Doorashada Finland

3

Shalay waxaa Finland ka dhacday doorasho taasoo isbedel weyn ku keentay siyaasada wadankaas. Xisbi ka soo horjeeda soo galootiga oo lagu magacaabo True Finns ayaa noqday kan 3-aad ee ugu weyn Finland. Xisbigaan ayaa doorashadii hore ka helay 5 kursi oo keliya halka doorashadii shalay ay heleen 39.

Xisbigaan True Finns ayaa ka soo horjeeda soo galootiga, midowga Yurub iyo luuqada Swedishka  ee tan labaad ka ah wadanka Finland. Dadka Finland ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee codkooda ku taageera xisbi cunsuri ah iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay baarlamaanka Sweden  soo galeen xisbiga cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna markii ugu horeysay.

Waxaa muuqata in wadamada Yurub ay ku  faafayaan xisbiga ka soo horjeeda soo galootiga oo siyaasadooda ku saleysantahay cunsuriyada. Denmark ayaa u muuqata in guud ahaan dowlada ay ku salaystanahay cunsuriyad, halka Holland ay dowlada ka tirsanyihiin xisbiga ninka Islaamka aflagaadeeya ee Geert Wilders.

France ayaa beryahaan waxaa ka taagneyd dood kulul iyadoo la sheegay Sarkozy in  uu Muslimiinta toosh ku daarayo si uu ugu guuleysto doorashada. France ayaa laga mamnuucay niqaabta isbuucii la soo dhaafay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here