Doodii baarlamaanka

17

Maanta waxaa dood kulul ka dhacday baarlamaanka Sweden iyadoo lagu soo bandhigay

Christina Höj Larsen

aragtiyo badan oo ku saabsan arimaha socdaalka iyo soo galootiga. Dooda waxaa ka halay mudanayaal dhowr ah oo ka kala socda xisbiyada kala duwan ee dalka.

Ugu horeyntii waxaa dooda furay Fredrik Lundh Sammeli oo ka tirsan xisbiga SocialDemokraterna isagoo ku baaqay in la mideeyo familada. Waxa uu soo qaatay mudaharaadkii ay soomaalidu ka dhigeen irada hore ee baarlamaanka inta aysan bilaaban dooda. Waxa uu dalbaday in la badalo sharciga isagoo soo qaatay magacyada hooyooyin Soomaaliyeed oo caruurtooda maqantahay.

Ka dib waxaa la wareegay mikrofoonka Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Deegaanka iyadoo ka

Fredrik Lundh Sammeli

hadashay baasaboor la’aanta Soomaalida iyo in  DNA wax lagu cadeyn karo. Waxay sheegtay in dowlada ay kala shaqeynayaan xal u helida arintaas.

Ka dib waxaa halkaas ka hadlay Christina Höj Larsen oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet iyadoo si qiiro leh uga hadashay arimaha Soomaalida oo tusaale u soo qaadatay hooyo lagu magacaabo Faduma oo degan Falköping. Christina ayaa cambaareysay aamusnaanta laga aamusanyahay arintaan. Waxay sheegtay in caruurta laga ganacsado ay siyaadineyso marka waalidiinta loo diido caruurtooda. Waxay sheegtay in heshiiskii dhexmaray dowlada iyo xisbiga Deegaanka uu yahay qalad qalad ku sax.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Fredrick Federley oo ka tirsan xisbiga Centerpartiet isagoo sidoo kale hadlay mideynta reeraha iyo in uu la kulmay Soomaali dhibaato ka haysato arintaan.

Sidoo kale waxaa ka hadashay goobta Emma Henriksson oo ka tirsan xisbiga KristDemokraterna iyadoo ka hadashay shuruuda aqoonsiga.

Waxaa goobta ka dhacay doodo dhexmaray xubin ka tirsan xisbiga cunsuriga ah ee SD iyo mudanayaasha aan kor ku soo xusnay. Si kastaba ha ahaatee arinta Soomaalida ayaa la dhihi karaa in ay maanta ahayd ajandaha ugu weyn ee dooda ku saabsan arimaha Socdaalka iyo Soo galootiga.

Dib ayaan ka soo qori doonaa wixii go,aano ah ee laga gaaray baarlamaanka iyo faahfaahintooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here