Dooda Axada: Xal u helida jaaliyadaha Soomaalida

Isbuucaan waxaan ka doodeynaa xal u helida jaaliyadaha Soomaalida. Arintaan ma ahan markii ugu horeysay ee aan miiska soo saaro ee sanadkii hore ayaan waxaan maqaal kooban ka qoray arintaan kaasoo aan ugu magacdaray “Ma jaaliydaha mise qabyaaladaha Soomaalida” kaasoo sidaan u qornaa.

Dalka Iswiidhan waxaa urur ama Jaaliyad sameysan kara 3 qof oo kaliya iyo wixii ka badan, arintaan ayaa dhalisay in ururo badan oo Soomaaliyeed ay ka curtaan halkaan, waloow aysan xumayn in urur ama jaaliyad la sameysto hadana waxaa ceeb ah sida bulshada soomaaliyeed intay ka faaideysan la haayeen fursadaan ay u isticmaalaan in ay isku kala qeybiyaan oo qabyaaladii iyo danihii gaarka ahaa ee wadankeena burburiyay ay halkaan ka sii wadaan.

Waxaad arkeysaa goob lagu sheegayo jaaliyad Soomaaliyeed balse markii aad gashid si isku mida laguu fiiranayo haddii wajigaaga cusub yahay, ama aadan ka dhalan cida jaaliyadaas u furan tahay. macnaheedu waxa ay tahay in jaaliyada ay tahay goobta qabiilka.
Ayadoo laga yaabo shaqsiyaadka furta goobaha jaaliyadaha in ay ku dhalisay dano dhakhaale ayaa hadana taas waxay abuurtay in ay bulshadu isku qaybiyaan oo midba midka kale ku eedeeyo in aan cidiisa lagu matalin gudoonka jaaliyada.

Is qabqabsiga iyo is eedaynta bulshada soomaaliyeed ayaa meel kasta ka muuqata, xitaa tuulooyinka ugu yar oo laga yaabo 100 qof in ay ku nool yihiin ayay isku dayayaan in ay dhowr urur sameystaan halkay mid uun ku midoobi lahaayeen wax kalena ma ahan ee waa dano qabiil ama mid shaqsiyeed waxaana abuuraya qabyaalada.
Inkaarta haysta bulshada Soomaaliyeed waa mid ka soo maaxaneysa dhibaata loo geystay dalkeenii hooyo, xalka iyo midnimada bulshada soomaaliyeed ee khurbaha ku nool ma imaanaayo ilaa wadankeenu uu hagaago.

Friday, June 18th, 2010

Hadaba maanta moowduuceena dooda waxa uu yahay Sidee ayaa lagu gaari karaa in laga faaideysto jaaliyadaha? Sidee xal loogu heli karaa in qabyaalada iyo kala qeybinta bulshada meesha laga saaro? Fikradaada ku darso…

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. xassan says:

    asc waan idin salaamay bahda somaliska meel kasta oo aad dunida ka joogtaan salaan ka dib mowduucaan waa mowduuc wanaagsan run ahaantii dhibka ugu wayn oo nahaysta ayaaba ah qabiil kii Aqoon lahaana haduu aamin san yahay iyo kii Ganacsadaha ah aamin san yahay waa dhibaato marka way adagtahay in si sahlan aan maskaxdayna ugu saarno lakin haddii fikrado badan iyo baraarujin badan la sameeyo waa suuro gal in ay wax uun isbadalaan mida kale qabiiilku waxa uu noqday meesha kaliye ee la isku beer laxowsado meesha kaleya ee dhaqaalo laga aruursan karo meesha kaliya ee saacidaad laga helaayo taasina waa waxa dib noo dhigay 21 sano ayadoo qaabab kale oo ka wanaagsan ba la heli karo mida kale jaaliyadu waa ku xigeenkii safaaradda marka safaaraddana waxay wakiil ka tahay wadanka soo ku ma haboona in aad ku fakirto in aad mas uul ka tahay inta aad isku jinsiyadda tihiin in aad isku si wax ugu qabataan ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. abdikaafi says:

    asc wanidinsalaamay aqristayaasha bogaan sidookale waxaan mahadbalaaran iskaleh asasayaasha bugaanayto hadaan waxkudarsado doodanayto waa run qabiilka inuuyahay cudurka aandaawo uhelilanahay lkn meelaha iskumid maahan hada hadaan tusaale idiin siiyo meesha aan kunoolahay waxaa ladhahaa lessebo waxaa kafuran haljaalid oo ilaa mudo 2sano kafuran waxay leedahay gudiyo badan ooisugu jirro kuwa spoortiga kuwa qababan qaabada ciidaha iyo gole odayaal ah oo dhameeyo qilaafyada bulshada kumidaysan jaaliyada waxaa xusid mudan inay nugu hoos noolyihiin qawmiyado kale oo uriyaaqay sidaan waxuwadno oo iskaba dhaafay inay jaaliyad sameestaan markay kuqanceen jaliyadaan waxqilaaf ah kama dhacaan dorashooyinka meshaanayto marka waxaan dhihi karaa soomalda haku daydaan jaliyada lessebo idinka xataa mamulayaasha bugaanayto imaada meeshan fiiriya waxaan sheegayo run miyaa mise been

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. uma hani says:

    A/s dhamaan walaalah somaliyed melwalabi aad aduunka ka jogtan inta kadib waxan aad ugu faraxsanah in mar waliba somaliska.com uu ka hadlo arimo marka lo bahan yahay xaga bulshada wana ku mahadsan tihiin………runta ayaa wanagsan mar waliba in laga hadlo somalina wey is taqana maha in been iyo waxan jirin laga daba warego jaalida somaliyeed marka maqasho waxad u haysata iney tahay mid u dhisan dhamaan somalida ku nol wadankan sweden lkn xalka saas maha mid waxey ku dhisan tahay qabiil oo waxa so ababulay rag qabil ku saleysan kuna hdahayo waxan jaliyadanu furay danaha qabilkan kadhashay qarka kale waa daad ayaga dano gar ah ka leh iyo dhaqalo doon tasna xal maha…………..waxa xal noqon karo ayaan isku daya inaan tibaxo somalida dhaan mawada xuma wey jiran daad wax garad ah mid yar iyo mid weyn muhimadana waxa ah in la helo daad u tagan danaha dadka somaliyed ee ku nol wadanka sweden matalan aniga ahan waxan qaba in la radiyo in yar xita oo fahansan somalinimada waxeey tahay iyo tariikhda loso maray helitanka somalinimada magacan iskama iman daad ayaa so dhici hadana waa laheli kara kuwi oo kale maha in aan isha ka dawano kaliya………..fariin qaas ku ah somaliska.com idinka ayaa hada wax waliba inoga dhow marka radiya daad wacyi galin sameyo oo somalida ka dhadhacsiyo in qabilka iyo iskala qeybinta tahay waxa dib ino dhigay xaqiiqo wax un ayaa kaso bixi dono taas allah u naxariste cabdullahi tima cade maxu dhahay DUGSI MALAHA QABYALIDI WAXEEY DUMISO MOYANE …………………………xassan adana waa tu dhahay XIDAGAHA DUSHENIYO RAGA DAYAXA HEBSADAY KA HABSANAY DUNIDO INAGU UGU DANBEYNE CALANKENI DADAGAY WAR MIDA DAREMEN………..waxan rajena in alle inoso celiyo somalinimadi waa hore inaga dhuntay aaamiin aaamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Abdullah says:

    ASC,INTA JAAHILIINTU MUJTAMACA HOR BOODAYAAN SOOMAALI DHIB KA BIXI MEYSO MEEL KASTA OOY JOOGAAN.MARKA WAA IN DAAWO LOO HELO CUDURKA JAHLIGA MARKAA AYEY BULSHADA KA BAD BAADEE QABYAALADA IYO JAHWAREERKA HEYSTA,BAL IS WEYDIIYA MA QABIIL AYAA KU KEENAY YURUB MISE REEKII KU DHALAY AYAA HANTI KUUGU DEEQAY?MIDBAA INTA KUU YIMAADO KU DHAHAYA TOLKAA WAX U BAAHAN LACAG KEEN!TOLKA UU SHEEGAYO YAA WAAYE?WAR MA U HAYAA KUWII DAD UGU DHOWAAINTAAN TOL LA GAARIN?ADEER REERKII KUGU DAALAY WAX U QABO MARKA HORE!WAXBARA DADKA OO YAAN WAX LAGU RAADIN JID QALDAN,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Samsam says:

    asc, anigu waxaan kula talin laha umada soomalida, inay samaysano hal jaaliyada oo kaliya.Mesha aad doontid ka imu, wadan gaala beynu joogna oo hadayna isku duubanan wa la inaga dhex faaideysan.Caruurtena, diintena iyo danaheena inay wax kasta horeysiino ba fiican.Qabiil iyo dagaal ba wadankeeni inaga keenay.Xita dugsi yar oo quraanka lagu dhigto ba lago heshiin la’yahy mesha aan daganhey.Oo group kasta wuxuu samaystay meel oo gooni ah.Subxanallah ilaahy ka baqa dadow, qof kasta xabaal yar oo madow ba ka danben doonta.Waxa kaliya ee ku raaceya wa ficilkaaga amba ha fiicnadu amba ha wanaagsado.United hadayna noqon gaaladan hortooda wax la iyo horomar ah aynu gaadhi doono ba iska yar.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. MACOW says:

    WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAAN DADKA XIISEEYA HADALADA WAAYO ARAGNIMADA AMA WAXTARKA U LEH UMADA SOOMAALIYEED.MARKA HORE AAN IS WEYDIINO WAA MAXAY JAALIYAD ? MAXAYSE FAA,IIIDO LEEDAHAY ? MAXEYSE QASAARO LEEDAHAY ? MAXAA IGU QASBAAYA IN AAN JAALIYAD SAMEEYO ? DIYAAR MA U AHAY IN AAN KA SOO BAXAAYO WAAJIBKA IGA SAARAN ? HADDII AAN INTAAS LAGU FAKARIN MARKA HORE WAA DHIBAATO OO NAFSADA AYAA BEEN LOO SHEEGAYAA AMA UMADA AYAA LAGU KALA DILAYAA, SABABTA OO AH INTA AAN LA SAMEYNIN JAALIYAD KA FIIRSO SOONA BANDHIG QORSHAHA AAD KA DAMACSANTAHAY JAALIYADA, LAAKIIN DADKA QAARKOOD AYAA WAXA AY MOODAAN JAALIYADA IN AY TAHAY WAX UU QOFKA LEEYAHAY, JAALIYAD QOF MA YEELAN KARO, OO MA AHA DUKAAN AAD ADIGA FURATAY SHAQSI AHAAN EE JAALIYAD WAA INEY LEEDAHAY GUDI LOO DHAN YAHAY. OO AFKA SWEDEN WAXAA LAGU YIRAA ( IDEAL FÖRENING ). MARKA WAX AAN ISKULA HARNO OO AAN FAHANO WAXA AY TAHAY JAALIYAD, AANA KA FAAIDEYSANO WADANKAN INTA AAN KU NOOLNAHAY HADII KALE ILMAHEYNA BANAANKA AYAY KU SOO DHACAYAAN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Khadija says:

    Asc, walaalayaaloow anniga waxay ila tahay waxa meeshaan na keenay waa qabyaaladii aan isku dilney dalkeenii iyo dowladeeniina kusoo burburiney. Waaba kasoo qaxnaye maxay hadana belaayadu noo daba socotaa? haddii ayse faa’iido leedahay maxaan wadankeenii ugu dhisi weynay.
    Waa wax laga xishoodo inaad annagoo martiya oo nala marti geliyay aan annagu hoosta intaa iska cuneyso oon isu calool xuntahay meeshii aan iska gacashan lahayn gacmahana is qabsan lahayn!.
    Waxaa tusaale idiinkugu filan fiiriya wadankan aan joogno jaaliyad qabiil u furani ma jirtaa oo dano qabiil lagu fuliyo. Dadkeygoow ummadu mabda’a ayay isku raacdaa ee reer iskuma raacdo. Waxaan ku nool nahay waa magaalo ma bahan dhulkii baadiyaha ee geela lagu ilaalinaayay ood qabiilka u baahneyd inuu geela lagaa qaado kuusoo dhiciyo.
    Ma jiraa hal kommune oo magac qabiil koox jaaliyad ugu furey mise waxaa lagu furaa waa magaca Soomaaliyeed taa ma lays weydiiyay horta?.
    Jaasliyaduhu ha noqdeen goob dhallinyarada lagu baro dhaqankooda iyadoo welibana waxbarashada maadiga iyo tan diinigaba looga caawiyo, tartamo sports loogu qabanqaabiyo waxii dhibaato ah ee soomaalida kommunahaa deggan ku soo kordha looga wada hadlo siddii loogu xalin lahaa si wadajir ah markaas ayaan jaaliyad soomaaliyeed ku magacaabi karnaa, waa sidey anniga ila tahay. Haddii aan qaldamayna waa la’i sixi karaa walaalahayoow.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Jimcale-Assad says:

    inta qabiilka ku dhax jirto ama ka dhax wado waxaan dhihi lahay hala dacweeyo ileen hadii run la rabo waa leys garanayaa – Mida kale Sweden waa wadan demokrati ah qof kastaa waa inoo ku dhaqmaa sharcigani . waana garaneyna jaliyada sababta loo sameeyey ineysan aheyn qabiil mid ey ku lug leedahay oo ey ka dhaxeyso bulsho weynta Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0