Dooda Ramadaanka iyo waqtiga afurka

18

Sanadkasta marka Ramadaanku soo dhawaado ayaa Muslimiinta Sweden waxaa ka dhex bilaabata dood kulul oo ku saabsan sida laga yeelayo saacadaha badan ee la soomayo, qaasatan sanadkaan ayaa ka sii badan sanadihii hore.

Muslimiinta ku nool waqooyiga Sweden ayaa qaasatan dhibaato gooni ah ka qabsan doontaa saacadaha soonka oo gaari doonaa 21. Culumada Muslimiinta ayaa iyagu aan isku waafaqsanayn waxa laga qaban karo arintaan. Waxaa la soo bandhigay qorsheyaal kala duwan sida in lala soomo wadanka ama magaalada Muslimka ah ee ugu dhow Sweden. Ama in la xadido saacadaha oo laga dhigo ugu badnaan 16-17. Halka qaar kale ay soo bandhigeen in lala soomo magaalada Makkah.

Inkastoo arintaani ay tahay mid diini ah ayaa hadana waxaa muuqata in culumadu aysan soo bandhigin wax xal ah oo lagu qanci karo. Dhibaatada haysata qaasatan Muslimiinta waqooyiga Sweden ayaa ah mid dhab ah maadaama ay aad u adkaan karto in ay si toos ah u soomaan saacadaha oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, Ramadaanka ayaa dib isku soo guri doona sanadba sanadka xiga, iyadoo 5-ta sano ee soo socota uu ku soo aadi doono bilaha Juli iyo Juni oo ay maalmaha xagaaga ugu dheeryihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here