahna xaaraantinimadeeda kuma deg-degaayo,, Waxanse leeyahay waalaga fican yahay sida aan u arko aniga shaqsiyan,, Teeda kale mowduucaan dhowr arinbo waa loo sababeyn karaa,, dadkuse waxey ku saleeyan kaliya dhanka dhaqaalaha,, Waxa laga yaabaa inteena qoralka so qoreyso in naga mid yihin,, hadane dhahayaan Soomalida waa laga yaaban yahay,, ama inta ay la yaabaan BISINKA iyo saas kusoo koobo,, xalne ma ahan,, waxan kuso koobayaa arinkaan waalaga fican yahay,, ee aan iska dhaafno hadii aan Soomaali nahay,,,,,,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  37. jiijiil says:

    Asc wr wb waa arin jirta arintaan taas oo ka mid ah dhibka na haysta madaama wadankeena baaba’san yahay qofkuna wax la’aan haysato taasna ay ku kalifayso , waxaan is leeyahay wa si caqliyaysan uu qofka wax ku raadsanayo kkk lacagtaan qofka cayrtu u qaato laftirkeeda marka la fiiriyo wax fiican ma ahan waa canshuur laga soo qaaday nooc walbo isug jirto qamri doofaar iyo balaayo kale oo badan , waxa dhan aaba wax fiican ahayn ee ilaah wadankeeno hanoo sameeyo dadkana wadankooda ha ka fakereen intu uu qabiil baqti aan loo joogin ku fakari lahaa , waana mida kaliya aan hor mar ka gaari la’nahay hadii aan somali nahay qabiilka iska dhaafa wadankeenana ka fekera waxaan dhan way iska dhamaan doonaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  38. bartiiyaqaan says:

    asc waxaav halkaan kasalamayaa bahda soomaliska,com iyo dhamaan iyo qofkasta oo soomali ah meelwalba oo aduunka uu ka joogo mar lanaad asc wrwb aad bay u wanaag san tahay fikirka uu usoo gudbiyey umada soomaliyeed ee qurbaha ku nool jim caale laakiin way badan yihiin ciladaha aan ku leenahay qurbaha marka waa in aad is raacisaa
    dhamaan maadaama uu yahay wax aynaan dhaqan iyo diin midna aan ku salaysmayn

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  39. Mohamed says:

    Dhamaan waan idin salaamay, Ilaahey hana nabad galiyo naxariisnta nabiga SCW rabbi ku bixiyeyna hana gaarto.

    Intaas kadib walaalayaaloow waxaan aad uga xumahey 2 arimood oo aduunku ku hor marey inaanan heysan anagu somali hadaan nahey aniguna aan kow ka ahey.
    1. Waan qaldamey ee iga raali noqo
    2. Waxaas anigu qeyb ayaan ka ahaa waanan iska deynayaa
    Waxaa soo raaca oo dhib badan naga heystaa aduunyo jaceyl aysan qabin xitaa swedish-ka gaalada aan ku sheegeyno.
    Fadlan waxaan maahan wax aan wax uga qaban karno anaga oo meelo wax ku soo qor qorna ee aan sameyno magaala walba dallad ka shaqeysa horumarka family-ga somaliyeed aan ka shaqeyno sidii caruur xalaal ah oo ka dhisan maadi iyo diin isla markaasna aaminsan ineysan jirin wax ka wanaagsan diinta islaamka dhaqan bulshada ku dhex wanaasana aan uyeelno.
    Wabillahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  40. maryan says:

    A S C. salaan bacdigeed waxan u mahad naqaya dhamaan dadkaka fekera dadka soomaliyeed iyo danahooda . waxa hubal ah in dadka soomalida aaay yihiin ku astuuran lakiin uu khalbigoodu u wasaqoobay madama kokii markauu soomaliya joogay wax uu qadan jiyar ugu badnaan biil garsiiisan 50 000 oo shiliin soomali ah lakiin marki uu halkan yimid wax dhacday wax isagi ka badan in uu heelay dadka oo dhan waa u cado ah marki shilin soo kordho culeeys aya soo kodha imaanki aya yarada marya waxan dhihi kara somalida imaanki aya yarada sababdaas aya keentay in la qado lacag aan xaqloolaheey iyo in la xarantinimeeyo caruurta muslimkaaha sidaas ayan dhihi kara rayigeeyga.byyyyyyyyyyyyyyyyyy

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  41. caaqil says:

    naagti sidaa yeeleyso ama ninka sida yeelayo waa sharmuutoooyin ayaa la dhihikaraa diinta islamkana waxa ay ka qabtaa in laga gooyo qoorta taasna waxaa dhaanta in ay is taagaan laa miga ayna dhileystaan waxba kuma harsano ee waxba ha is asturin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  42. raaqiya says:

    ASC WALALYAAL ANIGA WAA ILA WANAGSAN IN ILMAHA AAN LAGA DHIGIN WACAL MAXAA YEELAY INAGA WAXAA NAHAY DAD DIIN KU DHASHAY IYO NIKAAX TEEDA KALE KA FIKIR BERI HADII AAD DHIMAATO AYAA QAADANAYO CARUURTA MA KA FAKIRTAY DIINTA BERI MISE WAA KU CAD XARAANTA IN AAD BANEYSATO WAA IGA TAALO SOOMAALI HADII AAN NAHAY WAXAA LOO SAMEYNAYO SXB AYAA DHALAY KULI WAA OGNAHAY LAAKIN MA FIICNO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  43. Mohamed says:

    ASC guurka nuucaas ah caruurta ku dhalata wacala mala dhihi karaa aniga waxey ila tahay waa wacalo caruurtaas ninka iyo naagtii isku qabana xaaraan ayeey isku hastaan oo waa ay iska sineeysanayaan aniga qisa ayaan la kulmay naag ayaan uga turjumayay gacanyaraheeda kamunka markas ayow salaan u soo tagay gacantey ka labatay sheekadedi markey dhamatay ayow igu dhahay naagtaan gacanta waxey u diideeysaa diin ahaan laakiin cunuga uurkeeda ku jira saaxibtinimo ayeey ku sidaa oo nin malahan camal cajiib soow maahan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  44. lajecloow mohamed says:

    Asc wr wb boqol kiiba boqol muslimaa nahay boqolkiiba 90% ilmaha qurbaha lagu dhalayna Aabe maleh waa arin aan is qaban mida kale ileen ceeb looma dhinto anigu eeda waxaan saari lahaa hooyada soomaliyeed ee muslimada ah gaal inta hor istaagto leh cunugayga raaxo aan ku dhalay ama aabe malaha waa wax damiirka iyo dadnimada ka tagtay ee allaha ku soo celiyo aamiin aamiin asc wr wb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  45. superdeeqo says:

    waan idin salamay dhaman aqyarta
    runtii waa wax lo bahan yahay in laga hadlo arimahan sababto ah sharafta dhaqankena iyo diintena ayow hos u dhigay mar hore in laga hadlo ayeyna ehed

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  46. ayaan says:

    asc marka hore marka xigto waxaan idin sheegayaa in ay ku kaliftay gabdha dan sababto ah markuu kii raga ahaa oo qabay ka dhalo 10ciyaal ah oo hadane caawin oo ay ku dhiban tahay guriga oo aysna shaqeysan karin oo ma jirto aduunka nag 5ciyaal ah dhashay ama ka badna meel shaqo laga sinaayo oo aysna aqoon laheyn gabdha somalida ah oo iyad aiyo ninkii isla kalaheynin oo aysna dhaqaalo isla subsan karin sidee ayuu ku baahi tiri karaa reerkiisa hal qof ma hal mushaar ayaa intii dad dhibaateysan dhianaciisa iyo dhinaceedaba laga cawiyo ialmaan laga noleyn karaa waa may ialahey waa qafuuri raxiim waana shadiidul ciqaab ee umadeena dhiban dhibka haka qado xaarantana waxa aloga fogaan karaa in ilamah badna leyska yareeyo lana shaqeysto laga marmo ceyr oo dhan wabialahi towfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  47. ayaan says:

    jijjii ninka wato waxana kus heegayaa ceyr waa xalaal yaa dhahay waa xaraan xashak ay dadka qarkiis aka adaan waxaa xaraan ah shaqooyinka qar lacaga laga soo shaqeyaya sid awayeelda iyo dukamanka iyo melo badnao hada aan xasuusan ee ilaahey towxiidka iy towfiiqda hana wafijo kastee

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  48. caasho says:

    asc qurbaha ayaa soomaalida inta badan isku badashay xaga dhaqanka waxaan sidoo kale aad ula yaabay marka aan arkay naago badan oo aan aqoon fiican u leeyahay oo ragoodo iyo caruurtooda ay afrika joogaan oo la leeyahay halkaan ayaa nin ku qabaa qaar ka mid ahna ragii qabay ayaaba ugu yimid halkaan ayaga oo leh nin baan guursaday oo aan caruur u leeyahay dhaqanka noocaas ah ma ahan mid diinta ogoshahay mida kale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  49. Samsam says:

    Ilaahy ninka ayuu masuuliyada aqalka saarey, aakhirana isaga aya la waydiineya.Ilaahy ba arsaaqda qof kasta haya wax kastaana wa imaanka.Inta yar ee ku so gasha hadaad kalsooni ku qabtid ilaahy ba ku barakeenya.Dhower kun inaad sharftaada iyo diintada ku seegtid maaha oo caruurtada iyo naagtadaba xaaran ka dhigtid.Ilaahy ha ka cabasada dadow..maalin aan maanta ahen baad garan doontan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  50. Huriwaa says:

    dadka soomaaliyeed dad u dhigma Parasiter. waa dad quran ah oo raba xaaraan iyo been iyo qiyaano in ay ku noolaadaan. Ilaahay ha caadaabo wixii soomaali sheegta

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  51. lajecloow mohamed says:

    Ayaan xaaraan waxaa ku sheegayso cadayn inaa u haysa fcn lacagta cayrta la dhaho qofkan shaqeyn la siiyo wa system wadanka ku shaqeeyo islaamka ayna kasoo koobiyeeyeen gaalada waagii cumar binu khadaab radiyallahu canhu
    mida kale qof SFI dhigto Ama iskoolo kale ha iska daayo oo guriga hafariisto bal inuu lacag helo lacagta wa ku heleysa kaliya adiga shaqo inta lagaaga dhigay kasoo baxo asc wr wb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  52. Abukar says:

    Wcs waaka xumahay waxa ay kudhaqmayan gabdhahen anagoo dunida nalooga dambeyo tixgelin islamka قال رسول الله صل الله عليه وسلم أولي الناس بهاالمتقون يوم القيامة من كانواحيث كانوا macnaha xadith ka aya ah in rasulkena n n k h yiri qiyaamaha dadka iigu dhaw wakuwa ilaah kacasada meshey doonanba hajoogaan zamaankey doonaana haku noolaadane

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  53. Gnosjö says:

    Asc dhammaan!

    Arinkan meesha ku xusan haddii aanan laga gambanayn runta iyo xaqiiqda waa mid ka banaanka ah dhaqankeena suuban ee ku dhisan diinteena xaniifka ah mana banaana in uu sameeyo qof muslim ah haddii ay jaahilnimo u gaysayna culimada in badan way ka hadleen mas’aladan haddana qofkasto wey u cadahahay sida qoraxada oo kale!

    Intaa kadib arintan waxay leedahay raadad aad u fool xun kana fog dhaqankeena sida:
    – Barashada beenta ee qoyska ku abaabinayaan ubadkooda, beentana waa ka mamnuuc ruux muslim ah.
    – Waa u bareerid in aad cunto xaaraam, inkastoo dadka qaar ku sirmaan uana maleeyaan in xoolaha muslimiinta kaliya ay xaaraam ka tahay taana waa qalad waxkasto oo kugu soo gala wado ka hor imaanaya sharciga Islaamka waa kugu xaaraam.
    – Dhiiri gelinta in aanan laysan guursan maadaama saaxiibtinimo ilmo lagu dhali karo waana dhaqan ka fog dhaqankeena islaamka ah.

    Haddaba maxay dhaxalsiin kartaa haddii loo bareero? Waa su’aal u baahan ka jawaabideeda in laga eego meelo badan inta garaadkayga ah haddii aan isku dayo jawaabtaas waa:

    1. Carro Eebbe ayay dhaxalsiinaysaa qoyskii u bareera in guurkooda ka been sheegaan taas aakhirkii keenta bur bur, ilmaha oo dhaqanka ka taga una dambeeya falaago caasinimo u dheer tahay, ninka iyo naagta isqaba oo fadaad ku kala yimaada.
    2. Sumcada xumo, in sumcada dhaqanka dadka muslimiinta ay dhulka lala dhaqo bartaan been sheegida.
    3. Dhiiri gelinta in lawada noolaan karo guur la’aan, maanta haddii ay waalidku iyagoo isqaba ka been sheegeen maxaa u malaynee ubadkii lagu soo koriyay beentaas in uu samayn doono? U badi in uusan guursan ee saaxibtinimo qof la daga wada noolaadaan!
    4. In ay ku farxaan qoloda aan martida u nahay sida aan fariintooda u qaadanay iyo dhaqankooda ka hor imaanaya dhaqankeena, keenana aan sidaa ku dayacnay.
    5. In loo arko bulshada muslimiinta ah khaas ahaan inaga in waxkasto lacagta inooga qiimo badan tahay oo ay dhici karto haddii lacagta inoola badiyo in aan diintaba ka tanaasulno meeshi anaga aan lacagta kusoo xero gelin lahayn kuna badbaadin lahayn iyaga ay iyagu nagu baadiyeeyaan maadaama anaga gabnay waajibkeena!
    6. In ubadkii ku barbaaro been iyo khayaano una horseeda in uu saaqido isla markaana falal dhac burcadnimo ah iyo daroogo ku kacaan maadaama xaaraam lagu soo koriyay inleen waa dhaxalka cuquubada beenta iyo khayaanada.
    7. In ay soo if baxdo aqoon yaradeena haddii ay ahaan lahayd xagga diinteena iyo dhaqankeena noolana arko umad iska nool ahna dhaqan la’aan iyo diin la’aan maadaama tooda lacag awgeed uga dayano meelaha qaar… I.W.M.

    Haddaba walaalahayagow aan Rabbigeena ka xishoono kana baqno sida inaga oo arkayno oo kale, haddii aanan anaga arkayn ogaada isaga ayaa na arkaya, ogaadana adduunka xisaab ayaa ka dambeeya maalinkaas ka fikir inta aadan dhimin maxaa u diyaarsatay maxaase ku jawaabee haddii Rabbigaa ku weydiiyo su’aashan maxaa ku jawaabee: Halkee ku baneeyay in guurka la inkiro saaxiibtinimo lagu noolaadana kuna fasaxay? Waa su’aal aad u culus hadhawna qiil nooma noqon doonto gaalka ayaan lacag uga qaadanayay kuna khayaanayay, wabillaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  54. rooda says:

    A/S Calaykum walaalyaal , arintani waa arin wax u dhimaysa dhaqankeena iyo diintena suuban ee islamka ah , maxaa yeelay waa wax laga xishoodu in la caadaysto dhaqan xumo & yasid diinta Islaamka ee Alle sareeye ka dhigay tan ugu sharaf & mudaanta badan, waayo marka gabadh xijaaban indhaha qof ajaanib ahi ku dhacaan wuxuu ka akhrisanyaa in ay tahay muslim waayo waa astaanta islaamka sinaduna ama (boy friend) waa waxyaalaha Alle SWT inaga mumnuucay ee la inga xaaraantinimeeyey, hadaba inta ay eegayaan Shilimada yar miyanay eegayn cawaaqibka ay ku yeelanayso If+Aakhiro, Ifka waxay ku keenaysaa sumcad xumo & sharaf dhac qofna kama dhaadhicin karaan macaanka diinta islaamka maxaa yeelay iyagaa huwan astaanta sharaf dhaca islaamka, waana kuwii laga rabay in lagaga daydo dhaqan suuban cibaado saalix ah, oo ay usoo huguroodan dadka aan islaamka ahayn balse waxa ka badiyey damac doqoniimo iyo hawlkarnimo la’ni ku dheehantahay waa Dawarsiga gaalada, (Ina laaha yarsuqu man yashaa’u bi qayri xisaab) walaahi way iloobeen in Alle nafkasta inta ay ifka ku nooshay qaaday masuuliyadeeda. Allena yahay kan wax quudiya bilaa xisaab, miyaanay ogayn dhibta ay sababi karto hadii uu haleelo xaqa ale dhimashada in ubadkani ku dhacayo cidla iyo gacanta gaalada, haye maxay faa’iideen,ceeb & cadho alle, waxaan ku soo gabogabaynayaa in dadka alle hanuuniyey ee bartay cilmiga Islaamku u qabtaaan Muxaadirooyin ay ku tusinayaan halista If+Aakhiro ay leedahay iyo in aduun waa la helaa ee ubadku yahay shay alle bixiyo kan ugu qaalisan kana daayaan xaaraanta ay ku quudinayaan, wa bilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  55. MAHAD OMAR HUSSEIN says:

    ASSALAMU-CALAYKUM DHAMAAN WALAALAHA MADAAMA LA ISKU RAACAY IN LACAGTAN LAGU QAADANAYO SAAXIIB BAA IGA DHALAY AMA WAAN IS DAGAALSANAHAY IYO WAA IS FURNAYDA BEENTAA, MADAAMA LACAGTAA AAN CUNEEYNO OO AAN DHARKA KA IIBSANEEYNO SOOW MA SOO GALEEYNO NINKII ALLE BARYAYEY EE CABAYEY XARAAMTA , XIRNAA DHARKA XAARAAM AH EE DHAHAYEY YAA RABI , AAN DUCADDA LAGA AQBALEEYN SABABAHAA DARTEED. MA AHAN INAAN KALIYA HALKAAN KU SOO QORNO COMMENT WANAAGSAN, WAXAA XAQIIQ AH DAD BADAN HADDA HADAL WANAAGSAN SOO QORAYA DHAHAYA WAA XAARAAM INEEY AYAGA AAY KU QAATAAN DHAQAALE, ANIGA WAXAA KU SUGANAHAY AFRIKA WALIGEEYNA YURUB MA TAGIN BALSE WAXAAN GARANAYAA IN KA 10 REEROOD OO QAABKAN DHAQAALE KU QAATAA ILMAHAOODANA WACALO U QORAN YIHIIN BALSE WAA WAAJIB I SAARAN ADINKANA IDIN SAARAN WAA IN QOF WALBA KA BILAABO KAN DARISKA LA AH AMA LA QARAABADDAA INUU UGA DIGO ARINTAAN, AAD BUUNA U MAHADSAN JIMCAALE IYO WEBKA SOMALISKA, MADAAMA DAD QAAR DHAHEEN SHAQO LA’AAN BAA SABABTAY IN XARAAMTA LA ISKA CUNA HADDA WAXAAN KA CODSANAYAA SOMALISKA DOODA MAALIN IN AAY KA DHIGANAA SWEDEN SHAQO LA’AAN MIYAA KA JIRTA MISE INAGA AYAANAN FAHANSANEEN QAABKA SHAQO LOO HELO.

    MAHADSANIDIIN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  56. jamac says:

    Walal dadka sidaa sameye waa kuwa bila dhaqan ah oo iqaab mudan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  57. Feysal qaan says:

    K.k.k.k.k.k.k shekadan ma kenten rer qurbo jog ya lagada kuli gin yurub xa ku gashen wala shey ana qabo iyo ana sokorsaday iyo ina bada martan ama bariga ya raxo ku tagay yurub oo na ufakirin qofkas benta waxa u ushegay daruf heysato manta wadan kisa waxa u ugu so cararay wa dhibato jirto aw geed runta wa mu hiim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1