Doodii Soomaalida diinta Kiristaanka faafisay oo sii socota

55

Sidii aan dhowr isbuuc ka hor soo qornay waxaa dhacday in dad Soomaali  ah ay yimaadeen xaafada Rinkeby halkaasoo ay bilaabeen in ay ka faafiyaan fariinta diinta Kiristaanka. Arintaas ayaa dadku si kala duwan u arkeen iyadoo qaar ay isdhaafiyeen halka kuwa kalena ay arinta sii dabagaleen.

Idaacada Sverige Radio oo markii hore wareysi ka qaatay ragga Kiristaanka ah ayaa mar kale qabatay dood ku saabsan arintaan iyadoo la sheegay doodaas gudaheeda in Imamka ka socda masaajidka Rinkeby uu sheegay in ay tahay in la dilo ragga diinta ka baxay. Hadalka imamka ayaa waxaa soo qaatay warbaahinta Sweden iyadoo wargeyska Dagen oo wareysi la yeeshay Kenadid Mohamed oo ah wariye ka shaqeeya idaacada Sverige uu wargeyska uga waramay sidii wax u dheceen.

Kenadid ayaa sheegay in hadalka imamka uu yahay mid ay dad badan la qabaan balse ay jiraan farqi xaga aragtida ah oo u dhexeeya Soomaalida, iyadoo dadka wax badan Sweden joogay ay yihiin kuwa si kale u fikira.

Arintii ay sameeyeen ragga Kiristaanka ah oo ay gacan ka geysatay kaniisada Rinkeby ayaa Soomaali badan waxay u arkeen mid daandaasi ah, maadaama ay waqti Ramadan ah bilaabeen in ay Kiristaanka ka faafiyaan irida Masaajidka Rinkeby.

Hadaba sidee idin la tahay arintaan. Maadaama aan Sweden joogno miyay haboontahay in la yiraahdo ha la dilo Soomaalida diinta ka baxda? Soomaalida maku kala fikir duwanyihiin arintaan? Mise jirtaa in dadka Sweden wax badan joogay ay si kale u fikiraan? Waa dood furan

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here