Doodii baarlamaanka oo dib loo dhigay

26

Doodii baarlamaanka Sweden (Riksdagen) uu ka yeelan lahaa arimaha Socdaalka iyo Magangalyo doonka oo ay ku jirto arimaha Soomaalida ayaa dib loo dhigay. Qorshaha dooda ayaa ahaa in uu dhaco 30 bisha Maarso balse hada ayaa loo badalay 4 bisha May.

Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet oo soo diyaarisay mooshinka lagu dalbaday in shuruuda laga qaado Soomaalida ayaa ii sheeegtay in ka dib heshiiskii dowlada iyo xisbigeeda isbedelo lagu sameynayay qodobada dooda sidaa darteed uu gudiga arintaas qaabilsan waqti qaatay.

Amir Adan oo ah mudane Soomaaliyeed oo ka tirsan baarlamaanka Sweden xisbiga Moderatka ayaa ii sheegay in uu aaminsanyahay in isbedelka uu ka dambeeyo heshiiskii xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada. Amir ayaa isaga laftiisa soo diyaariyay mooshin uu ku dalbanayo in shuruuda laga qaado Soomaalida asagoo ii sheegay in uu filayo in mooshinkiisa la meel mariyo.

Booskii dooda Socdaalka iyo Magangalyo doonka ayaa 30ka bisha laga doodi doonaa arimo kale oo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo deegaanka.

Waan ku soo dari doonaa mowduucaan wixii macluumaad dheeri ah oo aan ka helno sababta dib loogu dhigay doodaan muhiimka ah. Insha Allah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here